Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dadka dib ugu laabanaya Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
January 11, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dadka dib ugu laabanaya Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaxooti Soomaaliyeed oo ka tegaya magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo Kenya ku yaalla ayaa maalin walba gaaraya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari Kenya, Sida ay sheegayaan shirkadaha gaadiidka ee ka howlgala gudaha xeryahaas.

“Tan iyo intii dowladda Kenya ay amar ku bixisay in qaxootiga jooga gudaha magaalooyinkeeda ay aadaan xeryaha qaxootiga, dadku aad bey xeryaha usoo galayaan, markii hore laba bas ayaa maalintii imaan jirtay balse hadda ilaa afar bas baa timaada.” Sidaa waxaa raadiyo Ergo u xaqiijiyay Mahdi Ciise Cilmi oo ka mid ah wakiillada shirkadaha basaska isaga kala goosha gobolka. Qoysaskan ayaa isugu jira kuwo u diiwaan gashan hay`adda arrimaha qaxootiga QM ee UNHCR, oo degaya gudaha xeryaha iyo qaar kale oo u sii gudbaya  Soomaaliya.

Magaalada Nairobi waxaa ku nool qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 30`000, sida ay sheegtay QM. Waxayna halkaasi u joogaan dano kala duwan, sida qaar arrimo caafimaad u jooga, kuwo ka shaqeysta, kuwaso wax ka barta iyo kuwo u jooga in qoysaskooda dibadda jira ay uga soo dacwoodaan halkaas.

Caasho Maxamed Xuseen waa hooyo  ka mid ah dadka soo noqday, waxay iyada iyo qoyskeeduba ka soo guureen magaalada Nairobi, waxayna sheegtay in halkaas ay u joogtay arrimo caafimaad “Dhib iyo rafaad iyo askarta oo habeenkii kugu soo garaacaysa albaabka ayaan uga soo tegay Nairobi, alxamdulillaah hadda waxaan dib ugu soo noqday xeradaydii  aan degganaa.” Ayay tiri Caasho.

Dowladda Kenya ayaa bishii Disember ee sanadkii hore ku amartay dhammaan qaxootiga jooga magaalooyinkeeda inay aadaan xeryaha Dhadhaab, iyadoo sheegtay in wax gargaar ah aysan ku heli doonin gudaha magaalooyinkeeda, waxaana xeryaha Dhadhaab waxaa hore ugu noolaa qaxooti gaaraya 500`000 taasoo ku dhowaad afar jibbaar ka badan intii loogu talo galay.

Farxaan Lafoole/MG/FM

Previous Post

Wariye Cabdicasiis Koronto oo loo haysto inuu wareystay haweeney la kufsaday

Next Post

KA FAAÍIDAYSIGA BIYAHA ROOBABKA

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
KA FAAÍIDAYSIGA BIYAHA ROOBABKA

KA FAAÍIDAYSIGA BIYAHA ROOBABKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-SEP-2026

IDAACADDA 13-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-SEP-2026
September 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-SEP-2026
September 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo