Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

TAHRIIBKA OO KU SOO BADANAYA SOMALILAND

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 5, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
XAALADA MUHAAJIRIINTA SOOMAALIDA AH EE KU XIRXIRAN XABSIYADA TANZANIA

File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSida ay qortay wakaaladda wararka arrimaha bini`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN, dhallinyaro badan ayaa ka taga gobollada Somaliland, iyagoo si sharci darro ah ugu tahriiba dalal kale, tanoo ay wacantahay shaqo la`aanta.

Goobaha ay dhallinyaradan u tahriibaan ayaa waxaa ka mid ah Liibiya, iyagoona cagta sii mariya Itoobiya iyo Suudaan, dabadeedna Liibiya uga sii tallaaba dalalka Yurub.

Saciid Cumar, oo ah agaasimaha waaxda dhallinyarada ee wasaaradda  dhallinyarada iyo isboortiska Somaliland ayaa u sheegay IRIN in aan tirada saxda ah la heynin, balse lagu qiyaasayo in saddexdii bilood ee ugu dambeysay sanadkii 2011-kii, keliya 150 dhallinyaro ah ay si sharci darro ah u tahriibeen, marka loo barbar dhigo sanadkan oo saddexdii bilood ee ugu dambeysay ay  300 ilaa 350 qof ay tahriibeen.

Ilaa 150 dhallinyaro reer Somaliland ah ayaa dib halkaasi loogu soo celiyay intii u dhaxeysay bilihii Jannaayo iyo  Nofembar 2011kii, ka dib markii saraakiisha Itoobiya ay ka qabteen xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo  Suudaan, 200 oo dhallinyaro ah ayaa dib loo soo celiyay 11kii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2012ka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka ee Somaliland oo ku sugan magaalada Tog-Wajaale, ee ku taalla xadka Itoobiya iyo Somaliland.

Shaqo la`aanta ayaa ah caqabada ugu badan ee ku qasbaysa dhallinyarada in ay haajiraan.

Sida uu sheegay Cali Cusmaan Cabdi-Liba, oo ah saynis-yahay siyaasadeed, dhallinyarada leh tacliinta sare ayaa sidoo kale u dhow inay ka tagaan Somaliland.

Cabdi-Liba oo ka mid ah aqoonyahannada ayaa ku baaqay abuuridda dugsiyo farsamo, iyadoo xirfadahaas looga baahan yahay suuqa.

“Waxaan rajeyneynaa in deeq-bixiyeyaasha caalamka ay sidoo kale ka qeyb qaataan, ilaa 50,000 oo shaqooyin ah ayaa la abuuri doonaa sanadaha soo socda si loo yareeyo xaddiga shaqo la`aan ee maraya boqolkiiba 80 lana gaarsiiyo boqolkiiba 20,” ayuu yiri Axmed.

Dowladda Somaliland ayaa lagu wadaa inay meel dhigto kharash loogu talo galay shaqaaleynta dhallinyarada, iyadoo ugu horreyn lagu kharash gareynayo  $130 milyan oo doollarka Mareykanka ah, kharashkaasoo laga ururin doono gaar ka dhigidda dhismayaashii hore ee dowladda, sida uu sheegay Baashe Yuusuf Axmed, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland.

Previous Post

CAQABAD SOO WAJAHDAY SOOMAALIDA KU NOOL KOOFUR AFRIKA

Next Post

SHARCI DIFAACAYA BARAKACAYAASHA AFRIKA OO MAANTA DHAQAN GALAYA

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
DADKA DEGMADA AFMADOW OO KA SOO KABANAYA DAGAALLADA

SHARCI DIFAACAYA BARAKACAYAASHA AFRIKA OO MAANTA DHAQAN GALAYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-SEP-2026

IDAACADDA 12-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-SEP-2026
September 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo