Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

IN KA BADAN 19 TAHRIIBAYAAL AH OO KU DHINTAY XEEBAHA BARI

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 19, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
IN KA BADAN 19 TAHRIIBAYAAL AH OO KU DHINTAY XEEBAHA BARI
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankTahriibayaal u badnaa Itoobiyaan ayaa shalay dooni  kula qallibantay meel 5-meyl u jirta xeebta magaalada Boosaaso, maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka.

Tahriibayaashan oo ka baxay xeebta Lug-Samatar ee deegaanka Mareero oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso, kuna sii jeeday dalka Yemen ayaa meydadkooda oo gaaraya 19 laga helay xeebta magaalada Boosaaso, waxayna 18 ka mid ah ahaayeen Itoobiyaan halka qofka kalana uu ahaa Soomaali, iyagoo isugu jiray 12 haween ah, 6 rag ah iyo ilmo yar oo 4 jir ah, waxaana meydadkooda la geeyayay isbitaalka weyn ee Bosaaso, waxaana jira 5 nin oo Soomaali ah kuwaasoo la soo badbaadiyay, sida uu raadiyo Ergo u xaqiijiyay xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari, Bashiir Ismaaciil Axmed (Hoobaley), oo ka mid ahaa guddi loo xil rsaaray baadi goobka raq iyo ruux tahriibayaashii la socday doonta qallibantay.

“Tahriibku waa sharci darro uu maamulku mamnuucay, dhowaan doomo lagu tahriibayay ayaa la qabtay oo la xukumay, ciddii lagu arko iyadoo dadka tahriibineysana waxaa la marsiin doonaa sharciga.” Sidaasna waxaa yiri xeer ilaaliyaha wuxuuna sheegay inaanu tiro sax ah ka hayn inta ku dhimatay doontaas maaddaama aanan la hayn dadkii ka mas`uulka ka ahaa; hase ahaatee uu socodo baaritaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland, Saynab Ugaas Yaasiin, oo magaalada Boosaaso kula hadleysay warfidiyeennada ayaa ka digtay khatarta lagala kulmo tahriibka waxayna tiri “Tahriibka dhibaatooyin badan ayaa lagala kulmaa, waana khatar ay u bareeraan kuwa wax tahriibiya iyo kuwa tahriiba intaba, waxaana ugu baaqi lahaa inaysan naftooda halligin oo aysan tahriibin.”

Dhowaan sharci ay meel mariyeen baarlamaanka Puntland ayaa mamnuucay in aan laga tahriibi Karin xeebaha Puntland, balse taasi ma noqon mid sidii la rabay u meel marta.

Tahriibayaasha ayaa intooda badan aada dalka Yemen, iyagoo doonaya markaas iney uga sii gudbaan dalal kale sida Sacuudiga oo ay aaminsan yihiin iney ka heli karaan nolol dhaanta midda ay ka yimaaddeen oo ay dhibta iyo dhimashada u soo maraan. Inta badan dadkan ayaa dib looga soo celshaa markii ay cagaha saaraan dhulka Sacuudiga, iyagoo aan haba yaraatee gaarin wixii ay ka filayeen.

Axmed Soomaali/FM/AM

Previous Post

XAALADDA MAGAALADA NDOLA OO DEGGAN

Next Post

QOYSAS AMMAAN DARRO UGA BARAKACAY TUULADA BUUFOW

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
QOYSAS AMMAAN DARRO UGA BARAKACAY TUULADA BUUFOW

QOYSAS AMMAAN DARRO UGA BARAKACAY TUULADA BUUFOW

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-SEP-2026

IDAACADDA 13-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-SEP-2026
September 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-SEP-2026
September 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo