Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

TAHRIIBAYAASHA SOOMAALIDA EE KU XIRAN LIIBIYA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
November 7, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
TAHRIIBAYAASHA SOOMAALIDA EE KU XIRAN LIIBIYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada ku yaalla  dalka Libya ayaa sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay ku haystaan gudaha xabsiyadaasi,  iyagoo sheegay in jirdil  halkaasi loogu geysto.

Dhallinyaradaan oo u warramayay idaacadda Ergo iyagoo ku sugan xabsi ku yaalla magaalada Misrata ee wadanka Liibya ayaa sheegay in loo geysto tacaddiyo, halka qaar ka mid ah maxaabiis Soomaali ah ay ilaalada xabsiyada ku dhufteen xabbado, taasoo keentay in qaar ka mid ah ay geeriyoodaan.

Mid ka mid dhalinyaradaas ku xiran xabsiga Misrata oo la hadlayay idaacadda Ergo ayaa sheegay  in xabsiga ay ku jiraan muddo ilaa saddex bilooda, wuxuuna sheegay isaggoo in laga soo qabtay dhanka badda xili ay doonayeen iney ka gudbaan biyaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga.

“Waa nalagu shaqaystaa, gabdhaha waa la faraxumeeyaa, dhibaato badan ayaa halkaan  ku qabnaa ” ayuu yiri wiilkaas dhalinyarada ah.

Waxaa kaluu  noo sheegay in rag dhallinyaraa oo door ahi xabsiyada dhexdooda lagu dhaawacay markii xabbado lagu riday, iyagoo qaar kalena ay dhinteen. Dadka uu wiilkan xabsiga ku jiraa noo sheegay waxaa ka mid ah:  Maxamad Mallaay oo Boosaaso ka soo tahriibay oo la dhaawacay, sidaas si la mid ahna la dhaawacay nin lagu magaabo Bashiir oo xabbad lagu dhuftay. Waxaa isana jira nin lagu magacaabi jiray Abwaanka oo Hargeysa ka soo tahriibay oo u geeriyooday xabbad ay rideen ciidamada xabsiga Liibiya.

Maxamad Laami oo isna ka mid ah maxaabiista Soomaalida ee ku jirta   xabsiga Misrata   ee waddanka Libya ayaa Ergo u sheegay in isagu uu soo maray xabsiyo kala duwan kuwaasoo oo u dhexeeyay ilaa bishii Maarso, isagoo sheegay xabsiyada uu soo maray ay gaarayaan ilaa shan xabsi, jirdil bandanna loo geystay.

“Waxaan quudanaa dil, haweenka waan u adkaysan la`nahay sida loo dilayo, anagana koronto ayaa nalagu qabtaa,” sidaana waxaa yiri  Cabdirashiid oo sheegay in uu ka soo tahriibay magaalada Hargeysa.

Dhanka kale xiriir aan la samaynay  mas`uuliyiinta safaaradda Soomaalida ay ku leedahay  waddanka Libya ayaa  sheegay in aanay jirin wax kufsi ah oo loo geysto  gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada wadadnaka Libya.

Muxidiin Maxamad Kaalmooy oo ka mid aha mas`uuliyiinta safaarada Soomaalida ee wadanka Libya, wuxuuna sheegay in uu soo booqday xabsiyo ay ka mid yihiin  Safraata, Sarmaan, Zaawiya, Duqeysha Qubus Ilaa Misrata oo uu sheegay in ay ku jiraan boqolaal maxaabiis Soomali ah.

“Meel aana tagin malaha, waxaana aan soo wareystay oo aan la kulmay gabdhaha halkaasi ku jira ma jirto wax ii sheegay in la kufsaday, waxaan idiin sheegayaa in dhammaan gabhaha xabsiyada laga sii daayay ka dib markii aan wadahadal kala samaynay mas`uuliyiinta Libya,” ayuu yiri  sarkaalkaas ka tirsan safaaradda.

Kaalmooy  ayaa sidoo kale sheegay in ay dhacdo in dhallinyarada mararka qaar la garaaco ama xabbado lagu dhufto taasina waxaa keenaysa ayuu yiri iyadoo ay maxaabiistu isku dayaan in ay ka cararaan xabsiyada oo ay ka boodaan darbiyada.

Ugu dambayntii Kaalmooy oo dhawaan loo magacaabay wasiirka wasaaraddaa Hawlaha guud iyo dib u dhiska iyo guryaynta DFS ayaa sheegay in inta uusan us oo wareegin xamar uu  ka shaqayn doono sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Soomaalida ee ku haray xabsiyada dalka Libya.

Abdisamad Abdulkadir Farah /MG/

Previous Post

158 MILYAN EURO OO SOOMAALIYA LOOGU DEEQAY

Next Post

SAADAASHA HAWADA SOOMAALIYA

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 23, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
SAADAASHA HAWADA IYO ROOBABKA SOOMAALIYA

SAADAASHA HAWADA SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo