
Saadaasha todobaadkan waxay tilmaamaysaa in roobab qafiif ah iyo kuwa dhexdhexaad ah inta lagu guda jiro todobaadka soo socda laga heli doono agagaarrada dooxooyinka Jubba iyo Shabeelle ee dalka Soomaaliya iyo dhulka sare ee buuralayda Itoopiya. Heerarka webiyada ayaa la filayaa in ay wax yar sare u kacaan muddadaas todobaadka soo socda lagu guda jiro, tanoo la xiriirta roobabka laga sii saadaaliyay in ay ka daí doonaan qararka hoose ee webiyada.
Sahan laga sameeyay agagaarrada webiga Shabeelle ayaa waxay muujinayaan in goobaha sare ee webigaas gaar ahaan gobolka Hiiraan ay heerarka webiga yihiin kuwa caadi ah , oo deggan. Laakiinse goobaha dhexe ee webiga Shabeelle gaar ahaaan gobolka Shabeellaha dhexe iyo qararka hoose ee Shabeellaha Hoose ayaa lagu soo wamarrayaa in uu ka jiro sare kac heerarka webiga balse waxaa la sii saadaalinayaa in ay jiro karto halis yar oo ku aaddan in ay fatahaad dhacdo marka laga eego saadaasha roobabka ee todobaadka soo socda.
Qararka webbiga oo burbursan ayaa laga yaabaa in ay sii xumeyso xaaladda. Waqtigan heerka webiga Shabeelle ee degmada Jowhar waa 5 meter, isagoo 25 CM u jira halka lagu qiimeeyo halista in ay fatahaadi dhici karto.
Heerarka webiga Jubba ayaa lagu soo warramayaa in ay hooseeyaan, sida saadaashan ku cadna waqtigan heerarka webiga waa ay ka hooseeyaan halkii ay ahayd xilligan oo kale sanadkii hore ilaa haddana ma jirto halis fatahaad oo laga sii saadaaliyay webiga Juba todobaadka soo socda.










