Kalluumaysatada yar yar ee ka jilaabta xeebaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay inay haystaan dhibaatooyin kala duwan, kuwaasoo ka hortaagan wax soo saarka kalluumeysiga.
Qaar ka mid ah kalluumaysatadaasi ayaa raadiyo Ergo u sheegay in hoos u dhac xoog leh uu ku yimid wax soo saarkooda, oo ay ugu wacan tahay xaalufin ba`an oo lagu hayo badda Soomaaliya.
“Hoos u dhaca waxaan la qabnaa guud ahaan gobollada kale ee xeebaha leh ee dalkeenna, waxaana u sababeynaynaa dowladdii dhexe ee dalka markii ay dhacday wixii ka dambeeyay kalluumaysatadu ma aysan helin dhiirrigelintii ay u baahnaayeen oo ku saabsan wax soo saarka kalluumaysiga,” sidaa waxaaa yiri Maxamed Cali Nuur, oo ka mid ah kalluumaysataas.
Maxamed ayaa sheegay in kalluumeysatadu haysan wax tababar ah, qalab iyo suuqgen intuba. Waxaa sidaas oo kale ka xirmay taakuleyntii heerka caalami ahayd oo ay ka heli jireen hay`adaha QM ee FAO.
Wuxuuna intaas ku daray ee uu sheegay iney dhibaatadaas u wehliuyaan in xeebaha Soomaaliya ay dhibaatooyin ba`an ku hayaan maraakiibta shisheeye, kuwaasoo caqabad ku ah sida uu sheegay kalluumaystada yar-yar ee Soomaaliyeed.
Farxaan Maxamed, oo isna ka mid ah kalluumaysatada yar-yar ee gobolka ayaa sheegay in marna ay helaan kalluun marna ay soo waayaan .
Si kastaba ha ahaate, kalluumaysatada xeebaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in haddii ay heli lahaayeen qalab wanaagsan, tababarro iyo wacyi galin iyo shirkado ka iibsada kalluunka inuu sare u kici lahaa wax soo saarkooda.
Aadan Diyeeshe/AA/FM/AM