Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladaha nolosha gobolka shabeellaha hoose

Radio Ergo by Radio Ergo
September 26, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xaaladaha nolosha gobolka shabeellaha hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankGuddoomiyaha gobolka shabeellaha Hoose ee maamulka DFS,  Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidi, oo la hadlayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto gobolka, gaar ahaan qoysaska xiga dhanka xeebaha gobolka isagoo sheegay in ceelasha aysan shaqeynayn.

“Waxaan tagnay degaanno ay ka mid yihiin Marka, Buufoow, Jilib marka, Gendershe, Dhanaane, Salini, Ceel wareegoow, Bushka, Jasiira, Arbacoow, Laanta buure iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka, waxaana halkaasi ku soo aragnay dad duruufeysan oo ay hayso cunno xumo, nafaqa darri iwm”.

Guddomiyaha ayaa sheegay in ilaa saddex sano aanu dhulkaasi wax roobab ah ka di`in,  isagoo sheegay in  dadka ku dhaqan degaannadaasi ay ku tiirsanaayeen badigood kalluumeysiga, “Kalluunkii ayaa ku yaraaday  badda, laashashkii yar-yaraa ee ay ku soo qabsan jireen kalluunkana way ka duuguubeen mana jirto cid u dayactirtay, taasina waxay keentay in dadka  ku dhaqan deegaannadaasi ay noqdaan kuwo  baahan oy  nafaqo-darri ku dhacdo.

“Annaga nambar 50 waxaan ka qeybinnay wax xoogaa boorash iyo saliid ah, marna waxaan geynay bariis sonkor iyo saliid, hadde waad dareemi kartaa meel ay ku nool yihiin in ka badan labaatan kun oo qoys in aysan ku filnayn” ayuu yiri mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Shabeellaha hoose ayaa sheegay in maalmahaan dambe ay jiraan nabad galyo xumo ka jirta qeybo ka mid ah gobolka,  gaar ahaan degaannada u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye,  kuwaasoo uu sheegay inay ka dambeeyaan kooxo ku labisan direyska ciidamada DFS, dhacayaanna shacabka, iyagoo ka faa`iideysanaya xilliga kala-guurka ah ee uu dalku galay.

CC/MH/MG/FM/AM

Previous Post

HRW: Dowladda cusub waa inay baaritaan ku sameysaa dilalka weriyeyaasha loo geysanayo

Next Post

Barakacayaal ku tabaalaysan xadka soomaaliya iyo kenya

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
Barakacayaal ku tabaalaysan xadka soomaaliya iyo kenya

Barakacayaal ku tabaalaysan xadka soomaaliya iyo kenya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2026

IDAACADDA 23-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo