Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

HRW: Dowladda cusub waa inay baaritaan ku sameysaa dilalka weriyeyaasha loo geysanayo

Radio Ergo by Radio Ergo
September 24, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
HRW: Dowladda cusub waa inay baaritaan ku sameysaa dilalka weriyeyaasha loo geysanayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ugu baaqday madxaweynaha cusub ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, inuu amro baaritaan lagu sameeyo 24-saacadood gudahood dilalkii afar warfidiyeen loogu geystay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 20-2kii September, 2012. Waxay sheegtay in dowladda cusub ay tahay inay tallaabooyin u qaaddo dhanka difaacidda Weriyeyaasha, oo 13 ka mid ah la dilay sanadkan gudihiisa oo keliya.

“Warfidiyeennada Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jireen liiska dadka ay beegsadaan dhammaan kooxaha inta dagaallada sokeeye ay dalka ka holcayeen,” sidaa waxaa yiri Leslie Lefkow, oo ah ku xigeenka agaasimaha HRW qeybta Afrika. “Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wax wuu ka qaban karaa dhammeynta dilalkan waxashnimada ah, isagoo amar ku bixinaya in baaritaanno dhab ah lagu sameeyo dilalkaasi.”

20-kii bishan xilli galab gaabad ah, saddex weriye ayaa ku dhintay shan kalana way ku dhaawacmeen laba qarax oo lala beegsaday maqaayad caan ah oo ku taalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, taasoo sidoo kale ay ku dhinteen 15 qof oo kale.

Weriyeyaashan qaraxa ku dhintay ayaa waxay kala ahaayeen Allaha u naxariistee Cabdisataar  Daahir Sabriye iyo Liibaan Cali Nuur oo ka tirsanaa TV-ga qaranka SNTV iyo Cabdiraxmaan Yaasiin Cali oo ka tirsanaa Raadiyo Xamar.

Subaxdii 21-kii September labo nin oo hubeysan ama ka badan ayaa ku toogtay Xasan Yuusf Absuge, oo ka tirsanaa Raadiyo Maanta, meel u dhow xarunta raadiyahaasi oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka kooxda al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen qaraxyadaasi, balse waxay sheegteen inaysan iyaga ka dambeynin. Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay dhankeeda inay gacanta kusoo dhigi doonaan ceddii ka dambeysay qaraxyada ay dadka badan ku dhinteen.

Ugu yaraan shan kale oo weriyeyaal ah iyo dad warbaahinta u shaqeynayay ayaa kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Muqdisho sanadkan dhexdiisa, toogasho la mid ah tii loo geystay Xasan Yuusuf Absge. Halka afarta kalana siyaabo kala duwan ay u dhinteen.

Tan iyo intii isku dhacyada ka taagan gudaha dalka ay xoogeysteen 2007-dii, Warfidiyeennada Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaaray baaritaanka iyo ka warbixinta tacaddiyada ay geysanayeen dhinacyada iska soo horjeeda. Guddiga difaacidda weriyeyaasha ayaa ku eedeeyay dowladda iyo kooxaha ka soo horjeedaba inay bartilmaameedsadaan weriyeyaasha isla markaana ay xayiraado kusoo rogaan xoriyadda warbaahinta, ugu yaraan 47 weriyeyaal ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992.

Tan iyo bishii December 2011-kii keliya, 13 weriyeyaal iyo dad u shaqeeya warbaahinta ayaa lagu dilay deegaannada ay gacanta ku heyso dowladda. Halka dowladdii hore ee ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya ay ballan qaadday inay baaritaanno ku sameyneyso dilalkaasi, balse cedna maxkamad looma soo taagin. Sida ay sheegtay HRW.

20-kii August, sanadkan dhexdiisa, ayay ku ekeyd muddada dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, markaas kadib ayaa la doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub.

HRW ayaa ugu baaqday dowladaha taageerada siinaya xukuumadda cusub ee Soomaaliya inay xoogga saaraan xoriyadda warbaahinta, oo ay ku jirto difaacidda weriyeyaasha.

“Waddamada ay sida dhabta ah uga go`antahay inay taageeraan guulaha cusub ee Soomaaliya ay gaartay waa inay muhiimadda koowaad siiyaan wax ka qabashada dilalka waxashnimada ah ee loo geysanayo weriyeyaasha,” ayuu yiri Mr Lefkow. “La howl galayaasha caalamiga ah waa inay dowladda cusub cadaadis ku saaraan kuna caawiyaan sidii ay baaritaanno dhab ah ugu sameyn lahayd dilalkaas.

Human Rights Watch.

Previous Post

Barakacayaal codsadey in la gargaaro

Next Post

Xaaladaha nolosha gobolka shabeellaha hoose

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
Xaaladaha nolosha gobolka shabeellaha hoose

Xaaladaha nolosha gobolka shabeellaha hoose

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2026

IDAACADDA 23-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo