Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal codsadey in la gargaaro

Radio Ergo by Radio Ergo
September 24, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Barakacayaal codsadey in la gargaaro
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKaamamka barakacayaasha ee la isku yiraahdo Bariga Boosaaso oo ka kooban 10-kaam, waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 40,000 oo barakacayaal ah, kuwaasoo laga soo rarey kaamam ku yaallay hareeraha iyo bartamaha magaalada, waxaana loo rarey dhulka buuralleyda oo qiyaastii cabbir ahaan ah 10-km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

Barakacayaashan ayaa xilligan waxay ka cabanayaan xaalado nolol xumo oo la soo gudboonaaday, kuwaasoo ay ka mid yihiin biyo la`aan, cunto yari, waxbarasho la`aan, caafimaad darro iyo hoy la`aan. Waxaa intaasi u sii dheer dabab joogta ah oo xilliga xagaaga baabi`iya guryaha ka sameysan bacaha iyo cooshaanta ee ay ku nool yihiin dadkan barakacayaasha taasoo ay sababto dabeylaha xagaaga ee Boosaaso.

Dabab is xigxigey oo dhowaan ka kacay 3-kaam oo ku yaalla bariga Boosaaso oo ah halka ay ku nool yihiin qoysaska ugu badan ee barakacayaasha ayaa waxaa ku gurya beelay 990 qoys, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Cali Barre Ismaaciil, oo ah xiriiriyaha 32-da kaam ee ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.

“Dabka dhibaatooyiin badan ayuu geystay, kaamka Buulo-mingis 270 guri ayaa gubatey, kaamka Ajuuraan 260 ayaa gubtey, kaamka Buula-eelaay 460-guri ayaa gubatey, dadka dhibaatada ugu daran heysata waa barakacayaasha isaga yimid gobollada dalka, gaar ahaan agoonta naafada iyo waayeelka.”

Duqa degmada Boosaasoo Xasan Cabdalla Xassan, ayaa qeylo dhaan cod dheer ah u direy hay`adaha samafalka, kuwa dawliga ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo ka codsadey in la soo caawiyo qoysaska dhibaateysan ee taagan cadceedda iyaga oo aan heysan wax gabbaad ah.

“Dhibaatadan dabka waxay saameysay dad fara badan oo ku noolaa kaamamka gubtey, waxayna u baahan yihiin dhar cunto hoy iyo dawo, waanu la socodsiinney cidkasta oo aan is laheyn wax bey ka tari kartaa, hase yeeshee illaa iminka wax soo gaarey majiraan, cidkasta oo diyaar u ah inay wax uqabato dadkan diyaar ayaan u nahay in aan lashaqeyno.“

Booqasho aan ku tagney  3-da kaam ee Buulo-mingis, Ajuuraan iyo Buula Eelaay ee bariga magaalada Boosaaso, oo ay dhowaan qabsadeen dabab xooggan oo ay ku guryo iyo hanti beeleen boqollaal qoys oo barakacayaal ahaa ayaa waxaanu halkaasi kula kulanney qaar kamid ah qoysaskii waxyeellada ay kasoo gaartey dabka.

“Magaceygu waa Shukri Salaad Jaamac, meeshaan ayaan isaga nool nahay, waxaan heysannay way naga gubteen, meeshaan ayaan ku dhibaateysannahay.“

Ma jirto cid ku geeriyootey dababkan bambasta ka dhigay guryahii ay ku noolaayeen dadkan barakacayaasha, laakiin waxaa ku bas beeley hoygii iyo dharkii ay huwan jireen. sanad kasta waxaa ka dhaca 32-da kaam ee ay ku noool yihiin dadka barakacayaasha ee ay tiradoodu kor u dhaafeyso 60,000 dabab geysta khasaaro isugu jira naf iyo maal, iyadoo dababkan ay ka dhashaan dabeylaha xooggan ee bilaha xagaaga ah.
Axmed Soomaali/FM

Previous Post

Amisom oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dishay nawaaxiga kismaayo

Next Post

HRW: Dowladda cusub waa inay baaritaan ku sameysaa dilalka weriyeyaasha loo geysanayo

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
HRW: Dowladda cusub waa inay baaritaan ku sameysaa dilalka weriyeyaasha loo geysanayo

HRW: Dowladda cusub waa inay baaritaan ku sameysaa dilalka weriyeyaasha loo geysanayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2026

IDAACADDA 23-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo