Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Amisom oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dishay nawaaxiga kismaayo

Radio Ergo by Radio Ergo
September 24, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Amisom oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dishay nawaaxiga kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankUgu yaraan lix ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay degaanka lagu magacaabo Janaay cabdalla oo qiyaastii illaa 50km u jira degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wararka laga helayo  gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in  lixdaan ruux ee la dilay ay ahaayeen xoolo dhaqato ku sugnayd ceel ku yaalay degaanka lagu magacaabo Janaay Cabdalla ama birta dheer halkasoo ay u joogeen arrin ku saabsan sidii loo hagaajin lahaa ceelka isla mar ahaantaana ay xoolahooda uga waraabsan lahaayeen.

Cabdi khayr oo ah aabbaha mid kamid ah ragii halkaasi lagu dilay ayaa idaacadda Ergo  u sheegay  in ragaasi ay dileen ciidamada dawladda Kenya,isagoona sheegay in dhammaantood ay ahaayeen xoolo  dhaqato ka soo jeedda degaanka.

Aniga ayaa la hadlay wax yar ka hor intaan la dilin raggaasi, shaqana kuma laha dagaal , waxay halkaasi u joogeen xaaalad ku saabsan ceelka,dhammaan ragga dhintay waan aqaanaa ,ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa meesha soo degay  dagaal ayaa si kadis ah uga dhacay meesha , sidaana waxaa ergo u sheegay Cabdi khayr  oo ah aabbaha mid kamid ah ragaasi la dilay.

Cabdi khayr ayaa intaasi ku daray in  ciidamada Kenya  ay qabteen raggaasi isla markiina iyagoo aan wax weydiin ay iska dileen, xitaa ciidamada Soomaalida waxay ii sheegen in ay aad uga xumaadeen mana ahan ayay yiraahdeen markii ugu horreysay ee ay ciidamada Kenya rag sidaan oo kale ay isaga dilaan, waana daba galaynaa, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi khayr.

Haddaba dilkaan oo lagu eedeeyay in ay  geysteen ciidamada dawladda Kenya ee ku sugan degaanka Janaay Cabdalla ayaa waxaan arrintaas kala xiriirnay oo aan wax ka weydiinay afhayeenka ciidamada AMISOM Afhayeenka ciidamada AMISOM, Cali Aadan Xaamud oo ku sugan magaalada Muqdisho. Af hayeenka oo la hadlayay Ergo ayaa  sheegay in arrintaasi aanay haynin xaqiiqdeeda balse ay baaritaan ku wadaan.

“Ma dhici karto in AMISOM ay shacabka  Soomaaliyeed ay  dhibaateyso,dhaqankeena maahan,kumana jirto sababaha loo soo tababaray ciidamadeena,AMISOM waxay soo qaateen tababaro la xiriirra bini,aadanimada,waana loo soo caddeeyay ciidamada sidii ay u ilaalin lahaayeen shacabka sidaana waxaa Ergo u sheegay af hayeenka AMISOM isagoona intaasi ku daray in wax kasta oo dhacaba in tallaabo laga qaadi doono isla mar ahaantaana si wanaagsan loo xaqiijin doono.

“Tallaabooyinka aan qaadi doono wa aayar,waan ka fiirsanaynaa,shacabkana waan kala xaajoonaa wax kasta ooaan rabno inaan samayno, sidaas darteed kama hor dhici karo baaritaanka , anaga ayaana idiin soo sheegi doona waxa uu ku dhamaado baaritaankeena amaba ka soo baxa ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay af hayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xaamud.

Si kastaba  ha ahaatee maalinimadii shalay ayay ahayd markii  illaa lix ruux  lagu dilay degaanka Janaay Cabdalla ama Birta dheer, halkaasoo mudooyinkaan dambe fariisin u ah ciidamada dawladda Kenya iyo kuwa Raas kambooni iyo ciidamada dawladda.

Previous Post

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay qaraxii muqdisho iyo weriye kale oo saaka la diley

Next Post

Barakacayaal codsadey in la gargaaro

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Barakacayaal codsadey in la gargaaro

Barakacayaal codsadey in la gargaaro

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo