Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay qaraxii muqdisho iyo weriye kale oo saaka la diley

Radio Ergo by Radio Ergo
September 21, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qaramada Midoobay oo cambaaraysay qaraxii muqdisho iyo weriye kale oo saaka la diley
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankInta la xaqiijiyay illaa  dhawr iyo toban ruux oo  saddex ka mid ah aya  ahaayeen saxafiyiin ka hawl gali jiray warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyooday qaraxyo loo maleynayo is miidamin kuwaasoo ka dhacay  goob maqaayad ah oo ku taala agagaarka guriga hooyooyinka ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Suxufiyiinta ku geeriyootay goobta  ayaa waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee  wariye Cabdi sataar Daahir Sabriye Madaxii barnaamijyada Telefishinka Qaranka, C/raxmaan Yaasiin oo ahaa Agaasimahii VOD Radio Xamar, Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka ee Telefishinka Qaranka, sidoo kale waxaa goobta ku dhaawacmay weriyeyaal ay ka mid yihiin   Xuseeen Salamaan oo ka tirsan idacaadda Radio Muqdisho, Cabdullaahi Suldaan,  Cabdirasaaq Shiine iyo Burhaan oo iyaguna ka mid ah saxafiyiinta Raadiyo kulmiye.

Dadka meesha ku dhintay ayaa la sheegay inay kor u dhaafayaan illaa 20 ruux  dhaawacana waxaa la sheegay inuu ku dhawyahay illaa kontomeeyo, kuwaasoo isugu jiray saxafiyiin iyo dad kale oo ku sugnaa meesha, markiiba waxaa goobta mashaqada ka dhacday soo gaaray gawaarida gurmadka ee loo yaqaano Ambalaas iyo ciidamo ka tirsan ammaanka kuwaasoo isku gadaamay goobta.

Cabdullaahi Suldaan oo ka tirsan weriyeyaasha ku dhaawacmay qaraxa oo la hadlayay idaacadda Ergo isagoo ku sugan isbitaalka Daaru-Shifaa halkaasoo lagu daweynayo, ayaa sheegay in indhihiisa uu ku arkay meydadka weriyeyaasha isagoo sheegay inay meel wada fadhiyeen, Cabdullaahi Suldaan ayaa sheegay in hadda isagu xaaladdiisu ay wanaagsan tahay lugta midigna uu ka jabay haddana la daweynayo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa qaraxyadaasi cambaareeyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine P. Mahiga ayaa cambaareeyay weerarradii shalay lagu qaaday maqaayadda The village restaurant ee magaalada Muqdisho. Dad badan ayaa qaraxaasi ku dhintay ayna ka mid yihiin saxafiyiin Soomaaliyeed.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarkaasi naxariis darrada ah. Ficilladaasi argagixisada ah ma carqaladeyn karaan guulihii dhowaan ay Soomaaliya gaartay” Ayuu yiri Mahiga. “Dhacdooyinkan oo kale waxay keliya sii xoojinayaan sida ay dadka Soomaalida ah uga go`antahay inay iska diidaan qalalaasaha ayna la qabsadaan xalka nabadeed ee dagaallada.”

Wuxuu danjiruhu ugu baaqay dadkii ka dambeeyay qaraxyadaasi inay ka waantoobaan ficilladaas waxyeellada u geysanaya dad aan waxba galabsan.

“Weerarka wuxuu yimid xilli dadku ay aad ula dhacsan yihiin horumarka ay Soomaaliya dhowaan ku tallaabsatay, waana wax kasoo horjeeda rajada Soomaalida in weerarro iyo carqalado ay Soomaaliya dib ugu soo laabtaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Mahiga.

Danjire Mahiga ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii qaraxa shalay ku dhintay, wuxuuna u rajeeyay kuwa dhaawacmay inay si deg deg ah usoo kabtaan.

“Xafiiska QM u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya, UNPOS waxay taageereysaa dadka Soomaalida ah, waxaan aka go`an inay si dhow ula shaqeyso xukuumadda cusub si Soomaaliya loogu garab istaago waddada nabadda ee ay cagta saartay. Ayuu hadalkiisa raaciyay Danjiraha xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Dhanka kale, saakay ayaa magaalada Muqdisho ay kooxo hubeysan ku toogteen wariye Xasan Yuusuf Absuge oo allaha u naxariistee ka tirsanaa Radio Maanta oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho. Dilka wariye Absuge ayaa ka dhigaya afar, tirsada weriyeyaasha laba beri gudahood lagu dilay magaalada Muqdisho.

AA/FM/YK

Previous Post

Afar qof oo ku dhintay duqaymo muqdisho xalay ka dhacay

Next Post

Amisom oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dishay nawaaxiga kismaayo

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
Amisom oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dishay nawaaxiga kismaayo

Amisom oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dishay nawaaxiga kismaayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-JUN-2026

IDAACADDA 24-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo