Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Afar qof oo ku dhintay duqaymo muqdisho xalay ka dhacay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 20, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Afar qof oo ku dhintay duqaymo muqdisho xalay ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankInta la xaqiijiyay illaa afar ruux ayaa ku geeriyootay ku dhowaad labaatan kalana way ku dhaawacmeen, kadib markii qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ku soo dhaceen hoobiyayaal aan la aqoonnin halka laga soo tuuray.

Goobaha madaafiicdu khasaaraha kala duwan ay ka geysteen ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Boondheere iyo Shibis, halkaasoo madafiicdu ay ku dhacday xeryo ay ku jireen qoysas barakacayaal ah iyo guryo caadi ah.

Illaa iyo 15 madfac oo ku dhacday Xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Shibis ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, xilli saqdii dhexe ah oo la hurdayay, abbaara labadii habeennimo ee saqdii dhexe hoobiye ku dhacay guri ku yaalla degmada Boondheere ayaa sababay dhimashada hooyo umul ku jirtay, taasoo haysatay illaa lix carruur ah sida uu idaacadda Ergo u xaqiijiyay Axmed Jeylaani oo isagu ah seygii qabay haweeneydaasi geeriyootay .

“Innagoo hurdayna ayaa hoobiye aad u xooggan ku soo dhacay aqalkii aan hurudnay hortiisa, firirkiisa waxuu ku dhacay xaaskeyga, dabadeedna sanka iyo afka ayay dhiig ka keentay halkii ayayna ku dhimatay” Ayuu yiri Axmed Jeylaani, isagoo intaasi ku daray in khasaare kale uusan soo gaarin qoyska intiisa kale oo xilligaas hal qol wada jiifay.

Madaafiic kale oo ku dhacday agagaarka safaaraddii Talyaanigu uu ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa sababatay dhimashada illaaa laba ruux oo mid kamid ah uu ahaa nin dukaan gade ah,sidoo kale madaafiic kale ayaa khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxay ka geysteen xerada barakacayaasha ee Buulo Maqaarreey, laba ruux oo kale ayaa la sheegay inay iyaguna ku dhaawacmeen degmada Boondheere, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen waardiyeyaal .

Cabdullahi Xirsi Wardheere, oo ah guddoomiyaha degmada Boondheere ee maamulka gobolka Banaadir ayaa Ergo u sheegay in habeenkii xalay ahaa ay ku mashquulsanaayeen uruurinta iyo daad gureynta dadkii ku waxyeelloobay madaafiicdaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay gaarsiiyeen isla habeennimadii isbitalka Keysaneey ee magaalada Muqdisho la geeyay.

Dhinaca kale madaafiicdaan waxyeellada ka geysatay xalay xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Shibis, ayaa ku soo aadday xilli dagaal saf ballaaran ah uu ka socday xaafado badan oo ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniille ee Gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab waxaana uu dagaalku billowday ka gadaal markii ay weerar ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab fariisimo ay xaafadahaasi ku la haayeen ciidamada dowlada Soomaaliya, lamana oga Khasaaraha dhabta ah ee Ka dhashay dagaalkaasi .

Si kastaba ha ahaatee, mararka qaar ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca madaafiic xilli habeennimo ah, iyadoo aan la garanayn halka laga soo ridayo. Waxaana sidaanoo kale xilliyo habeennimo ah madaafiic hoobiyaal ah lagu weeraray xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, inkastoo ay sheegteen Al-shabaab.

Previous Post

Mark Bowden oo kala hadlay dowladda kenya arrimaha bani`aadannimo ee ka jira kismaayo

Next Post

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay qaraxii muqdisho iyo weriye kale oo saaka la diley

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Qaramada Midoobay oo cambaaraysay qaraxii muqdisho iyo weriye kale oo saaka la diley

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay qaraxii muqdisho iyo weriye kale oo saaka la diley

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo