
Tartanka waxaa diirada lagu saarayaa sheekooyinka la xiriira qaarada Afrika ee dhinacyada nabaadguurka dhulka, sugnaanshaha dhulka, iyo maamulka biyaha.
Labada qof ee ugu sareysa ee ku guulaysta waxaa lagu casuuumi doonaa magaalada Doha, ee wadanka Qatar si ay ugu soo tabiyaan TerrAfrica Green Radio shirka Qaramada Midoobay ee isbadelka cimiliada,tannoo fursad wanaagsan u noqon karta dhalinyarada.
Tartankaan waxaa lagu xulan doonaa agabka kuwa ugu wanaagsan ee la qaaday sida sawiro, muqaal, muusiko muqaal ah iyo codadka la baahiyey (podcast), gaar ahaan hanaanka codadka ayaa tartankaan u ah xudun kaasoo loo soo bandhigayo dhamaan dhalinyarada Afrika.
Fadlan haddii aad doonayso inaad ka qeybgasho tartankaan, waxaa macluumaad dheeri ah ka heli kartaa linkigaan hoose.










