Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

HAWEENKA IYO DOORKA BEERASHADA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
August 22, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
HAWEENKA IYO DOORKA BEERASHADA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQodashada  dalagyada kala duwan ee beeraha  waa mid kamid ah waxyaabaha lafdhabarka u ah  wax soo saarka iyo horumarka dadka iyo dalkaba, waana hawl adag oo u baahan karti iyo adkeysi dheeri ah.

Qodashada beeraha kuma koobna kaliya ragga ee waxaa dhinaca kale oo howshaasi ka qeyb qaata kana shaqeeya  haweenka, oo iyaguna door muuqda kaga jira qodashada beeraha iyo wax soo saarka.

Hawlaha ay ka qabtaan haweenku beeraha waxaa kamid ah iyagoo ka qeyb qaata marka la falayo ama la geed qaadayo, beeristeeda ama abuurkeeda oo ay kaalin mug leh ka cayaaraan, sidoo kale haweenku waxay ka qeyb qaataan xilliga ay soo go`aan beeraha oo ay qabtaan shaqooyin aad u adag.

“Muddo aad u dheer ayaan ahay beeralley, carruurteyda waxaan ku soo korsaday hawlaha beeraha oo aan in muddo ahba ka shaqeynayay, waxaan leeyahay dhul ballaaran kaasoo aan ku abuurto noocyada kala duwan ee dalagga beeraha,” sidaana waxaa Ergo u sheegtay Xaawo casir oo iyadu ah haweeney beeralley ah oo ku nool agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna intaasi ku dartay in hawshaan beeraha ay ku soo dhex jirtay muddo gaaraysa 30 sanadood.

Hawlaheenna ,beerashada dalagyada waxaa ku timid dib u dhac aad u weyn taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha ka jira dalkeenna, ayay tiri Xaawa oo sheegtay in dhinaca kale jiilaalka dheeraaday uu sabab  u  yahay hoos u dhaca ku yimid wax soo saarkii miraha ka soo go`i jiray beeraha.

“Haddii aan ka hadlo kaalinteenna ku aaddan wax soo saarka beeraha waxaan qabannaa shaqooyin kala duwan oo badan, aniga hadda cayayaanka ayaan ka buufiyaa beeraha,waxaa jira bahallo khatar ah oo dilaya beeraha,” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegtay haweeney lagu magacaabo Boolaay Xaashi oo iyadu ka mid ah haweenka ka shaqeeya beeraha gobolka Hiiraan,

“Ninka beerta ayuu galaayaa asagaa shaqeynaya, anagana waxaa u karinaa cuntada wixii aas rabana  waan u raadinaa”  ayay tiri Boolaay oo sheegtay in shaqadeeda aanay ku koobnayn oo kaliya buufinta beeraha .

Dumarka hawla kala duwan ayay ka qabtaan beeraha, waxaana ka mid ah mararka qaar iyagoo hees hawleed ay ku dhiiri gallinayaan ragga ku hawlan beeraha u mariya,si aanay u daalin.

“ Waxaan dhahnaa xiliga jiilaalka ee shaqada ay socoto qurunba yaanbadaa qaara geehaayee.qaadan weyday adaa khoofi doontidee, ayay  tiri Xaawa casir.  “Markii beerta ay fiicantahay waxaan dhahnaa, soo baxaan iriyee waa bukaa itiriyee ciddi kuu yeeree waa ordeysaa”

Xaawa casir  oo sii hadlaysay ayaa sheegtay “Markii dalaggu soo go`ana waxaan dhahnaa, ma caddee ha caddaado, caano geel ha u ekaado.”

Waxa jira dhibaatooyin badan oo mararka qaar halis geliyo caafimaadka haweenka ku dhex jira beerashada, Xakiimo Cali oo iyadu  beeralleyda gobolka Shabeellaha Hoose ka tirsan ayaa tiri

“Haweentu  iyadoo uurrey ah ayay  shaqeyneysaa  roob baa ku da`aya, waxaa laga yaabaa inay ilmaha kasoo hallaabaan, haddana waxay dareemeysaa xanuun badan sida dhabarka, lafaha iyo meelo kale, xitaa dumarka qaar iyagoo umusha ku jira ayay shaqeeyaan.”  Ayay ku soo gabagabeysay Xakiimo Cali.

Si kastaba ha ahaatee, haweenka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka ayaa iyagu hawlo baaxad leh ka qabta beeraha, isla mar ahaantaana door muuqda ku leh wax soo saarka dalka.

Yusuf Keynaan/MG/CC/FM

Previous Post

MIDAWGA YURUB OO SOO DHAWEEYAY QORSHAHA LOOGA BAXAY KUMEELGAARKA

Next Post

GEGIDA DAYUURADAHA BELEDWEYNE OO DIB LOO DAYACTIRAY

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
Next Post
GEGIDA DAYUURADAHA BELEDWEYNE OO DIB LOO DAYACTIRAY

GEGIDA DAYUURADAHA BELEDWEYNE OO DIB LOO DAYACTIRAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo