Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

DIBU DHACA HAYSTA BEERALAYDA YAR YAR EE AFGOOYE

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
August 24, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
DIBU DHACA HAYSTA BEERALAYDA YAR YAR EE AFGOOYE
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKumannaan beeralleyda yar yar ah ayaa ku nool deegaanno badan oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo nololshooda ay ku tiirsantahay waxyaabaha ay tacbadaan.

Waxaana beeralleydaasi oo aan lahayn awood dhaqaale oo kale ay u xusul duubtaan inay qabtaan shaqooyin badan oo dhinaca beeraha ah, si noloshooda ay ugu maarreeyaan dalagyada ay soo saaraan.

Jeylaani Cabdulle Cismaan, wuxuu ka mid yahay beeralleyda yaryar ee deegaanka Mareerrey oo illaa lix kiilo mitir dhinaca galbeed kaga beegan degmada Afgooye, wuxuuna isagoo ka warbixinaya dhinaca tacabka beeraha iyo dalagyada uu tacbado gaar ahaan xilligan uu yiri “Ugu horreyn xilliga jilaalka dhulka ayaan diyaarinnaa marka roobka uu yimaadana waxaan sameeynaa tacbasho, waxyaabaha ugu badan aan beeranno waa gelleyda iyo digirta,” Jeylaani ayaa intaasi ku daray in subax walba uu aado beertiisa si uu usoo helo masruufka carruurtiisa, waxaana uu tilmaamay inay helaan waxa qoysku quuto maalintii, balse ay u baahan yihiin in waxyaabo badan laga caawiyo.

Walow beeraleyda yaryar ee deegaankaasi ay ku jiraan halgan adag, ayna soo mareen dhibaatooyin isbiirsaday oo ay keeneen abaaro xoogan oo ku dhuftay deegaanka, hadana waxaa jira caqabado beeraleydasi ka haysta dhinaca tacabka wax soo saarka beeraha, Maxamed Muqtaar wuxuu ka mid yahay beeraleyda yar yar ee deegaankaasi isagoo ka warbixinayey dhibaatooyinka ugu daran ee haysta beeraleyda ayuu sheegay.

“In beeralleyda badanaa waxyaabaha ay soo saaraan ay ugu muhiimsan tahay gelleyda, balse markii suuqa la geeyo laga siiyo qiimo aad u yar, isagoo sheegay inay tahay caqabadda ugu daran ee haysta beeralleydaasi.”
Maxamed Mukhtaar waxaa kale oo uu xusay in beeralleydaasi inay liidato awooddooda, iyadoo ay ku yartahay qalabka, barwaaqeeyaha iyo hannaanka tayo gelineed, sida in kor loo qaado hababka wanaagsan ee la isugu dhex beero dalagyada, arrimahaan oo saamayn ku yeeshey in wax soo saarkoodu uusan xitaa ku filnayn qoyskooda.

Haddaba si dhinaca wax soo saarka dalagyada u wanaagsansado maxay u baahan yihiin beeralleyda yar yar ee deegaannadaas?

Mocow Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka beeralleyda Mareerrey oo arrintaasi ka jawaabayey ayaa yiri “Marka ugu horreysa dadkani ma aha beeralley ee waa beerreey, macnaha beeralley waxaa la yiraahdaa dadka uu dhan yahay agabka wax lagu beero sida qalabka, makiinadaha iyo waxkastoo beer looga shaqeeyo, dadka deegaankani waxay u baahan yihiin in laga taageero dhinaca sunta lagula dagaallamo cayayaannada oo saameyn ku yeeshay wax soo saarka, haddii aan intaasi la helin wuxuu noqonayaa waxa aan u naqaanno tacab shiidle oo ah qofka inuu dadaalo, haddana dadaalkiisu uu noqdo meel cidlo ah”.

Beeralleyda yaryar ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sanadihii badnaa ee dagaallada sokeeye aanan helin taageero ku filan oo dhinaca xirfadda iyo qalabaynta beerashada ah, iyadoo taasina ay sababtay inay saameyn xooggan ku yeelato dhinicii wax soo saarka dalagyada kala duwan.

Aadan Diyashe/MH

Previous Post

GEGIDA DAYUURADAHA BELEDWEYNE OO DIB LOO DAYACTIRAY

Next Post

FANAANKA MAXAMUUD GOOX QARBOOSH OO GEERIYOODAY

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
Next Post
FANAANKA MAXAMUUD GOOX QARBOOSH OO GEERIYOODAY

FANAANKA MAXAMUUD GOOX QARBOOSH OO GEERIYOODAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo