Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warsaxaafadeed unicef: weli haween iyo carruur ku nool geeska afrika ayaa u baahan gargaar deg deg ah

Radio Ergo by Radio Ergo
July 20, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSanad ka hor maanta, qalalaasaha ka jira Geeska Afrika wuxuu gaaray heer aan waxba laga qaban Karin markii QM ay ku dhawaaqday inay macluul ka jirto laba gobo loo ka tirsan koofurta Soomaaliya. Taageerada beesha caalamka ee sare, helidda roobab lagu diirsaday, ayaa caawiyay badbaadada nolol aan xisaab lahayn isla markaana ka saaray macluusha. Si kastaba, qalalaasaha ayaa weli sii socda. Siddeed milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa weli u baahan gargaar bani`aadannimo. Carruurta, gaar ahaan, ayaa waxaa isugu darsoomay saboolnimo, ammaan darro, nafaqo darro iyo cudurro.

“Iyadoo fara-gelinteenna nolol-badbaadinta iyo gurmadka ay gaareen malaayiin carruur ah iyo qoysaskooda, haddana kuwo badan ayaan la gaari karin oo si aad ah u nugul,”sidaa waxaa yiri agaasimaha goboleed ee UNICEF ee Bariga iyo Koofurta Afrik, Elhadj As Sy. “Tani waxay ahayd, ayna ahaan doontaa wax ay carruurtu deg deg ugu baahan yihiin. Waa inaan sii wadnaa inaan caawinaad deg deg ah geyno halka looga baahan yahay, balse sidoo kale waa inaan si dhow ula shaqeynaa bulshada si looga hortago caqabado mustaqbalka yimaada.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Iyadoo deeqo badan ay ka yimaadeen deeqbixiyayaasha, oo ku deeqay $396 milyan oo doollarka Mareynkanka ah 2011-kii,UNICEF ayaa awoodday inay horumarinteeda iyo gargaarkeeda degdegga ah ku baahiso qeybaha ay abaartu ku dhufatay ee Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, iyo Jabuuti, halkaasoo in ka badan 13 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.  Intii u dhaxeysay bilihii July iyo December 2011, qiyaastii 63,000 metric ton oo gargaar bani`aadannimo ayaa la bixyay – kala bar ka mid ah gargaarkaasi waxay ahayd cunto. Illaa maanta ku dhowaad hal milyan oo carruur ah oo gobolka ku nool ayaa laga daweeyay nafaqo darro.

Si soo-kabasho dheeraad ah loo sameeyo, yareynta khatarta waxay haatan ka mid tahay barnaamijyada horumarinta iyo degdegga ee UNICEF. Adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka, nafaqada, fayadhowrka iyo waxbarashada ee bulshada ayaa la xoojinayaa. UNICEF ayaa sidoo kale la shaqeyneysa la howlgalayaasha si loo taageero qoysaska nugul iyagoo lacago caddaan ah la siinayo.

Iyadoo kala bar bulshada, ama 2.5 milyan, ay weli u baahan yihiin caawinaad deg deg ah, Soomaaliya waa dalka saameynta ugu daran ay gaartay qaar ka mid ah gobollada Koofurta, shantii canugba hal canug ka mid ah ayay haysaa nafaqo darro ba`an. Gudaha Kenya, 2.2 milyan oo qof ayaa u baahan caawinaad bani`aadannimo, 3.2 milyan oo qof  ayaa iyagana ku nool Ethiopia. Nafaqo darrada weli waa walaaca ugu daran. Haatan 900,000 oo carruur ah ayaa lagu qiyaasayaa inay la daalaa dhacayaan nafaqo darro kuwaasoo ku nool saddex dal.

Qalalaasaha ayaa ku qasbaya kumanaan qof inay guryahooda ka baxaan. Waxaa jira in ka badan 626,000 oo qaxooti Soomaali ah oo ku sugan Kenya iyo Itoobiya. gudaha Somalia, in ka badan hal milyan oo qof ayaa ku barakacaya, ku dhowaad boqolkiiba 60 dadkaasi waa carruur. Dagaallada, degganaan la`aanta, roobabka yar iyo iyadoo ay sii socoto xayiraadda hay`adaha gargaarka ayaa khatar weyn ku noqonaya carruurta iyo qoysaskooda. Waxaa hore u jiray saadaal ah in xaaladda Koofurta Soomaaliya ay ka sii dari doonto, halkaasoo nafaqo darrada heysa carruurta ka yar d a`da shanta sano ee meelaha qaar ku nool ay xaaladdoodu ka liidato heer wax laga qaban karo.

“Waxaan u baahannahay inaan joogteyno guulaha aan gaarnay, oo aan maalgelinno carruurta maanta si mustaqbalka dambe looga hortago iny dhacaan dhibaatooyinkan oo kale.” Ayuu yiri Mr. Sy

UNICEF ayaa si buuxda barnaamijyo gargaar ugu maalgelisay lacagahaloogu talo galay qalalaasihii Geeska Afrika sanadkii 2011-kii. Si loo sii wado dadaalladaasna, isla markaana sib u kabasho loogu sameeyo waddamada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, UNICEF waxay u baahantahay $273 milyan oo doollarka Mareykanka ah sanadkan 2012. iyadoo 12-kii July sanadkan 2012-ka, keliya 33 boqlkiiba lacagahaasi ayaa la helay.

UNICEF

Previous Post

Dhibaatooyinka nolol xumo ee ka jira gobolka jubbada hoose

Next Post

600 oo muhaajiriin soomaali ah oo ku xiran liibiya

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

600 oo muhaajiriin soomaali ah oo ku xiran liibiya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-JUN-2026

IDAACADDA 06-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo