Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

600 oo muhaajiriin soomaali ah oo ku xiran liibiya

Radio Ergo by Radio Ergo
July 20, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank

Muhaajiriin Soomaali ah oo ka badan 600 ayaa waqtigaan ku xiran xabsiyo kala geddisan oo ku yaalla dalka  Liibiya, dadkaan oo u badan dhalinyaro ayaa laga soo kala qabtay meelo kala duwan, halka qaar badan oo kalena laga soo qabtay xilli ay ku jireen tahriib ay u saarnaayeen doonyo ay kaga tallaabi rabeen badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya.

Cabdiqani  Maxamed Wacays oo ah safriika Soomaaliya ee Tripoli ayaa Raadiyo Ergo u sheegay “Dadkaan siyaabo kala geddisan ayaa loo qabtay, qaar badan sharci darro ayaa lagu qabtay, waxayna u xiran yihiin waaxda socdaalka ee waddanka Liibiya oo ku eedaynaya inay sharci darro ku soo galeen waddanka”

Najmo Maxamed Jaamac oo ka mid ah maxaabiista ku xiran magaalada Misraata ayaa iyana Raadiyo Ergo u sheegtay in 250 qof ay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla Misraata, 30 ka mid ahi waa haween halka inta kalena yihiin rag, waxayna sheegtay in iyada laga soo qabtay xilli ay saarnayd doon ay doonaysay inay ugu tahriibto dhinaca Yurub, Najmo ayaa sheegaysa in ay u xiran yihiin ciidamo sidii jabhad oo kale ah u hawl gala aysanna meel uga bixi karin, maxaabiis isku dayday inay baxsadaanna la dilay, Najma ayaa intaas ku dartay inay quud darraynayaan in laga caawiyo sidii xabsiyadaas looga sii dayn lahaa.

Safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdiqani ayaa isagu hadallada ka soo yeeraya maxaabiista ku sheegaya inaysan ahayn sida ay wax u sheegayaan, oo dowladda Liibiya ay dadaal ugu jirto inay gebi ahaanba xakamayso hawlaha tahriibka oo dhibaato badan dadka ka soo gaarto, ayna u oggoshahay dadka Soomaalida ah inay joogaan kana shaqaystaan Liibiya, ciddii doonaysa inay dalkoodii dib ugu noqotana ay diyaar u tahay, laakiin Soomaalidu aysan arrimahaas rabin, ayna doonayaan inay tahriibaan, is maandhaafka taaganna yahay arrintaas.

Safaaradda Soomaalida ee Liibiya ayaa ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed inay fahmaan dhibaatada tahriibka, ayna isku dayaan in waalidiintu xakameeyaan tahriibka dhibka badan ee ubadkooda ay u soo dirayaan.

Mohamed Hassan/FM

Previous Post

Warsaxaafadeed unicef: weli haween iyo carruur ku nool geeska afrika ayaa u baahan gargaar deg deg ah

Next Post

SHIRKII ANSIXINTA DASTUURKA OO DIB U DHAC KU YIMID

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Boob iyo gubid lagu hayo dukaamada soomaalidu ku leeyihiin koofur afrika

SHIRKII ANSIXINTA DASTUURKA OO DIB U DHAC KU YIMID

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo