Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaatooyinka nolol xumo ee ka jira gobolka jubbada hoose

Radio Ergo by Radio Ergo
July 19, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDeegaannada ugu daran ee dhibaatooyinka nolol xumo laga soo sheegayao ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka mid ah Afmadow, Badhaadhe, Kulbiyow, Raaskaambooni, Kudhaa, Buurgaabo, Dhoobley iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan, kuwaasoo ay dagaallo dadka ku qasbay inay ka barakacaan deegaannadooda balse waxaa dadka taas uga sii daray sicir barar baahsan oo ku yimid qiimaha lakala siisto cuntooyinka quutul daruuriga ah oo si weyn deegaannadaasi looga dareemay durbadiiba.

Arrintaan ayaa waxaa loo aaneenayaa kadib markii uu go`doon galay ganacsigii isaga kala gooshi jiray magaalada dekadda ah ee Kismaayo oo ah xudunta ganacsiga ee gobollada Jubbooyinka iyo deegaannada kale ee gobolladaasi.

Mid ka mid ah ganacsatada magaalada Afmadow oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhibaatada ugu daran ee ka taagan degmada Afmadow iyo nawaaxigeeda ay tahay sare u kac iyo qiimo koror ku yimid qiimihii markii hore lakala siisan jiray qeybaha kala duwan ee maciishadaha haba ugu horreeyeena kuwa quutul daruuriga, isagoo arrintaasi u sababeeyay saameynta colaadaha iyo xayiraad uu dhinac ka mid ah xoogagga ku dagaallamay gobolka Jubbada Hoose uu ku soo rogay ganacsigii ka soo bixi jiray magaalada Kismaayo ee aadi jiray deegaannada kala duwan ee gobolada Jubbooyinka.

“Dhaqdhaqaaqii gaadiidka saameyn badan ayay ku yeelatay colaadaha iyo xayiraadda Al-shabaab ay ku soo rogeen ganacsigii Kismaayo iyo Afmadow, wax gaadiid ah oo hadda Kismaayo ka yimaado oo Afmadow imaado malahan, waxaana taasi ay sii adkeysay xaaladda deegaanka oo markii hore ay saameeyeen colaadaha iyo abaarihii ku dhuftay, saameyn badan ayaa jirta,” ayuu yiri ganacsadahaasi.

Sidoo kale deegaannada Jaziiradaha gobolka Jubbada Hoose ayaa kamid ah meelaha ay colaadaha saameynta ku yeesheen waxaana deegaannada Kudhaa, Buurgaabo iyo deegaanno hoos yimaada laga soo sheegayaa dhibaatooyina kala duwan oo is biirsaday kadib markii ay xirmeen dekadihii macmalka ahaa ee ay dadku ka xamaalan  jireen, waxaana deegaannadaasi soo gaaraya dad aad u badan oo markii hore xoola dhaqata ahaa kuwaasoo hadda doonaya inay ka xamaashaan deegaannadaasi.

Waxaa sidoo kale jira biyo la`aan baahsan oo ka taagan deegaannada galbeed ee Jubbada Hoose gaar ahaana Raaskaambooni, Kulbiyow iyo deegaanno kale oo hoos yimaada degmada Badhaadhe, waxaana arrintaasi ay saameyn ballaaran ku yeelatay dadka danyarta ah oo aan awoodin inay si dhib yar biyo ay isticmaalaan ku helaan.

Maxamed Ibrahim Faarax oo ka mid ah maamulka deegaanka Raaskaambooni ayaa Ergo u sheegay in dadka ku nool deegaannadaasi oo u badan dad xoolahoodii ku waayay abaartii deegaannadaasi ku dhufatay ay hadda dhibaato weyn ku qabaan sidii ay u noolaan lahaayeen, isagoo intaasi ku daray in dadku ay dhibaato ka heysato helidda adeegyo muhiim u ah nolosha sida  biyaha, cuntada, caafimaadka iyo hoyga.

“Dhibaatada Raaskaambooni iyo nawaaxigeeda ka jirta lama soo koobi karro waxaana kamid ah biyo la`aan aad u daran, cunto la`aan, caafimaad darro, wax barsho la`aan, daryeel la`aan, nafaqo darro iyo dhibaatooyin kale,” Maxamed Ibrahim Faarax

Dagaallo in muddo ah soo noqnoqday ayaa waxay ka jireen deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koofurta Soomaaliya kuwaasoo si daran u saameeyay dad danyar ahaa oo markii ay abaartii dhammaatay filayay inay billaabaan nolol cusub.

Khadara Mahamud Hared/FM

 

Previous Post

Khatarta hubka iyo walxaha qarxa ee ka hara dagalada oo sii kordhaysa

Next Post

Warsaxaafadeed unicef: weli haween iyo carruur ku nool geeska afrika ayaa u baahan gargaar deg deg ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Warsaxaafadeed unicef: weli haween iyo carruur ku nool geeska afrika ayaa u baahan gargaar deg deg ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-JUN-2026

IDAACADDA 06-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo