Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Khatarta hubka iyo walxaha qarxa ee ka hara dagalada oo sii kordhaysa

Radio Ergo by Radio Ergo
July 19, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKhatarta ay ku hayaan carruurta walxaha qarxa iyo hubka looga tago goobaha lagu dagaalamay ayaa ku sii kordhaysa carruurta, iyadoo dhacdadii ugu danbaysay ay todoba carruur ahi ku dhinteen gobolka Bay.

Geerida carruurtan oo badankood isku qoys ahaa ayaa ka dambeysay kaddib markii ay gacmaha la galeen haraadiga walxaha qaraxa oo ay ka heleen meel aan ka fogeyn goobo ay ku ciyaarayeen oo ka tirsan deegaan 18km dhinaca bari kaga beegan magaalada Baydhabo.
Toddobo carruur ah oo ay ku jiraan 4 isku qoysa ah ayaa ku geeriyootay goobta kaddib markii uu qarax Bam noociisa wali aan la xaqiijinin oo ay ku ciyaarayeen, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xasan Aadan Xasan oo kamid ah waalidiinta carruurta geeriyootay waxaa goobta ku dhintay 5 carruur ah iyadoo labada kalena ay dhinteen xilli lagu hawlnaa badbaadintooda.

Dhaawacyada carruurta waxyeelladu ay kasoo gaartay bamka qarxay ayaa lagu daweynayaa isbitaalka dhexe ee gobolka halkaasi oo lagula tacaalayo xaaladdooda caafimaad, waxaana saraakiishu ay sheegeen in dadaallo ay wadaan balse xaaladda carruurtu ay tahay mid adag.
Isbitaalka dhexe ee gobolka ayaa dhowaan heley gargaar dawo ah oo ay soo gaarsiisay hay`adda WHO iyadoo wali deegaannada gobolka laga dareemayo xaalado bini`aadannimo oo caafimaadka uu ugu horreeyo.

Waxyaabaha qarxay oo galaaftay nolosha carruurta ayaa lagu sheegay bam ay ka heleen goob ay ku ciyaarayeen kaasi oo la aaminsan yahay inuu qeyb kayahay haraadiga hub wali aan qarxin oo ka harey dagaaladii sanadihii ugu dambeeyay ka dhacay deegaanno ku yaalla gobolka Bay.
Xasan Maxamed Xasan ayaa sharraaxaad ka bixiyey walxaha qarxa oo carruurta ay ku ciyaarayeen qaabka qaraxa uu u dhacay iyo saameynta deegaanka ay ku leeyihiin, maaddaama dhibaato middan la mid ah ay gaarsiin karaan carruur kale oo ku nool halkaasi.

Gargaar helidda dadka nugul oo ay soo gaaraan dhibaatooyin kuwan la mid ah ayaa ah mid aad u liidata, hasee yeeshee qoysaska ayaa dalbanaya in gargaar bini`aadannimo lala soo gaaro gaar ahaan mid caafimaad carruurta dhaawcyada qaba ee u jira isbitaalka gobolka Bay.
Waa khasaarihii nafeed ee ugu ballaarnaa ee ay geysteen miinooyinka iyo walxaha qarxa ee looga tago goobaha lagu dagaallamay ee ka tirsan Baydhabo iyo deegaannada ku hareeraysan, halkaasi oo sanadihii ugu dambeeyay ay ka jireen xaalado nabadgalyo xumo iyo dagaallo sababay barakac saameyn ku yeeshay nolosha dadka.

Inta badan goobaha dagaallada ay ka dhacaan ayaa waxaa laga helaa haraadiga hubka loo adeegsado dagaallada, waxaana sidan oo kale ay u saameeyaan dadka aan aqoonta u lahayn ka hortagga walxaha qarxa oo ku badan goobaha colaaduhu ay ka dheceen.

Badankood dadka deegaannadaasi ku nool waa xoolo dhaqato iyo beeralley mana helin wacyigelin ku saabsan ka hortagga khataraha ka dhalan kara hadddii lataabto waxyaabihii ka haray hubka oo daadsan hareeraha goobaha ay ku nool yihiin.

Hay`adaha ka shaqeeya nadiifinta haraadiga hubka iyo wacyigelinta dadka ku nool goobaha dagaalladu ay ka dhacaan ayaan ka hawlgalin gobollada Bay iyo Bakol tan iyo seddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaana jira xaalado ammaan oo u diidaya inay gaaraan deegaannada ka baxsan magaalada Baydhabo oo dhowaan ay dib ugu laabteen qaar ka mid ah hay`adaha samafalka ka shaqeeya.

Wacyigelin ku saabsan qaabka la isaga ilaaliyo khataraha ka imaankara haraadiga hubka ayaa deegaanno katirsan gobolka waxaa horey uga sameeyay hay’ado hoostaga qaramada midoobay iyadoo caruurta haweenka iyo dadka da’da ah loogu muujinayay muuqaalo astaamaha lagu garankaro goobaha khatartu ay kajirto, digniino iyo sida loogu baahanyahay in ay wargeliyaan shaqsiyaad aqoon u leh haddi deegaankooda ay ku arkaan walxo qarxa.

Waxaa la aaminsanyahay in dhibaatooyinka ka dhalankara haraadiga hubka daadsan deegaanada gobolka ay sii kordhi doonaan maadaama ay hooseyso aqoonta dadka deegaanku ay u leeyihiin iyo waliba xiisado horleh oo wali kajira qeybo kamid ah gobolada.

Abdiaziz Abdinor Ibrahim/FM/MH

Wararkii hore ee khatarta walxaha qarxa ka akhriso halkaan

https://radioergo.org/so/read.php?article_id=286

 

Previous Post

Barakacayaasha Gaalkacyo oo ka cabanaya nolol xumo

Next Post

Dhibaatooyinka nolol xumo ee ka jira gobolka jubbada hoose

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Dhibaatooyinka nolol xumo ee ka jira gobolka jubbada hoose

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo