Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaalada barakacayaal isku uruursanaya Afgooye

Radio Ergo by Radio Ergo
June 25, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xaalada barakacayaal isku uruursanaya Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank25 June, 2012 AFGOOYE Waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay ku yaallaan deegaano ay kamidyihiin Ceelasha biyaha Carbiska, Calamada, Xaawo Cabdi iyo Lafoole oo dhawaan gacan ku hayntooda ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa TFG ayaa wali laga dareemayaa in badi laga maqanyahay goobihii ganacsiga iyadoo ay dadka ku haray goobahaas ay si fajigan u dusha uga eegayaan xaalada amaan.

Badi dadkii deganaa goobihaas ayaa waxaa ay haatan billaabeen inay u guurguuraan goobo ay kamidyihiin Muqdisho iyo Afgooye, afaafka hore ee laga galo magaalada Afgooye ayaa waxaa haatan goob xero cusub ah isku abaabulay kooxo barakacayaal ah oo ku biiray dad horay halkaas ugu noolaa oo qudhoodu barakacay.

Cismaan Aadan Maccalin oo ah nin oday ah oo ku nool degaanka xeryaha laga dhisay ayaa waxa uu sheegay in dadkaas oo qaarkood cabsi uga soo cararay wadada Muqdisho iyo Afgooye ay iminka ku noolyihiin marxalad adag oo gurmad degdeg ah u baahan.

Goobahaas ay barakacayaasha ka samaysteen deegaanada cusub ayaa waxaa shalay booqday wafdi ka socday hay’addaha QM qaarkood, kuwaa oo u kuurgalayay xaaladaha ay ku noolyihiin barakacayaasha iyo mida dhinaca amaanka.

Mid kamid ah saraakiisha UNOCHA ee waftigaas la socday ayaa warbaahinta u sheegay in amaan darida ay door ku leedahay in uu yaraado gargaarka la gaarsiin lahaa dadka u baahan, isagoo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu sheegay.

“Sidaad arkaysaan Afgooye kuma aanaan imaan baabuurteena raaxada ah, ee waxaan ku nimid baabuur militari oo ay AMISOM, walaaca nabadgelyo ee la qabo, ma quseeyo Afgooye ee waxa uu quseeyaa wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye laakiin maanta oo aan halkan imi lama kulmin wax dhibaato ah laakiin shalay baabur badan oo wadada soo mareysay ayaa dhowr jeer weerar lagu soo qaaday maadaamaa aan anaga gargaar qaabilsanahay ma ahayn inaan gaari militari raacno laakiin xaalada ayaa nagu qasabtay waad dareemi kartaan mushkilada iyo xaalada hada la marayo” ayuu yiri.

Sarkaalkaas ayaa intaas ku daray in safarkooda uu ku qotomay in ahmiyada la saaro sidii haatan gargaar loo soo gaarsiin lahaa dadka u baahan.

“Safarkeena ayaan ku dareensiineynaa hay’addaha kale in ay Afgooye yimaadaan oo baahi ay halkaan ka jirto” ayuu ku daray.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Gudoomiyaha gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegay in hay’addaha samafalka ay ka fillayaan in wax loo qabto dadka dhibaatada ay saamaysay. Boqolaal barakacayaal ah oo ka cararay dhaqdhaqaaqyadii ciidamadii AMISOM iyo TFG ay kula wareegeen wadada u dhaxaysa Muqdisho ay Afgooye iyo cabsi dagaal oo halkaas ka jirtay ayaa waxa ay u baahanyihiin gargaar dhinacyada hoyga, cunto iyo adeegyada caafimaadka.

Yusuf Axmed Abuukar/MG

Previous Post

Maamulka Afmadow oo gargaar u dalbay qoysas danyar ah

Next Post

Qoysas ku soo barakacay Yurkud oo ku dhibaataysan Luuq

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Qoysas ku soo barakacay Yurkud oo ku dhibaataysan Luuq

Qoysas ku soo barakacay Yurkud oo ku dhibaataysan Luuq

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo