Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku soo barakacay Yurkud oo ku dhibaataysan Luuq

Radio Ergo by Radio Ergo
June 25, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qoysas ku soo barakacay Yurkud oo ku dhibaataysan Luuq
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank25 June, 2012 LUUQ Dadkii deganaa degmada Yurkud iyo deeganada ku hareereysan ee guryahoodii uga cararay dagaaladii ka dhacay halkaas mudo hada laga joogo dhowr bilood ayaa laga soo deyrinayaa xaaladooda nololeed, kadib markii ay ku daba dheeraadeen xaaladaha barakaca oo aaney helin wali cid kaga gargaarta.

Dadkan oo qiyaas ahaan gaaraya ilaa 1000 qof ayaa waxay ku dhibaateysan yihiin meelo ay kamid tahay degmada Luuq oo magaalo ugu dhow, gobolkana ay kuwada yaalaan, halkaasoo ay ku haystaan marxalado ay ugu daran yihiin gaajo, cuduro, hoy la’aan iyo dhibaatooyin kale oo ay kamid yihiin kuleelka qoraxda maalinkii, qabowga dabeylaha wata ee habeenkii ku dul dhacaya iyo xaalado kale oo aaney lahayn waxay ka gabaadsadaan.

Ugu yaraan 200 caruur ah oo kamida dhibanayaashaas ayaa waxay hada xaalado nafaqo darri ah ku haystaan magaalada luuq, sida uu Ergo usheegay Ibraahin Samaan oo deegaan ahaan kasoo jeeda Yurkud, hadana kamida howl-wadeenada Isbitaalka guud ee degmada luuq, waxaanu yiri. “Dadkii Yurkud badankood waxay joogaan Luuq, waxayna ku jiraan xaaladii ugu xumeed. Qiyaastii waa 1000 qof, ugu yaraan 100 caruur ah oo ay wataana waxay la liitaan nafaqa darro, marka waxay ubaahan yihiin gargaar deg deg ah” ayuu yiri Ibraahin.

Yurkut hada waa meel marran oo ay saldhig ciidan oo xoogan ay kasameysteen militariga Ethiopia, waxaana maalinkii halkaas yimaada tiro yar oo dada oo haween ubadan oo halkaas shaah kaga iibsada socotada safarka ku mareysa wadada inta ay baarayaan ciidamada Ethiopia, waxayna faarujiyaan tuulada marka uu gabalku dhaco oo sida uu markale ii sheegay Ibraahin Samaan waxay aadaan dhulka baadiyaha fog oo ay nabadgelyada ahaan u door bideen.

 

“Hada waxaa maalinkii yimaada tuulada haween yar oo casar liiqii ka galbada halkaas, waxayna ku iibsadaan meesha shaah ay ka gataan dadka musaafiriinta ah, laakiin magaalada dhexdeeda iyo agagaarkeeda waa cidlo oo cidi ma degana, waana saldhig ciidan hada” ayuu hadalkiisa raaciyay ibraahim Samaan.

Gobolka Gedo ayaa bilihii lasoon dhaafay oo idil waxaa lasoo warinayay iney kasoo muuqaneysay xaalado nafaqo darri ah oo soo ridanayay dad ubadan caruur iyo waayeelo ay kamid yihiin kuwo dhawaan kusoo qaxay gobolka, kana yimid meelo kamida deegaano katirsan gobolada Jubooyinka, kuwaasoo haatan banaan yaal ku ah meelo ka tirsan degmooyinka Beled-Xaawo, Doolow, Luuq iyo meelo kale. oo Gedo ka tirsan.

Nuur Cali Faarax/MG

Previous Post

Xaalada barakacayaal isku uruursanaya Afgooye

Next Post

CUDUR AAN LA XAQIIJIN NOOCA UU YAHAY OO 11 QOF KU DILAY GOBOLKA HIIRAAN

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
CUDUR AAN LA XAQIIJIN NOOCA UU YAHAY OO 11 QOF KU DILAY GOBOLKA HIIRAAN

CUDUR AAN LA XAQIIJIN NOOCA UU YAHAY OO 11 QOF KU DILAY GOBOLKA HIIRAAN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo