Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

CUDUR AAN LA XAQIIJIN NOOCA UU YAHAY OO 11 QOF KU DILAY GOBOLKA HIIRAAN

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
June 27, 2012
in Caafimaadka
0
CUDUR AAN LA XAQIIJIN NOOCA UU YAHAY OO 11 QOF KU DILAY GOBOLKA HIIRAAN
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank11 ruux oo dumar iyo carruur u badan ayaa u geeriyooday xanuun looga shaki qabo inuu yahay  Jadeeco, tiro dad ah oo gaaraya soddomeeyana waxay xanuunkaasi kula il-daran yihiin deegaanka Qoox oo qiyaastii 75km kaga beegan dhinaca koonfur bari magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo xanuunkani lagu arkay muddo saddex toddobaad laga joogo.

Xanuunkanayaa dadka halkaasi ku nool ee reer guuraaga ahi uga shakiyeen cudurka jadeecada ” 11 qof way dhinteen, dad hadda haddaan tirinnay tiradoodu gaareeyso 30 way la jiifaan dadkaas oo u badan dumar iyo carruur da`dooduna u dhaxeyso 12-13,annaga reer Qoox dadku waa iska baahnaa haddana cudurkaan ayaa noogu darsamay,dadka dhintay waxaa ku jira kuwo hal qoys ka soo jeeda, waxaa kaloo dadka dhintay ku jira gabar  toddobo casho aroos ahayd oo reerkooda loo soo diray lana soo diiqay (dhibaadiyey) oo markey timid xanuunkii ku dhacay una dhimatay kadibna walaasheed oo geerida kusoo baxday ayaa tacsi ahaan u timid iyadii ayaa haddana xanuunkii asiibay oo isla gurigii ku dhimatay,” sidaa waxaa telefoonka Ergo ugu xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaankaas oo ku sugnaa Qoox kana gaabsaday inuu sheego magaciisa.

Mar aan wax ka weydiinnay isla goobjoogahani  deggan deegaankaasi calaamadaha ay ku arkeen bukaanka uu soo ritay xanuunkan ee deegaankooda wuxuu yiri “Neefta ayaa horay u boodaysa, indhaha ayaa isaga dhagaya, way gaduudanayaan, sanka ayaa dhiig ka imaanaya oo gaduudanayo sidoo kale, afka ayaa bukoonaya oo humburayo, qofku cunidduu ka joogsanayaa, maqaarka ayaa xumaanaya oo bus bus kasoo baxaya, qufac joogta ah, shuban iyo matag waan ku aragnay.” Ayuu yiri ninkaan.

Goobjoogahani deegaanka ah oo ka jawaabay su`aal ahayd in dadka reer Qooxeed ay fursad tallaal caafimaad oo ka hortag ah ay heleen waligood iyo in kale ayaa wuxuu ku jawaabay “Talaal mar ayaa naloo keenay anigaan kula hadlayo oo guddiga deegaanka ka mid ah ayaa laygu soo wargeliyey, way igu diideen dadku in bulshadeydu tallaalka ka qaataan  waa diideen, carruur aan badneyn oo tobaneeyo ah ayaa deegaanka laga tallaalay, haddana waa badbaadeen oo xanuunku kuma dhicin.”

Deegaankan Qoox oo ah dhul miyi ah, una dhexeeya degmooyinka Buulo-burde iyo Beledweyne aadna uga durugsan magaalooyinka gobolka Hiiraan ayaan lahayn dhammaan adeegga nolosha sida biyaha iyo caafimaadka.

Nin ka mid ah bulshada deegaanka Qoox ayaa sheegay in deegaankoodu uu yahay mid gaadiidku tagi karo oo leh dhabbo ama waddo lagu tago isla markaana ay si dhaqso leh ugu baahan yihiin in samafal caafimaad loo fidiyo, maaddaama xanuunkan dilaaga ahi uu soo ritay dad badan oo ah kuwa bulshada ugu nugul waa carruurta iyo haweenka`e. Wax hay`addo oo dhinaca gargaarka ayaan joogin halkaas, iyadoo deegaankaanna ay adag tahay si lagu gaaro sababo dhinaca ammaanka.

Abdullahi Salad/FM

Previous Post

Qoysas ku soo barakacay Yurkud oo ku dhibaataysan Luuq

Next Post

Qoysas hor leh oo ku barakacay dagaallo ka dhacay Gedo oo dalbaday in la gargaaro

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Qoysas hor leh oo ku barakacay dagaallo ka dhacay Gedo oo dalbaday in la gargaaro

Qoysas hor leh oo ku barakacay dagaallo ka dhacay Gedo oo dalbaday in la gargaaro

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo