Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolosha iyo sharciyada qaxooti Soomaali ah oo ku nool Malawi

Radio Ergo by Radio Ergo
June 18, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Nolosha iyo sharciyada qaxooti Soomaali ah oo ku nool Malawi
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank18 June, 2012 MALAWI Boqollaal Soomaali ah oo qaxooti ku ah waddanka Malawi ayaa cabasho ka muujiyay dhibaato ay kala kulmeen dhinaca sharciga, qaxootigan oo ku jira xerada Saleke oo ku taalla duleedka magaalada caasimadda ah ee Lilongwe.

Maxamed Cali Cumar oo ka mid ah soomaalida qaxootiga ku ah xeradaas oona soo galay xerada sanada 2006dii ayaa waxa uu u sheegay idaacada Ergo in dhibaatada dhinaca sharciga ah.

Maxamed oo u warramay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in sharci la`aanta darteed aysan Soomaalidu qabin shaqooyinka laga dhexqabto magaalooyinka si ay noloshooda ugu soo saartaan.

“Wallaahi aad bay u adagtahay, qofkii inta ganacsi furto isku dayo inuu noloshiisa ka soo saarto, inta la qabto ayaa dib magaalada loogu soo celinayaa” ayuu yiri Maxamed.

Isagoo ka hadlaya dhinaca dib u dejinta qaxootiga ayaa wuxuu sheegay in muddo labo sano ka hor ah qaxootiga qaarkood laga qaaday wareysiyo si dib u dejin loo siiyo, haseyeeshee ma jirin wax jawaab ah oo ay heleen dadkii la wareystay illaa hadda.

Maxamed Cali Cumar ayaa sheegay in qofkiiba la siiyo 13 kiilo oo galley ah, taas oo aana ku filnayn ” Raashiinka dhib weyn ayaan ku qabnaa, waayo fayl ayaa loo gala, haddana naguma filna raashinka aanu helno, dantana waxay kugu qasbaysaa inaad iska dayso” ayuu yiri.

Inkastoo ay xeradaas ay ka jiraan adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo Waxbarashada, haddana Soomaalida ayaa waxay sheegeen inay sidoo kale qabaan dhibaatooyin aysan qabin qaxootiga kale, taa oo marka ay sharciyada codsadaan loo sheego in laga soo baarayo liiska argagixisada oo ay qaadato muddo dheer inay suggaan sharciga halka qaarka kalena aysanba helin.

Xerada Saleke ayaa la aasaasay sanadkii 1994-tii, waxaana ku jira qaxooti ka soo jeeda waddamo ay ka mid yihiin Congo, Burundi iyo Rwanda.

Faarax Dubad/MG

Previous Post

50 barakacayaal ah oo la baray xirfado ay ku shaqaystaan

Next Post

BANDOW HABEENKII AH OO LAGU SOO ROGAY AFGOOYE

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
BANDOW HABEENKII AH OO LAGU SOO ROGAY AFGOOYE

BANDOW HABEENKII AH OO LAGU SOO ROGAY AFGOOYE

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo