Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

50 barakacayaal ah oo la baray xirfado ay ku shaqaystaan

Radio Ergo by Radio Ergo
June 18, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
50 barakacayaal ah oo la baray xirfado ay ku shaqaystaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank18 June, 2012 MUQDISHO Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo sameeyay xirfado ay ku maarreeyeen noloshooda, iyagoo helay tawbar lagu siiyay xirfado la xiriira sidii ay noloshooda ay u dabbari lahaayeen.

Dadkan helay xirfadaha ayaa gaaraya illaa 50 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, waxaana 30 ka mid ah ay yihiin haween, iyadoo 20-ka kalena ay yihiin rag, waxay xilligaan ka shaqeystaan xarun weyn oo ku taalla gudaha Siligga Ameerikaanka.Barakacayaashan ayaa waxa ay qabtaan howlo kala duwan, howsha ugu weyn ayaana ah farsamaynta burjikooyinka dhoobada laga sameeyo oo loo maro wadiiqo dheer oo qaadata waqti badan, balse ragga iyo dumarka ayaa shaqadooda ay tahay mid isku tiirsan marka loo eego shaqada ay hayaan si loo taabogeliyo xirfadaas.

Barnaamijkan shaqo abuurka ah islamarahaantaasna haween iyo ragba lagu baray xirfadahaas ayaa waxaa gacan ka gaystay hay’addaha UNICEF iyo Mercy.

Dumarku waxay nadiifinayaan dhoobada ka dibna ay bur burinayaan intaas kadibna way qasayaan, waxaana muddo maalin ah la huurinayaa waxaana intaasi kadib iyadoo dhoobada la qsay laga dhugayaa burjiko waxaana howshaas guud ahaan qabanaya dumarka oo loo tababaray xirfaddan.

Ragga ayaa iyagana haya shaqo muhiim u ah shaqada ay hayaan haweenka, waxay samaynayaan dahaar ah burjiko, waxay ka samaynayaan fuustooyinka oo jarjarayaan iyaga oo isticmaalaya waxyaabo adag iyo dab waxaana dahaarkaas loo isticmaalayaa in la dhaxgeliyo burjikada laga sameeyo dhoobada.

 

“Magacaygu waa Faadumo, carrada waxaa laga keenaa Afgooye waan soo dajinnaa kadib waxaa la keenaa halkan, waan nadiifinnaa oo waxaan ka saarnaa khashinka, marka aan nadiifinno kadib waan qasnaa muddo maalin ah kadibna waxaan ka samaynaa burjiko.”

 

Dadkan ayaa sheegay in xilligan ay si wanaagsan kaga faa`iidaysteen Isla markaana ay hadda ka heleen lacago fiican. Xalwo waa mid ka mid ah dadka bartay samaynta burjikada, waxayna u sheegtay Ergo si guud “Waxaan samaynaa burjikada ,hadda nolol fiican ayaan helnay.”

 

Barakacayaashan ayaa sheegay in xilligan ay yihiin dad helay ama leh xirfad ayna hadda soo saaraan shaqo fiican islamarkaana ay noloshooda ku maarreeyeen.

Hooyo kamid ah barakacayaasha oo radio Ergo la hadashay ayaa sheegtay in ay ku hanweyntahay in ay wixii haatan ka dambeya ay fikirkeeda ku shaqaysan doonto.

Cabdirashiid waa Aabbe leh 5-carruur ah, wuxuu ka mid yahay dadka yeeshay xirfad uu ku shaqaysto, wuxuu sheegay in markii hore uu ahaa qof iska niyad xun maaddaama uu soo barakacay islamarkaana uusan waxba gacanta ku hayn balse hadda xaalku wuu ka duwanyahay sidaasi “Waxaan leeyahay 13-carruur ah waxaan ahaa qof aan sahqayn ilaah mahadii hadda waan helay shaqo fiican, aniga waxaan leeyahay oo kaliya xooggayga waana layga gataa waxaan soo saaro marka shaqo fiican ayaan helay.”

Haweenay kamid ah barakacayaasha oo qoyskiida kala soo barakacday deegaanka Rabdhuure ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay xirfada ay heshay.

“Dhoobaan qasnaa, waan qasnaa, waana ku shaqaynaa, waxaana rajeynayaa inaan ilmaha ku biisho” ayay tiri haweenaydaas.

Barakacayaasha ka faa`iidaystay xirfaddan ayaa sheegay inay heleen xirfad wanaagsan, waxayna dalbadeen in laga caawiyo agabka haddii ay ku laabtaan deegaannadii ay markii hore kasoo barakaceen.

Cabdulqaadir Cabdulle/MG/FM

Previous Post

MAXKAMADDA CIIDAMADA PUNTLAND OO XUKUNNO KU RIDDEY ASKAR KUFSI U GAYSTAY GABAR YAR

Next Post

Nolosha iyo sharciyada qaxooti Soomaali ah oo ku nool Malawi

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Nolosha iyo sharciyada qaxooti Soomaali ah oo ku nool Malawi

Nolosha iyo sharciyada qaxooti Soomaali ah oo ku nool Malawi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo