Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

MSF: 20 sano nolosha qaxootiga Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
June 15, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
MSF: 20 sano nolosha qaxootiga Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank15 June, 2012 NAIROBI Iyadoo lagu guda jiro isbuuca xuska maalinta caalamiga ah ee qaxootiga, ayaa waxaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay buug uu ururka taqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF uu maal geliyay ayna laba qoraa oo u dhadhay dalka Switzerland ay ka diyaariyeen xaaladaha nololeed ee qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee Waqooyi bari Kenya gaar ahaan xerada Dhagaxleey, iyo aragti is weydaarsi ku aaddanaa mustaqbalka qaxootiga soomaaliyeed ee xeryaha Dhadhaab.

Iyadoo ay haatan xeryaha Dhadhaab 20-jirsadeen ayaa waxaa madasha ku sugnaa oo ka warbixinayay xaaladda xeryaha wakiillo ka socday dowladda Kenya, UNHCR, ururrada kale ee arrimaha qaxootiga iyo dad matalayay bulshada qaxootiga soomaaliyeed ee xeryaha Dhadhaab.

Ugu horreyn Mr. Badu S. Katelo oo ah sarkaalka arrimaha qaxootiga u qaabilsan wasaaradda arrimaha socdaalka iyo diiwaan gelinta shakhsiyaadka ee Kenya, oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay u socoto howlaha diiwaan gelinta qaxootiga “Inta badan dadka Soomaaliyeed ama waa la dilaa ama waa la barakiciyaa, inta badan barakacana wuxuu ku soo noqdaa dalalka deriska ah, in badan oo iyaga ka mid ah waxay yimaadaan Kenya. Tan iyo sanadkii hore oo ay dowladda billowday diiwaan gelinta, haatan waxaan heynaa bulsho dhan 116,000 qaxooti ah. Intooda badan 465,000 ayaa ku nool Dhadhaab, 96,000 waxay ku nool yihiin Kaakuma, waxaan furnay 5 xafiis oo lagu diiwaan geliyo qaxootiga magaalooyinka ku nool, haatanna waxaan heynaa in ka badan 50,000 oo la diiwaan geliyay. Kenya waxay marti gelisay qaxooti badan, qaxootiga ka yimid Soomaaliya waa 87%,”

Mr. Abel Jeru Mbillinyi oo wakiil ka ahaa hay`adda arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa isagana sheegay in hay`addisa ay ku talo jirto mustaqbalka dhow in si mutadawacnimo ah qaxootiga looguceliyo deegaannada nabdoon ee dalka Soomaaliya “Waqti baa jiray ay xaaladdu saamaxaysay inaad dadka u dirto ama ku celiso tusaale oo kale Hargaysa ama Puntland ama meelo kale oo Soomaaliya oo ammaan ahaa, hadda waxaan firiinaynaa dhinaca Jubadda Hoose inaan sidaas oo kale dadka ugu celin karno haddii xaaladda waddanku noo oggolaato, hawshaasna UNHCR keliya ma lahan inay qabato, waa hawlo wada jir bulshooyinku isaga kaashanayaan, waxaana sidoo Kale dowladda Kenya ay hormuud ka tahay sidii ay goobahaas uga dhalin lahayd xasilooni, waxaana la qabanayaa markastoo aan aragno inay arrintaan ku guulaysteen, sidaan haddaba maqlayno inay horumar arrimahaan ka samaynayaan maalinba maalinta ka dambaysa. Waxaa imanaysa waqtiyadaan soo socda fikrad dib u noqosho, aragtida UNHCR ka shaqayn doonto inay dib u celiso dadka qaxootiga ah goobaha ammaanka, waase in la ilaaliyo sharaftooda, cidina kuma talinayso in dadkaasi la celiyey noqdaan kuwo ku barakacsan gudaha waddanka.”

Dr Elena Velilla oo ah madaxa howlgallada ururka taqatiirta aan xuduudda lahayn ee gudaha Kenya ayaa ka warrantay howlaha ururkooda uu u qabtay 20-kii sano ee la soo dhaafay qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira xeryaha Dhadhaab “Waxaan nahay urur caafimaadka deg degga ah, waxaan xaqiiqdannay in 20-kii sano ee la soo dhaafay aan qaxootiga siineynay caawinaad qaxootiga, kuwaasoo qaba baahiyo kala duwan, waxaan cisbitaalka geyneynay dad xaalado caafimaad oo khatar ah qaba, kuwaasoo badankood ay yihiin hooyooyin xeryaha soo galay sanad ka hor. “

Barre Cusmaan Cabdi oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada xerada qaxootiga Dhagaxley, ayaa si qoto dheer uga warramay dhibaatooyinkii muddadii 20-ka sano ahayd ay soo mareen qaxootiga Dhadhaab, isagoo sheegay in beesha caalamka haddii ay taageeri lahayd gacanna ka geysan lahayd nabadda Soomaaliya aysan 20-sano qaxooti ahaan lahayn oo ay dalkooda dib ugu laaban lahaayeen “Dhalinyaradu waxay qabaan dhibaatooyin fara badan sida shaqo la`aan oo ma dhaqdhaqaaqi karaan, sidoo kale waxaa saameyn nagu yeelatay ammaan darrada, habeenkii markaan maqrib tukannaba guryaha ayaan ku xaroonnaa, bannaanka uma soo bixi karno, waxaan jeclaan lahayn haddii dalkeenna uu ammaan noqdo in nalagu celiyo.”

Mid ka mid ah dhalinyarada ka socotay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa su`aal weydiiyay sarkaalka arrimaha qaxootiga u qaabilsan wasaaradda socdaalka iyo diiwaan gelinta ee Kenya Mr Badu Katelo, su`aashaasoo ahayd sida looga gudbi karo caqabad heysata qaxootiga ku jira xeryahaas taasoo ah in booliiska Kenya marka ay howl gallo ka sameynayaan halkaasi ay dhac iyo boob u geystaan xarumaha ganacsiga qaxootiga iyagoo ka faa`iideysanaya in dadka qaxootiga ah aysan akoon ay lacagaha dhigtaan ku lahayn bangiyada.

Mr Katelo ayaa ku jawaabay “Jawaab aad u fudud, mid ka mid ah xuquuqaha uu karaka ka aqoonsiga qaxootinimada uu ku siinayo waxaa weeye awoodda aad u yeelaneyso inaad bankiga akoon ka furato, sidaa darteed u sheeg walbo inuu qaato kaarkiisa uuna aado magaalada Gaarissa si uu u furto akoon, xitaa waxaan arrintaan ku soo qornay jaraa`idyada, UNHCR ayaa ii sheegtay in sidoo kale ay dib u shaacinayaan arrintaan sidaa darteed qaado kaarkaaga isla markaana furo akoon, tani xitaa waxay kuu suurto gelineysaa inaad ganacsigaaga diiwaan geliso, marka waxay tani ku siineysaa xuquuq badan , laakiin tallaabada koowaad waxay tahay inaad aaddo meesha akarkaagu yaallo oo aad soo qaadato, waxaan ahaatan wadnaa tallaabooyin aan ku hubineyno in kaararka aqoonsiga qaxooitinimada la gaarsiiyo dhammaan xeryaha.”

Saynab Maxamuud Xasan, guddoomiyaha xerada qaxootiga Dhagaxleey oo ah xerada falalka ammaan darrada ugu badan ay ka dhacayeen bilooyinkii ugu dmabeeyay ayaa ka warrantay dhibaatooyinka ay haatan qabaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab “Xaaladda qaxootiga manta ammaan darrada ayaa noogu daran, habeenkii xaafadaha ayaa la baaranayaa, dad hubeysan baa soo galaya. Bartilmaameedsiga shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale aad noo saameysay waanan ka xunnahay in dadkii wax na tarayay la dhibaateeyo.”

Mr Katelo ayaa mar kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in qaxootiga ay is diiwaan geliyaan, iyo xuquuqaha iyo awoodda uu siinayo karaka aqoonsiga qaxootinimada “Diwaan gelinta, qodobka qaxootiga ee sharciga Kenya ku qoran wuxuu dhigayaa in qofkastoo qaxooti ah waddankana soo gala la diwaan geliyo,uuna helo kaadh aqoonsi, haddii aan lagu aqoonsanna waxaad lumisay xuquuqdaadii, wuxuuna kaadhkaan qaxootigu leeyahay muhiimad ballaadhan, haddii dib u dejin aad hesho oo aadan wadan aqoonsi qaxooti cidi ku siin mayso ruqsad aad waddanka kaga baxdo, raashiin qaybin ma helayo qofku hadduusan wadan kaadh aqoonsi iyo hawlo badan oo kale. Runtii waxaan u dhaafayaa farriin qaxootiga, waxaan u sheegayaa cid kastoo haysata kaadh qaxooti oo booliis dhibaato u geysto ama xiro, in askarigaas maxkamad la geynayo, haddii aad rabtaan in la idinka caawiyo sharciyan arrimahaasna waxaan leennahay 9 qareen iyo hay`ado naga caawiya dhinaca sharciyada.”

Faadumo Cabdirisaaq Xasan oo iyadu mataleysay haweenka xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa iyadana sheegtay in dhibaatooyinka ugu badan ay saameeyeen haweenka “ Bushada dhibaatooyin badan bey qabaan gaar ahaan haweenka, sababtoo ah burburka dalkeenna ka dhacay haween badan baa ku waayay raggoodii, taasoo ku qasabtay inay iyagu shaqeystaan oo carruurtooda korsadaan, sidoo kale kufsiga ayaa la moodaa in haweenka loogu talo galay, marka ay xeryaha soo galayaan iyo marka ay gudaha joogaanba waa la kufsadaa.”

20-ka bishaan June, ayaa sanad waliba waxaa dunida laga xusaa maalinta qaxootiga adduunka.

Faadumo Macallin Abuukar/MG

Previous Post

Dadkii ka baracay tuulada Galgala ee gobolka Bari oo dhibaato haysato

Next Post

WHO OO XARUN CAAFIMAAD KA FURTAY DEGMADA XUDUR

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
WHO OO XARUN CAAFIMAAD KA FURTAY DEGMADA XUDUR

WHO OO XARUN CAAFIMAAD KA FURTAY DEGMADA XUDUR

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo