Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

WHO OO XARUN CAAFIMAAD KA FURTAY DEGMADA XUDUR

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
June 15, 2012
in Caafimaadka
0
WHO OO XARUN CAAFIMAAD KA FURTAY DEGMADA XUDUR
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDeegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa ka mid ahaa goobo ay ka taagnaayeen dhibaatooyin bani`aadannimo sanadihii ugu dambeeyay, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay nolosha dad fara badan oo ay ugu horreeyaan carruurta iyo haweenka.

Caafimaadka deegaanka oo aad u liita ayaa keenay inay adkaato nolosha dadka u nugul cudurrada oo carruurta ay ku jiraan, waxaana taasi si weyn looga dareemay tuulooyin ka tirsann gobolka Bakool markii  dadka ay ka soo gudbeen mashaqadii abaarta isla markaana ay la kulmeen roobab deegaannadii ay ka da`een oo ay ka dillaaceen cudurro duumadu ay ku jirto.
Waxaa aad u adkaa in gobolka howlo samafal ay ka fuliyaan hay`adaha gargaarka ka shaqeeya, kuwaasi oo walaac ka muujinayay xaaladaha nabadgalyo ee gobolka.

Dadka ku dhaqan degmada xudur iyo tuulooyinka hoostaga ayaa markii ugu horreysay helay adeeg caafimaad kadib markii maalmo ka hor gudaha degmada Xudur hay`adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ay ka furtay xarun caafimaad oo lagu daryeelo dadka la xanuunsanaya cudurrada kala duwan.

Tan iyo markii la hawlgaliyay xaruntaasi oo ay ka hawlgalaan shaqaale caafimaad oo ka tirsan WHO waxaa lagu guuleystay daweynta dad u badan carruur iyo haween oo la dhibaateysnaa cudurro kala duwan.

Iskuduwaha gurmadka deg degga ah ee WHO Soomaaliya, Dr Cumar Saalax oo ku sugan degmada Xudur oo aan telefoonka kula hadlay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in maalintiiba ay daaweeyaan dad lagu qiyaaso 200 oo la xanuunsanaya cudurro kuwaasi oo qaarkood u baahan in qalliin loo sameeyo.

Wuxuu sheegay in seddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka hawlgalyeen degmada xudur islamarkaana maalin waliba ay xalliyaan illaa iyo toddobo kiis oo la xiriira dhibaatoyinka caafimaad ee ay qabaan bukaannada gaaraya xarunta hay`adda WHO ay ka furtay degmada xudur, dadka ay caawiyaan oo ay qaabilaan ayuu ku sheegay inay u dhaxeeyaan 100 – illaa 200.
Dhinaca kale Dr Cumar  ayaa tilmaamay in xaalado nafaqo darro oo soo wajahay carruurta laga dareemayo gobolka, isla markaana ay ka mid yihiin carruur nafaqo darro ay hayso kuwa ay la kulmeen.

Si rasmi ah looma oga tiro ahaan carruurta nafaqo darrida ay hayso maaddaama xaruntani ay noqoneyso tii ugu horreysay oo laga hergeliyo magaalada xudur, tan iyo markii uu meesha ka baxay isbitaalkii degmada oo aan hawlgalin sanadihii ugu dambeeyay.

Saraakiisha caafimaadka WHO ee ku sugan gobolka Bakol ayaa tallaabadni ku micneeyay mid lagu daboolayo baahida caafimaad ay qabaan bulshada ku nool deegaannada iyo degmooyinka kala duwan ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha degamada Xudur Maxamed Macalin ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka ay caawiyaan ka sokow hay`adda WHO gobolka ay keentay qalab caafimaad oo muhiim u ah wax kaqabashada cudurrada ay la xanuunsanayaan  dadka nugul, oo aan helin gar gaar caafimaad seddexdii sano ee la soo dhaafay.

Inta badan bukaannada la xanuunsanaya cudurrada kala duwan ayaa lagu daweyn jiray cisbitaalka dhexe ee gobolka Bay, kaasi oo fuliya adeegyo caafimaad oo ay ka faa`ideystaan dad badan oo ka kala imaanaya gobollo ku yaalla koonfur galbeed Soomaaliya.

Hay`ado isugu jira kuwo caalami ah iyo NGO-yo maxalli ah ayaa ku hawlan mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyo gobollada Bay iyo Bakool, si dadka ay uga soo kabsadaan saameyntii ay ku yeesheen musiibooyin bani`aadannimo oo sanadihii la soo dhaafay ka taagnaa gobolladaasi.

Cabdicasiis CKoronto

Previous Post

MSF: 20 sano nolosha qaxootiga Dhadhaab

Next Post

MAXKAMADDA CIIDAMADA PUNTLAND OO XUKUNNO KU RIDDEY ASKAR KUFSI U GAYSTAY GABAR YAR

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
MAXKAMADDA CIIDAMADA PUNTLAND OO XUKUNNO KU RIDDEY ASKAR KUFSI U GAYSTAY GABAR YAR

MAXKAMADDA CIIDAMADA PUNTLAND OO XUKUNNO KU RIDDEY ASKAR KUFSI U GAYSTAY GABAR YAR

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo