Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kufsiga haweenka lagula kacayo oo ka jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
June 7, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Kufsiga haweenka lagula kacayo oo ka jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank07 June, 2012 DHADHAAB  Amaan darrida ka taagan xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa sii kordhaysa, iyadoo ururrada dhinaca arrimaha bulshada ka shaqeeya, kuwa gargaarka iyo dawladda Kenyaba ay isku si u xaqiijinayaan dhibaatada amaan, warka ka imanaya xeryaha ayaa sheegaya in falalka kufsigu ay ku sii kordhayaan xeryahaas gaar ahaan dadka cusub ee soo gelaya xeryaha, waxaana haweenkii ugu badnaa lagu kufsaday xerada cusub ee laga yagleeyey duleedka Xagardheer ee Kaambi Caws.

Toddobaadkaan ayaa laba haween ah loogu geystay kufsi inta u dhaxaysa Kaambi Caws iyo Xagardheere, iyadoo mid ka mid ahi ahayd 16 jir, Cabdiyo Cali Xuseen kana soo barakacday degmada Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoona ay soo barakiciyeen abaarihii sanadkii tegey ku dhuftay waddanka.

Safiya Ibraahim Cige oo ah hooyo haysata carruur loona geystay kufsi ayaa ka warbixisay kufsiga loo geystay “ Halkaan waxaan ka tegey 7-dii saac, markaan marayey lagta u dhaxaysa Xagardheer iyo Caambi Caws ayaa waxaa i soo daba galay nin dhuuban oo dakhar wejiga ku leh, ma aanan arkayn oo iskama dhaadayn, meel dhexe anoo maraya ayuu igu soo booday, waan la diriray, haween baan ahaa oo awood badan ma lahayn, toorrey ayuuse meel walba iga geliyey, markii awooddii iga dhammaatayna siduu doono ayuu iga yeelay, meeshii ayanan anigoo dhiig baxaya ka soo tukubay anoo caga cad, dad ayaana meel dhexe iga soo caawiyey, ambalaas ayaa la igu qaaday waxaana la i geeyay Hit Boska, Xagardheer ayaana la i geeyey markii dambe, daawo kaalmaati ah mooyaane wax kale ma helin.”

Cabdiyo Xuseen Cabdi waa 16 jir waxay iyana ka sheekaynaysaa kufsi loo geystay, “Kaambi Caws ayaan tagnay annigoo u socda Xagardheere, ma haysan lacag aan gaari ku raacno anniga iyo gabadh kalaan ahayn, meel dhexe ayuu nin naga helay, kabihiisuu ila dhacay isagoo markii dambe kufsi ii geystay”

Dhinaca ciidanka amaanka ayaa iyagu sheegay illaa hadda cid ay u soo qabteen falalkaan. Sheikh Xasan Gaab oo ah madaxa dhinaca caafimaadka ee xerada Caambi Caws , isaguna ahaa ninkii isbitaalka geeyey Safiya “Adeer hadaan kaaga warramo kufsigu waa mid si baahsan uga jira xeryaha, Safiya keliyana ma ahan boqollaal kiis oo la mid ah ayaa na soo maray, waxaana dadka in badan u sheegnay inay taxadderaan, duruufta ayaana dadka ku qasbaysa inay dadku u lugeeyaan xerada Xagardheer oo badanaa waddada u dhexaysa y ka dhacaan kufsigu, waxaan u gudibnaa isbitaallada, waxayna xaqiijiyeen in galmooyin xoog badan lagu sameeyey waxna u dhimay jirkooda iyo maskaxdooda”.

Hay’adda qaxootiga qaramada midoobay UNHCR ayaa sheegtay in dhibaatadda amaan ee jirta ay wax badan hakiyeen hawlihii gurmadka ee loo samayn lahaa dadka cusub ee soo gelaya xeryahaas oo ay waqtigaan ku sugan yihiin dad ka badan 460,000 oo Soomaali ah, iyadoo sanadkii tegey 300,000 oo qof ay ka barakaceen guud ahaan Soomaaliya kuwaasoo magansaday waddamada Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Yemen.

Lafoole/MH

Previous Post

HAAMO SUN LOOGA SHAKIYAY OO KU CAARIYAY XEEBTA LIIDO EE MUQDISHO

Next Post

TIRADA CARRUURTA NAFAQA DARRIDU HAYSO OO KU SII KORDHAYA BAARDHEERE

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
TIRADA CARRUURTA NAFAQA DARRIDU HAYSO OO KU SII KORDHAYA BAARDHEERE

TIRADA CARRUURTA NAFAQA DARRIDU HAYSO OO KU SII KORDHAYA BAARDHEERE

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo