Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

TIRADA CARRUURTA NAFAQA DARRIDU HAYSO OO KU SII KORDHAYA BAARDHEERE

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
June 7, 2012
in Caafimaadka
0
TIRADA CARRUURTA NAFAQA DARRIDU HAYSO OO KU SII KORDHAYA BAARDHEERE

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank

Dhibaatada ugu daran ee xilligan ay ka cabanayaan carruurta iyo haweenka uurka leh ee ku dhaqan degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada ayaa  waxaa ugu weyn xaaladaha nafaqo darrida  oo bilihii ugu dambeeyey si weyn looga dareemay deegaanka, waxaana xarumaha quudinta iyo gargaarka caafimaadka ee ku yaalla gudaha magaalada buux dhaafiyey toddobaadyadii ugu dambeeyey bukaanno la il daran nafaqo darrida.

Maxamed Aaden oo ah agaasimaha dhinaca nafaqeynta hay`ad gudaha ka hawl gasha lana yiraahdo HIRDA oo la hadlayey Warbaahinta ERGO ayaa sheegay in maalin kasta xarumaha quudinta ay yimaadaan ku dhowaad 80 carruur ah, kuwaasoo u badan dadka beeralleyda ah oo dan yarta ah, isagoo sheegay in dhibaatada nafaqa darri ee deegaanka ka jirta ay sii kordheyso
“Roobabkii guga way baaqdeen, taasaana keentay in la waayo mirihii beeraha iyo nacfigii xoolaha ka imanayey, degmada Baardheere oo ah deegaan ballaaran oo ay hoos tagaan in ka badan 80 tuulo ayaana ay arrintaan nafaqa darridu si isku mdi ah u saamaysay.” Wuxuu mas`uulkaani walaac xooggan  ka muujiyay tirada bukaannada qaba nafaqo darrida ee imaanaysa xarumaha caafimaadka.

Ku dhowaad illaa afar xarumood oo ka furan gudaha magaalada ayaa adeegyada caafimaad ee xilligani ay qabtaan dadweynaha waxaa ugu weyn sidii ay adeegyo nafaqayn iyo daaweyn ugu fidin lahaayeen boqollaal ruux oo isugu jira carruur da`doodu ay ka hooseyso shan jir, haween uur leh iyo weliba dad kale oo da` ah, dhammaan qoyasaskaasi ayaa waxay ka soo jeedaan dadka dan yarta ah ee beeralleydana u badan noloshooduna ku tiirsaneyd wax soosaarka beeraha. Waxay kaloo sheegeen hawl wadeennada caafimaadka Baardheere in labadii maalmood ee ugu dambeeyey nafaqo darri ay ugu geeriyoodeen 2 carruur ah.

Hay`adaha keliya ee hadda Baardheere ka hawl gala ayaa ah HIRDA iyo hay`adda bisha cas ee Soomaaliyeed siduu sheegay Maxamed Aadan kuwaasoo aan dabooli karin xaddiga baahida ee waqtigaan ka jirta Baardheere iyo deegaannada ku xeeran

“Illaa shan iyo toban ruux oo ah bukaanno la liita nafaqo darrida  ayaa afar iyo labaatankii saacadood ee ugu dambaysay la soo gaarsiiyay  xarunta la jiifiyo dadka nafaqa darridu hayso ee aan ku leennahay gudaha magaalada, dadkaasi oo isugu jira carruur, haween iyo dad kale oo da` ah ayaa waxaan u qabannaa adeegyo ay ka mid yihiin daaweyn iyo quudin dhinaca raashinka nafaqada leh.”  isagoo dhinaca kalena  sheegay in bukaannada jiifa xaruntaasi laga kala keenay goobo kala duwan sida qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada iyo degmooyin kale oo ay ka mid yihiin Saakow iyo Qansaxdheere oo iyana laga soo sheegayo inay ka jirto nafaqa darridu.
Xanuunka nafaqo darrida ayaa inta badan waxaa la arkaa xilliyada ay jiraan barakaca, abaaraha iyo roob yaraanta ka jirta deegaanka oo keentay in hoos u dhac ballaaran uu ku yimaado mirahii beeralleydu ay goosan lahaayeen, arimahaasi oo idil ayaa qeyb waxay ka yihiin dhibaatooyinka ka taagan deegaanka.

Hay`adda qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ayaa warbixin ay shalay soo saartay ku sheegtay in dadka barakacaya ee gaaraya xerada Doolow Caddow ee Itoobiya ay sii kordhayso, dadkaas oo ay barakicinayaan roobabkii guga oo baaqday, iyadoo walaac ka muujisay in markale ay mawjado dad ahi ku sii barakacaan xeryaha ku yaal waddamada Kenya iyo Itoobiya.
Axmed Cumar Saalixi/MH

Previous Post

Kufsiga haweenka lagula kacayo oo ka jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Next Post

Waa sidee nolosha dhabta ah ee ay dadka ku barakacay gudaha dalka ku sugan yihiin?

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Waa sidee nolosha dhabta ah ee ay dadka ku barakacay gudaha dalka ku sugan yihiin?

Waa sidee nolosha dhabta ah ee ay dadka ku barakacay gudaha dalka ku sugan yihiin?

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo