Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Duruufaha adag oo ku khasbaya dadka Hiiraan inay galaan xeryaha barakaca

Radio Ergo by Radio Ergo
June 22, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Duruufaha adag oo ku khasbaya dadka Hiiraan inay galaan xeryaha barakaca
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank22 June, 2012 BALEDWEYNE

Boqollaal dad ah oo hor leh ayaa soo galaya xeryaha dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dadka soo gelaya xeryaha oo si rasmi ah aan loo hayn tiradooda ahna dad nugul isuguna jira carruur, dumar, waayeel iyo dad naafo ah oo lixaadkoodu kala dhantaalmay ayaa ka imaanaya xaafadaha gudaha magaalada iyo dhulka miyiga ah ee aan ka durugsaneyn magaalada.

Barakacayaashan cusub ayaa tan iyo horraantii sanadkan si tartiib tartiib ah u soo galayey xeryahan, waxaana la rumeysan yahay inay badankood yihiin dad reer guuraa ah oo sanad iyo bar ka hor ku xoola belay deegaanno ku yaal gobolka Hiiraan, kuwaasoo dulsaar ku ahaa qoysas ay qaraabo yihiin oo deegaan ku ah magaalada.

“Annagu waxaan ahayn dad xoolo raacato ah oo u guuri jiray deegaannada Afar-irdood, Ganuribad, Teedaan iyo meelo agagaarkooda ah, xoolihii baa abaarihii tagay nooga le`day, xoolihii markii ay naga dhammaadeen meel aan aadno ayaan garan weynay magaaladaan iska soo aadnay waxaa na soo dhaweeyey dad aan ehello nahay oo aan ku dul nooleyn tan iyo waagaas oo aan wax la cuni jirnay, kadibna xeradan Daryeel ayaan ka war helnay oo aan iska soo galnay oo aan xoogaa boorash, wax yar oo cambuula ah iyo bariis qallalan aan ka helnay , yaa marka maalin kasta ku hayn kara?
xeyn Ari ah oo soddomeeyo ah ayaan lahaa, soddonkiina wax dhinta iyo waxaan qalanno ayay noqdeen.” Sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegtay Aamino-dhool oo iyada iyo qoyskeedu ay ka mid yihiin dadka dhowaan soo galay xerada Daryeel.

Xeryahan dadka cusub ay soo galayaan ayaa qaarkood carruurta subaxdii ay fayl u galaan xoogaa mushaariyo ah oo la diyaariyey, taas oo mararka qaar ay ku yaraato waxaana mushaaridan ugu deeqay dhallaankan iyo hooyooyinkoodaba hay`adda ICRC, sida ay ERGO u sheegeen qaar ka mid ah barakacayaashan “Si aad ah oo weyn ayay darbadda iyo dhaxantu noogu dhacaysaa habeen iyo maalinba, waxaan ka hugsannana maleh waxaa lagu jiraa xilligii xagaaga waa isku mid habeen iyo maalin caadku waa iska soo tuurayaa cirku jawigu waa hugaal, waa qaboow waan jirqal, annaggii iyo carruurteennii qaboow ayaa na dilay waana hug la`nahay.” Sidaa waxaa ku calaacalay hooyo dhibaato dhaxan iyo baahi ay ka muuqdaan iyada iyo carruurteedaba oo aad u jecleysaneysey inay dhibaatada hayso uga warranto qofkii xerada ay ku jirta soo galo ee loogu sheego samafale.

Soo gelitaanka ama qulqulka dadkan badani ay ku soo galayaan xeryahan dadka barakacay ayaa loo tiirinayaa ama ay ugu wacantahay qaybinta xoogaa cunno qallalan ah oo dadka tabaaleeysan ee xeryahan loo qaybshay bilihii ina dhaafay, taas oo dhalisay in dadkan cusub oo ahaa dad waqti hore xoola beelay oo ku dul furnaa qoysas ehello ay yihiin oo magaalada ku nool ay soo galaan xeryahan, halka kuwo kale oo miyiga aan fogeyn degganaa oo ku noolaa xooggooda ay ku soo jabaan xeryahani.
Cabdullaahi Salaad/FM/MH

Previous Post

180 Soomaali ah oo lagu xiray Angola

Next Post

Maamulka Afmadow oo gargaar u dalbay qoysas danyar ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Maamulka Afmadow oo gargaar u dalbay qoysas danyar ah

Maamulka Afmadow oo gargaar u dalbay qoysas danyar ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo