Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xeryihii barakacayaasha ee waddada muqdisho iyo afgooye oo laga qaxay

Radio Ergo by Radio Ergo
May 28, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xeryihii barakacayaasha ee waddada muqdisho iyo afgooye oo laga qaxay
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDegaanada loo barakacay ee u dhexeeya degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho ayaa u muuqda lix sana kaddib kuwa dadku ay badi banneynayaan,inta badan qoysaska halkaasi  ku noolaa oo  u badnaa dad markoodii hore ka soo barakacay colaadaha ka oogan Muqdisho ayaa ku laabanaya guryahoodii ku yaalay gudaha magaalada Muqdisho.

Wariye Yuusuf Kaynaan oo  ka tirsan idaacadda Ergo oo hawla shaqo ku tagay degaanada u dhexeeya degmada afgooye iyo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in badi degaandii uu tagay ay dadku isaga barakaceen kuwaasoo uu sheegay in ay ku laabteen Muqdisho, waxaana uu yiri:-

“Marki ugu horreysay waxaan tagnay aniga iyo koox wariyaal ah oo ka ambabaxday Muqdisho,halka loo yaqaano tabeelaha Sh.Ibraahim ,kaasoo wax u jira Muqdisho, waxaan kaga sii gudubnay  degaanka  Garasbaalleey halkaasoo   ay ku sugnaayeen qoysas badan oo kamid ahaa dadkii ka qaxay dagaaladii Muqdisho, waxaanay isu diyaarinayeen in ay ku laabtaan magaalada Muqdisho,degaanka Km13 ee loo yaqaano tareedishe ayaan misana tagnay,waxaan ku aragnay gurya iska ballaqan oo aan xirnayn dadkii ku noolaana ay ka maqan yihiin,waan ka sii gudubnay waxaan gaarnay deegaanka loo yaqaano Siinka dheer halkaasoo aan ku aragnay gurya ay dadku isaga tageen, oo haawanaya , wax yar kaddibna waxaan tagnay degaanka Ceelasha biyaha oo ah halka ugu camiran ee ay degganaayeen dadka barakacayaashu, waxaa ka muuqanaya dhismayaal cusub oo aad u qurxoon waxuu leeyahay degaanku suuq lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee badeecooyinka, dharka,qalabka dhismaha ,electronic iwm.

Xilligaa ma jirin wax ganacsi ah oo ka jiray degaanka haba yaraatee, waxaa degaanku uu ahaa mid inta badan ay dadku isaga barakaceen, waan ka sii gudubnay haddana waxaan gaarnay degaanka lagu magacaabo Calamada halkaasoo  lagu xusuusto maamulkii  Alshabaab, degaankaas waxaa joogay ciidamo kaliya waxay indhahaagu qabanayeen gawaarida dagaalka iyo ciidamo aad u tira badan, kaddibna waxaan gaarnay degaano ay ka mid yihiin Lafoole Xaawa cabdi,iyo Carbis, dad yar ayaa ku harsanaa dhammaan degaanadaasi kuwaasoo ay ii suura gashay inaan wax ka weydiiyo rajada ay ka qabaan nolosha degaanada ay ku sugan yihiin maaddaama ganacsi aanu ka jirin goobahaasi, waxay ii sheegeen in maalmaha soo aaddan ay dhawrayaan in dadku dib ugu soo laabtaan degaanadooda haddii ay soo laaban waayaana ay iyaguna ka tashanayaan meeshii ay aadi lahaayeen ayuu yiri Yuusuf Kaynaan.

Yuusuf Kaynaan ayaa intaasi kudaray in marki ay tageen degmada Afgooye halkaasoo  ay ku arkeen  dadweyne aad u fara badan waxaana uu sheegay in degmada badi dadkii degganaa ay joogaan marka laga reebo dad iyagu aaday dhinaca Marka,waxaa kaloo uu sheegay in dhulku uu ahaa mid cagaaran , wabigu waa biyaysnaa degmadu waxa ay u muuqatay mid barwaaqeysan.

Ugu dambayntii  Kaynaan ayaa sheegay  in dadka degaanku ay u muuqdeen kuwa aad uga taxaddaraya isbadalka kediska ah ee ka dhacay degmadooda , mana jecleyn ayuu yiri in ay ka hadlaan xaaladda  ay gashay degmada,waxaana ay u muuqdeen dadku kuwa aad u feejigan
Degmada Afgooye oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada Dkmg Soomaaliya iyo xoogagga AMISOM ayaa lagu soo warrmayaa in ammaankeeda aad loo adkeeyay iyadoona la sheegayo in ciidamada laga saarayo gudaha magaalada si  loo geeyo hareeraha  maaddaama dadku ay cabsi badan ka muujinayaan ciidamada dhex wareegay gudaha magaalada.

Kaynaan/AA/MH

Previous Post

Nafaqadarri laga soo sheegayo degmada luuq

Next Post

Muhaajiriin soomaaliyeed oo gaajo iyo cudurro ugu geeriyootay xadka kala qeybiya muzambique iyo malawi

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Muhaajiriin soomaaliyeed oo gaajo iyo cudurro ugu geeriyootay xadka kala qeybiya muzambique iyo malawi

Muhaajiriin soomaaliyeed oo gaajo iyo cudurro ugu geeriyootay xadka kala qeybiya muzambique iyo malawi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo