Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qasaarooyin ka dhashay jidgooyo loo dhigay kolonyo gaadiid oo uu la socday madaxweynaha dkmg soomaaliya.

Radio Ergo by Radio Ergo
May 30, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qeybta Saddexaad Ee Barnaamijkii Tiiraanyo Tahriib
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankInta la xaqiijiyay illaa saddex ruux oo mid kamid ah uu ahaa askarta ciidanka DKMG Soomaaliya ayaa ku geeriyootay tira kalana waxaa soo gaaray dhaawacya kala duwan,kaddib markii kooxo hubaysani ay wadada xiririsa Muqdisho iyo Afgooye ay u galeen kolonyo gaadiid ah  oo uu la socday madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmad.
Is rasaaseyntaan  dhex martay ilaalada  madaxweynaha iyo kooxaha weerarka soo qaaday ayaa lagu soo warramayaa in ay ka dhacday degaanka loo yaqaano calamada oo kamid ah degaanadii dhawaan lagala wareegay ururka Alshabaab.

Wariyaheena Yuusuf Kaynaan oo isagu la socday kolonyadaasi ayaa sheegay in kolonyadaasi  uu la socday madaxweynaha DKMGS  ay qayb ka ahaayeen qaar kamid ah golaha  wasiirada DKMG Soomaaliya iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu sheegay in madax weynuhu uu si lama filaan ah ugu dagay degaanka Ceelasha biyaha, kadibna uu halkaasi kula hadlay qaar kamid ah ganacsato halkaasi ganacsi ku haysatay isagoona kula dardaarmay in ay gacan ka geystaan ammaanka, sidoo kale degaanada uu booqday madaxweynaha waxaa ka mid ah degaanka Calamada halkaasoo hadda ay saldhig aad u weyn ka sameysteen ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMGS, intaa kaddib madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u gudbay degmada Afgooye halkaasoo ka mid ah goobaha dhawaan ay la wareegeen ciidamada DKMGS.

“Marki aan maraynay degaanka Calamada ayaa  mar kaliya waxaa na qabsaday rasaas xooggan  oo ka soo dhacaysay hareeraha waddada  dabadeedna ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa rasaas ku jawaabay,waxaan indhahayga ku arkay askar ka tirsan dawladda oo dhaawacantay ,waxaa dhintay sidoo kale hal askari ,dhanka  kale waxaa jiray barakacayaal hareeraha waddada taagnaa kuwaasoo laba ruux ay ka dhimatay dhawr kalana ay dhaawacmeen” ayuu yiri Yuusuf Kaynaan oo intaasi ku daray in indhihiisa uu ku soo arkay dhallinyara fara badan oo ka buuxda jeelka degmada Afgooye kuwaasoo ay soo xireen ciidamadu,waxaan arkaya ayuu yiri sidoo kale waalidiin badan oo aad uga murugeysan xaaladda caruurtooda la xirxiray iyagoona ii sheegay ayuu yiri in aysan dambi lahayn oo qarkood la soo qabtay iyagoo iskuul u socda qaarna balooni iska cayaaraya. Intaa kadib  saraakiisha ciidamada ayaa ii sheegay ayuu yiri in la baarayo cidii aan dambi lahayna la siin dayn doono.

Si kastaba ha ahaatee is badalkaan ka dhacay degmada afgooye iyo goobaha ay degganaayeen barakacayaasha ee u dhexeeya Muqdisho iyo afgooye ayaa wali shacabka ku nooli waxay miijinayaan dareen iyo feejignaan.

Kaynaan/AA/MH

Previous Post

MUXUU QABTAY CUSBITALKA MADIINA?

Next Post

Dood looga hadlayey dhibatada dhinaca dhulka ka haysata barakacayaasha oo lagu qabtay boosaaso

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Dood looga hadlayey dhibatada dhinaca dhulka ka haysata barakacayaasha oo lagu qabtay boosaaso

Dood looga hadlayey dhibatada dhinaca dhulka ka haysata barakacayaasha oo lagu qabtay boosaaso

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo