Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dood looga hadlayey dhibatada dhinaca dhulka ka haysata barakacayaasha oo lagu qabtay boosaaso

Radio Ergo by Radio Ergo
May 30, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dood looga hadlayey dhibatada dhinaca dhulka ka haysata barakacayaasha oo lagu qabtay boosaaso

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank

Kulan ku saabsanaa dhibaatooyinka dhanka dhulalka ay deggan yihiin qoysaska barakacayaasha ee magaalada Boosaaso kaasoo ay ka qeyb galeen guddiyada kaamamka barakacayaasha , culumaa udiin,waxgarad, mas’uuliyiin ka socotay Puntland iyo hay,adda NRC ayaa lagu qabtay magaala Boosaaso.

Kulankaasi  ayaa si weyn looga hadlay dhibaatooyinka ay qoysaska barakacayaashu ku qabaan dhinaca dhulalka iyadoona ka qeyb galayaashu ay soo jeediyeen in qoysaska barakacayaasha la xurmeeyo isla markaana laga shaqeeyo sidii loogu samayn lahaa dhul ay degaan.

“ Waxay billaabeen dadku markay degaanadaan yimaadeen in ay degaan dhulal ay dad shacab ah ay lahaayeen , hadda barakacayaasha ku sugan Boosaaso waxaa lagu qiyaasaa illaa shan iyo konton kun sidaana sida ay warbixin ku soo saartay hay,adda OCCHA January 2012” sidaana waxaa kulanka ka sheegay Cusmaan Suleymaan Xaaji Yuusuf oo ah sarkaal  ka tirsan hay,adda NRC,

“Dadka iska leh dhulalka waxaan u sheegayaa in ay sameynayaan qaladaad badan maxaa yeelay goobaha ay deggan yihiin dadkaani waxaa la galiyay dakhli badan kaasoo ay sameeyeen hay,ado  waxaa loo dhisay musqulo waxaa loo dhisay guryo marka sidaa darted macquul maahan in waxaas oo dhan inta la baa bi,iyo in la yiraahdo banneeya dhulka ayuu yiri Cusmaan Sulaymaan oo intaasi ku daray in dadka dhulalka iska leh ay xushmeeyaan dadka masaakiinta ah.dhulkooda waan ognahay iyagaa iska leh laakiin caqli maahan in inta dadka loo yimaado in la yiraahdo hadda ka baxa oo banneeya dhulka.

Kulankaan ku saabsanaa  dhibaatada dhinaca dhulalka ah ee haysata barakacayaasha Boosaaso ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay  Sh.CabdirisaaqXuseen Ciise   isagoona yiri  “Dawladda waxaa looga baahanyhay in ay dadkaan meel dejiso oo ay dhul u gaddo,waxaa ceeb ah dad islaam ah oo aad dhul siisay haddana inaad tiraahdo yaan musqulo laga dhisin waxaas war maahaan”   ayuu yiri Shiikha  oo la hadlayay milkiilayaasha dhulaalka.

“Dhulki qofki lahaa wuu u baahday wuxuu ku leeyahay iga guur deg deg ah taasina waxay nagu tahay dhib, haddii waqti naloo qaban lahaa ayaa nooga fiicnaan lahayd” sidaana waxaa tiri haweeney ka mid ahaa qoysaska barakacayaasha ee ka qeyb galay kulankaasi taasoo sheegtay in ay tahay markii saddexaad ee laga saaro guryahooda.

“Marki ugu horreysay kiro ayaa nalaga qaadi jiray 10,000 ayaa nalagu billaabay waa lagu daray illaa la gaarsiiyo 50,000 marka ma naqaano sida xaaladdenu noqon doonto” sidaana waxaa yiri mid ka mid ah barakacayaasha ka qeyb galay shirka.

“Anaga  waxaan degganahay meel la dhahaayo Tawakal  waxaa naloo dhisay musqulo marka ma naqaano meel aan aadno hadda illaa 250 qoys ayaan nahay meel aan afka saarnana ma naqaano” sidaana waxaa tiri  Ka roon Sh. Xuseen  oo iyadu  ka mid ahayd xubnihii ka socday barakacayaasha ee ka qayb galay kulanka.
Wax garad ka socday degmada Boosaaso ayaa sheegay in barakacayaashu ay ka mid yihiin dadka sidaas darteedna loo baahan yahay in la soo dhaweeyo.

Ugu  dambayntii Maxamuud Maxamad Ugaas oo isagu ah isu duwaha  gobolka iyo dawladda hoose ee Boosaaso isla mar ahaantaana wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland u qaabilsan arrimaha barakacayaasha gobolka Bari ayaa farriin u diray  dadka guryaha iska leh isagoona ku yiri “lama barakicin karo barakacayaasha cidii doonaysa in looga guuro dhulkooda waa in ay soo wargaliyaan dadka sannad ama ugu yaraan lix bilood ka hor ”.

Ma ahan markii ugu horreysay ee qoysas barakacayaal ah oo ku nool magaalada Boosaaso laga saaro dhulkii ay degganaayeen  ee   marar sii horeeysay ayaa sidanoo kale qoysas barakacayaal ah oo ku noolaa kaamam ku yaala  Boosaaso  laga saaray dhulalkii ay degganaayeen.

Axmad Soomaali/AA

Previous Post

Qasaarooyin ka dhashay jidgooyo loo dhigay kolonyo gaadiid oo uu la socday madaxweynaha dkmg soomaaliya.

Next Post

Collaadaha ka taagan qeyba ka mid ah jubbada hoose

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
Qeybta Saddexaad Ee Barnaamijkii Tiiraanyo Tahriib

Collaadaha ka taagan qeyba ka mid ah jubbada hoose

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-JUN-2026

IDAACADDA 26-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUN-2026
June 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo