Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bandowga beledweyne oo ay dhibaato ku qabaan xoolo dhaqatadu

Radio Ergo by Radio Ergo
May 29, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Bandowga beledweyne oo ay dhibaato ku qabaan xoolo dhaqatadu
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMagaalada Beledweyne oo muddo hadda ku jirtay gacanta ciidamo is garabsanaya, ayaa dadka xoolo dhaqatada ahi sheegyaan inay dhibaato ku qabaan, ka dukaamaysigoodii ay maalintii u soo aadi jireen, magalada waxaa la saaray Bandow adag laga soo bilaabo bishii Febraayo ee sanadkaan, bandowgaas oo siday dadka reer magaladu sheegayaan ilaa hadda ay ku dhinteen  dad gaaraya 40 qof.

Xilliga bandowga oo u dhexeeya 6:00 subaxnimo ilaa 11:00 barqanimo ayaa ah wakhtiga hawlaha dadku caadiyan ay qabsadaan, dadka  ugu daran ee uu saameyey ayaa ah xoolo dhaqatada oo iyagu aan helin war sugan oo ku saabsan goorta iyo siduu yahay bandowgu, kuwaasoo badhtanka u gala goob markaas aan la ogolayn in la soo maro, waxayna taasi sababtaa in la dillo.

Dadkaan oo goobo fog fog ka yimaada si ay uga soo dukaamaystaan ayaa xilliga bandowga la qaado laga helaa bandowgaa, mid ka mid ah ehelada qof ku dhintay bandowgaas arbacadii ina soo dhaaftay ayaa Radio Ergo u sheegay “markii bandowga la qaaday ayaan maydka ninkaan oo ka yimid deegaan u dhow Buuloburde, ka helnay xaafada Xaawo Tako, muusan ahayn nin dagaal ku jira, war qabkiisa meesha waxa ka jirana ma badnayn annigu xitaa kama war hayn inuu Beledweyne soo aadayo”.

Sheekooyin la yaab badan ayey kuu sheegayaan dadka reer Beledweyne oo bandowgaasi keenay, mid ka mid ah macalimiinta ka hawl gasha iskuul ka mid ah kuwa degmada ayaa Ergo u sheegay sidaan “annigoo subax hore is iri intaan bandowgu bilaaban gaar goobtii waxbarashad ayaa qarax meel ii dhow ka dhacay, hadii wax dhacaanna qof kasta guriga ugu dhow ayuu gabaad nafta ula cararayaa, waxaan galay goob garaaj ah oo baabuurta lagu farsameeyo, farsamayaqaanadii aan u tegeyna waxay ii  dhiibeen dube, dharkiina waxaa la ii mariyey oolyo iyo garaaso si aan la iiga garan, waana ku khasbanaaday inaan talooyinkaas raaco, waayo badbaada naftayda ku jirta”

Sidoo kale ardayda ayuu saameyey bandowgaani iyadoo saacaduhuu jiro ay tahay xiliyaday aadi jireen goobahoodii waxbarasho, waxaana jira arday in badan ku dhex godooma bandowga iyo falal amni darro oo dhacay.

Dhinaca maamulka degmada Beledweyne oo Ergo isku dayday inay la xiriirta ayaan suurto gelin, iyadoo  odayaasha gobolkuna ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrimahaan oo walaacoodu ay ku sii kordhayaan nolosha caadiga ah ee dadka.
A Salaad/MH

Previous Post

Muhaajiriin soomaaliyeed oo gaajo iyo cudurro ugu geeriyootay xadka kala qeybiya muzambique iyo malawi

Next Post

MUXUU QABTAY CUSBITALKA MADIINA?

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
MUXUU QABTAY CUSBITALKA MADIINA?

MUXUU QABTAY CUSBITALKA MADIINA?

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo