Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Alshabaab oo u digay qandaraas la’yaal, ganacsato iyo hay’addo

Radio Ergo by Radio Ergo
May 22, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Alshabaab oo u digay qandaraas la’yaal, ganacsato iyo hay’addo

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska u qaabilsan  la socodka  hay’adaha ajnabiga ah  ee OSAFA, ayaa waxaa Alshabaab ay  digniin ugu dirtay qandaraas laáyaasha iyo ganacsatada raashin u daabula hayáddaha caamaliga ah ee ay horay u mamnuucday Alshabaab.

Xafiiska Alshabaab u qaabilsan  la socodka  hay’adaha ajnabiga ah  ee OSAFA ayaa waxa uu u sababeeyay digniintaas in ay soo gaareen cabashooyin ka imaanaya ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool qaar kamid ah gobollada dalka, kuna aadan sicir jabin ay hay’adda WFP ku hayso ganacsiga Soomaalida.

OSAFA ayaa sheegtay in baaritaan ay samaysay in ay ku ogaadeen arrimahaas, iyagoona warsaxaafadeedkaaasi qodobo ku qornaa u dhigan sidan.

1- In Hay’adda WFP ay  waji cusub ku billowday dhibaataynteedii shacabkaMuslimka muslimiinta ah ee  ku nool  Soomaaliya.

2- In markii laga kabsaday sicir jabintii ayWFP  ku heyn jirtay beeralayda dalka ay shirqoolkeedii u weecisay ganacsatada Soomaaliyeed ee raashinka keensata.

3-In shaqsiyaad ka mid ah ganacsatada Soomaalida ay WFP ku gacansiinayaansad-bursiga iyo sicir jabinta ka dhanka ah ganacsatada kale  ee gobollada dalka, Sidaas darteed maadaama Islaamku uu farayo ilaalinta hantida Muslimiinta waxaa uu Xafiiska OSAFA soo saaray go’aanadan soo socda oo dhaqan galaya laga bilaabo taariikhda la faafiyobayaankan.

Go’aanka OSAFA.

Waxaa gabi ahaanba mamnuuc ah   qandaraas ka qaadashada hay’adihii hore looga mamnuucay dalka oo ay WFP ka mid tahay.

Waxaa ganacsatada ka mamnuuc ah inay raashinka kasoo iibsadaan WFP si ay sicir-jebin iyo sad-bursi ugu sameeyaan   ganacsatada kale ama beeralayda dalka.

Qof walba oo lagu helo isagoo gacmaha kula jira mashaariic lagu qal-qal gelinayo badqabka dhaqaale ee  bulshada Soomaaliyeed waxaa laga qaadi doonaa tillaabo waafaqsan Sharciga Islaamka.

Haddaba qodobo kale oo ku jiray warsaxaafadeedka Alshabaab ayaa uu sidoo kale u digay wax ay ugu yeereen hay’addo  ajaaniib ah oo ay sheegeen in ay dalka ka hirgelinayaan  mashaariicda kala duwan oo ay tilmaameen in ay  cadawtooyo  dhaqaale ku dheehantahay, Alshabaab ayaa waxa ay sheegtay in kuwaas ay la kulmi doonaan cawaaqib xumada ka dhalata hagardaamada ay u maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Al-shabaab ayaa sanadkii hore ka mamnuucay deegaanada ay ka taliyaan hay’addo gargaar oo ay tiradooda kor u dhaafaysay ilaa 20, waxaa kamid ahayd hay’adaha WFP, Care, World Vision, Diakonia, UNDP,UNPOS, ADRA, UNHCR, WHO, UNICEF, UNFPA, UNOPS, FSNAU, NRC, DRC, Concern,NCA, COOPI,SAWA,GTZ,ACF, Solidarity iyo kuwa kale.

Yusuf Keynaan/AA/MG

Previous Post

Ganacsatada Soomaalida Mozambique oo ka cabanaysa qiima kororka canshuuraha

Next Post

Biyo la’aan ka taagan degmada garbahaarey

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Biyo la’aan ka taagan degmada garbahaarey

Biyo la'aan ka taagan degmada garbahaarey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo