Iyadoo muddooyinkii dambe uu soo kordhayay cabsida iyo welwelka Soomaalida ku nool Koofur Afrika ay ka qabeen warar sheegayay in la xiri doono xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha u qaabilsan sharci siinta qaxootiga ee ku yaalla magaalada Cape town ee dalkaasi ayaa haddana waxaa kulan la xirriira arrintaasi uu ka dhacay xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha u qaabilsan qaxootiga ee Cape town, kulankaasi oo lagu casuumay madax ka socotay hay`adda xirriirka Soomaalida ee waddanka Koofur Afrika.
Haddaba kulankaasi oo ahaa mid muhiim u ah dadka soo galootiga ah ee ku nool waddankaasi Koofur Afrika Soomaaliduna ka mid tahay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo quseeya dadka magangalyada ku jooga waddankaasi, iyadoo diiradda lagu saaray hadal haynta ugu badan ee muddooyinkii ugu dambeeyay ay isla dhexmarayeen Soomaalida ku nool dalkaasi, taasoo ahayd in albaabada la isugu dhufan doono xafiiska u qaabilsan wasaaradda arrimaha gudaha Koofur Afrika arrimaha qaxootiyada iyo sharci siinta arrintaasoo wal wal iyo walaac xooggan ku beertay dadka Soomaalida ah ee dhawaaan tagay waddankaasi.
Xadiis Xaaji Aadan wuxuu ka tirsan yahay hay`adda xiriirka Soomaalida Koofur Afrika wuxuuna idaacadda Ergo u sheegay in kulankaasi lagu casuumay hay`addooda isla mar ahaantaana sidoo kale lagu casuumay hay`adaha xuquuqda aadamaha, hay`adda qaxootiga adduunka ee UNHCR iyo hay`ado kale oo caawiya qaxootiga, waxana uu sheegay inaysan waxba ka jirin hadallada ku saabsan in la xiri doono xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha waddankaasi u qaabilsan arrimaha qaxootiga iyo sharcisiinta, kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay isla dhex marayeen dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Koofur Afrika.
“Waa been aan sal iyo raad lahayn, kulanka waxaa lagu caddeeyay in aan la xirayn xafiiska oo qabta shaqooyin aad u muhiim ah, balse waxaa jira in xafiiska uu ka guuri doono halka uu haatan ku yaallo taasoo uu ku micneeyay in dadka ku nool deegaanka ay ka cawdeen xafiiska oo muddooyinkii dambe ay saxmaddiisu badatay, isla mar ahaantaan dad badan ay hoy ka dhigteen” ayuu yiri Xaddiis Xaaji, oo intaasi ku daray in xafiiska loo rari doono meelo kale isla mar ahaantaan uu sii wadan doono hawlihii uu u hayay qaxootiga Soomaalidu ay ka midka tahay.
Xadiis wuxuu intaas raaciyay in mas`uuliyiintii ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka Koofur Afrika ay ku wargaliyeen inay la soo xiriiri doonaan madaxda jaaliyadda Soomaalida ee ku nool waddankaasi, isagoo intaasi ku daray inay mar kale ku celiyeen inay ka soo horjeedaan hadalkii ka soo baxay dowladda Koofur Afrika kaasoo ahaa in qaxootiyada laga raro goobaha ku dhaw magaalooyinka isla mar ahaantaana la geeyo xududaha.
Xadiis ayaa dhanka kale mar uu ka hadlayay qaabka ay sharciga ku helaan Soomaalida wuxuu yiri: “marka hore oo ay soo galaan waddankan waxaa la siiyaa warqad soconaysa illaa lix bilood taasoo ah magangalyo siin, ka dibna waxaa dhici karta in laba xilli loo sii cusbooneysiiyo, laakiin waxaan arkay maaalin hore nin oday ah oo Soomaaliyeed kaasoo illaa afar sanadood haysta warqaddaas waana caddaalad darro, waxaana keenaya musuq maasuq ka jira waddankaan.”
Si kastaba ha ahaatee waddanka Koofur Afrika oo ka mid ah dalalka ugu horumarsan qaaradda Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali badan oo halkaasi ka xoogsada, kuwaasoo muddooyinkii dambe halkaasi loogu geysanayay dhibaatooyin isugu jira dhac, dil, boob iyo handadaad.
Cabdulqaadir Axad/AA/MG/FM