Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

ABAARAHA KA JIRA GOBOLKA BARI OO KA SII DARAYA IYO CARRUUR U DHIMATAY NAFAQO DARO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
April 5, 2012
in Masiibooyinka
0
ABAARAHA KA JIRA GOBOLKA BARI OO KA SII DARAYA IYO CARRUUR U DHIMATAY NAFAQO DARO

Photo | Sawir/keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQeyladhaan daran oo dhanka abaaraha ah ayaa kasoo yeereysa dadka kunool deegaanada hoostaga Degmooyiinka Caluula iyo Baargaal ee gobolka Bari, kadib markii mudo 4sano ah aan wax Roobab ah kada`in deegaanadaasi, xoolihiina ay ladeen.

Cuduro ka dhashey abaarta ayaa saameyn ku kureebey nolasha dadka nugul sida carruurta, dumarka iyo waayeelka,  4 caruur ah ayaa todobaadkani oo keliya ku geeriyootey deegaanada Taageer Unuun iyo Hoodaa ee gobolka Bari ,carruurtan qaarkood ayaa udhintey nafaqo dari halka qaarka kalena ay cabeeen biyo wasaqeysan, laba dumar ah ayaa sidookale ku`umul raacey deegaanada Muudiye iyo Waadi Kheyr kadib markii ay waayeen gargaar caafimaad.

Dad badan ayaa kasoo hayaamay deegaanada miyiga iyo tuulooyiinka gobolka kadib markii ay dhaafeen duunyadii ay dhaqanayeen iyadoona ay isugu darsantay abaarta iyo macaluuli, mana helin wax gargaar ah.

Qaar kamid ah wargaradka deegaanada hoostaga degmooyiinka Caluula iyo Bargaal  oo la hadley Radio Ergo ayaa qeylodhaan cod dheer ah udirey Maamulka Puntland, hayadaha samafalka,  ganacsatada iyo qurbo joogta si gargaar bini`aadantinimo loo gaarsiiyo dadka la ildaran biyo la`aanta iyo cuna yarida ka dhalatey abaarta ee kunool deegaanada buuraleyda gobolka Bari.

Cismaan Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa guddi is xilqaamay oo ka tegey Boosaaso, xaqiiqo raadin ah oo tagey deegaanada hoostaga Bargaal si loo soo ogaado xaalada halkaasi kajirta, markii cabasho weyn nooga timid dadka deegaankaasi ayaa Radio Ergo u sheegay, “waxaanu soo aragney xaalado daran oo bini`aadantinimo ah oo dadka iyo deegaankaba saameysay, taasoo ka dhalatey abaarta“

Nabaddoon Maxamed Cali Guul (Lafa Goroyo) oo mid ah odayaasha deegaanada abaartu ku dhufatay ee dhulka fog ee gobolka bari ka tirsan ayaa isaguna sheegay “deegaanada aanu ka nimid waxaa ka jirta xaalad halis ah oo dhanka noolasha ah, mudo afar sano ah wax roobab ah kama di`in, xoolihii abaar baa ku kacdey oo waa dhamaad, dadkiina way isaga soo carareen deegaanada miyiga, oo waxaa xaruumo barakac ah ay kasameysteen degmooyiinka, waxaa kaloo kamid ah dhibaatada biyo la’aan kadib markii ay gureen illihii biyaha ay kasoo burqan jireen, berkeduhuna ay qalaleen, tanoo ay sababtay  roob la`aan mudo sanado ah, ceelkii boqol qoys ay biyaha ka dhaansan jireen hada 10 qoys biyo kama helaan“

Warbixin kasoo baxdey faxiiska gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey Radio Ergo ayaa lagu sheegay in hadii gargaar degdeg ah aan lala gaarin dadka ay ku dhufatey abaarta iyi biyo la`aanta ee kunool buuraleyda gobolka, in ay wajihayso xaalado qatar ah oo bini`aadantino, iyadoona looga codsadey bayaankan heyadaha samafalka in gurmad ay lagaaraan dadka ku ceertoobey abaarta  keentay barakaca ka jira gobolka Bari.

Siduu warbixin ku soo saaray xafiiska iskudubaridka arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya OCHA tirada dadka baahidu ku hayso Soomaaliya ayaa sii kordhi karta haddii xili roobaadka gu’ga ee la sugayaa ay baaqdaan,

Dadka kunool deegaanada ka durugsan laamiga ee buuraleyda gobolka Bari ayaan helin xuquuqda Caafimaad Waxbarasho biyo nadiif ah iyo gargaarka bini`aadantinimo, iyadoona ay sababtu tahay dhulka oo ah buuraley aan laheyn wadooyiin wanaagsan oo ay adeegsan karaan gaadiidka dhulka marka laga reebo bada, maamulka Puntland iyo heyadaha samafalka ayaa inta badanaa lagu dhalilaa in aysan howlahooda gargaar gaarsiin dadka kunool dhulka ka durugsan laamiga.

Axmed Somali/MH

Previous Post

NOLOL XUMO KU TIMID KALLUUMEEYSATADA WEBI SHABEELLE EE GOBOLKA HIIRAAN

Next Post

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA TODOBAADKA

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
WARARKII QIIMAHA XOOLAHA TODOBAADKA

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA TODOBAADKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-APR-2026

IDAACADDA 27-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo