01 December, 2011 NAIROBI
Wararkii saadaasha roobabka ee todobaadkii tegey ka da’ay goobo door ah oo wadanka ah waxay ahaayeen kuwo yar, laakiin dhinaca dooxadda Jubba waxaa ka da’ayey roobab dhex dhexaad ah.
Heerka webiga Shabelle ayaa ah mid hoos u degaya todobaadkii tegey, halka heerka biyaha webiga Juba ay kor u sii kacayeen taasoo ay ugu wacan tahay roobab mahiigaan ah oo ka da’ayey dhulka sare ee Itoobiya iyo dhulka ku xeeran ee Soomaaliya.
Saadaasha roobabka la filayo inay da’aan todobaadka soo socda ee ah inta u dhaxaysa 1da ilaa 7da Diisembar ayaa tilmaamaysa inay sii kordhi doonaan gaar ahaan dhulka ku teesan webiga Jubba, waxaanna la filayaa in heerka biyaha webiga Jubba kor u sii kacaan, qararka webiga Jubba oo aan adkayn ayaana hadda keenaysa cabsi inuu fatahaad sababi karta daadad uu keeno webigu.
Wadanka intiisa kale saadaasha roobabka laga filayo ayaa ah kuwo aad yar, mana jirto wax khatar fatahaad oo laga filayo dhinaca webiga Shabelle.
Saadaashaan waxaa idin soo gudbiyey hay’adda cuntada iyo beeraha Qaramadda midoobay.
FAO/SWALIM
Nairobi