Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dadka ku jira xeryaha lagu barakacay ee Baydhabo oo dhibaato nololeed la soo deristay

admin by admin
December 2, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dadka ku jira xeryaha lagu barakacay ee Baydhabo oo dhibaato nololeed la soo deristay
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDuruufo la xiriira nolosha ayaa soo wajahay qaarkamid ah qoysas dhibaateysan oo ku jira kaamam ku yaala magaalada Baydhabo, kuwaasi oo cabasho ka muujiyay saameynta ay ku yeeshaan roobab mahiigaan ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka da’ ayey deegano ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Qoysas barakacayaal ah oo ay ku jiraan kuwo aan dib ugu laaban degaanadooda markii ay curteen roobabka ayaa kamid ah dadka haatan walaaca ka muujinaya duruufaha ka jira guryaha ka samaysan buushashka ay ku noolyihiin.

Inkabadan 150 qoys oo ku jira kaamka Imaamu Shaafici ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheeganaya inay qabaan cunno la’aan, hoyla’aan iyo baahi ay u qabaan in ay helaan gargaar bini aadannimo oo dabooli kara dhibaatooyinka ay dareemayaan.

Dadka ku nool gudaha kaamka ma haystaan bacaha roobka laga dugsado, kuwaasi oo ugu yaraan ka difaacaya dhibcaha roobabka iyo dhaxanta habeenkii, waxaana ay ku warameen in kaamka uu ku faafayo cudurka jadeecada.

Qaar ka mid ah dadka ku jira xeradaas oo ka gaabsaday inay magacooda xusaan ayaa Idaacada Ergo u sheegay “Sedex carruur ah oo kunool kaamka ayaa haatan la xanuunsanaya cudurka jadeecada mana jiraan adeegyo caafimaad iyo ka hortag ay sameynayaan xubnaha kashaqeeya caafimaadka”.

Sida ay sheegeen qaarkamid ah barakacayaasha majiraan adeegyo caafimaad iyo gargaar ay heleen tan iyo markii ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyinka nolosha la xiriira.
Barakacayaasha ayaa ku baaqey in gar gaar bin aadanimo lala soo gaaro iyadoo ay gaabis yihiin hawlaha gar gaar ee kasoconaya gobolka islamarkaasina uu jiro go’aan dhowaan Xarakada al-shabab ay ku mamnuucday hawlaha hay’ado iyo ururo ka shaqeynayey taakuleynta dadka abaaruhu ay asiibeen.

Sikastaba marka laga soo tago cabashada ka soo yeeraysa barakacayaasha kunool qaar kamid ah kaamamka magaalada waxaa jira isbedelo dhinaca nolosha ah oo laga dareemayo qoysaskii dib loogu celiyay deegaanadooda kuwaasi oo haatan kuhawlan tacbashada beerahooda. Iyadoona dhinaca kale gebi ahaanba hawlihii hay’addaha gargaarka ee qaybaha ay maamulaan ururka Alshabaab ay ka eryeen goboladay ka shaqaynayeen.

Cabdicasiis Koranto/MH

Previous Post

Saadaasha Roobabka

Next Post

DABKII QABSADAY SUUQA BOOSAASO OO KHASAARO KALA DUWAN GEYSTAY

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
GANACSATADA DABKII BOOSAASO KU HANTI BEELAY OO DHIBAATO AY LA SOO DARISTAY

DABKII QABSADAY SUUQA BOOSAASO OO KHASAARO KALA DUWAN GEYSTAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-SEP-2026

IDAACADDA 20-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo