Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Ceelal biyoodyo ku yaal Mandheera oo ay daadadku aaseen

Radio Ergo by Radio Ergo
December 15, 2011
in Masiibooyinka
0
Ceelal biyoodyo ku yaal Mandheera oo ay daadadku aaseen

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
15 December, 2011   MANDERA

blank

Bulshada magaalada Mandheera ee gobolka Woqooyi bari Kenya, ayaa waxaa soo wajahay khatar dhanka biyaha la cabo ah, kadib markii fatahaado uu dhowaan sameeyay wabiga Daawo ay ku aasmeen in ka badan 10 ceel oo ahaa kuwii loogu isticmaalka badnaa magaaladaas, kuwaasoo ay qaarkood illaa iyo hadda dhex ceegaagaan dhiiqadii iyo biyihii guduudnaa ee uu wabigu ku soo rogay maalmo ka hor.

Ceelasha duugmay oo qaarkood hadda la qorsheynayo sidii loo hagaajin lahaa ayay maamullada ceelasha raadiyo Ergo u sheegeen iney qaadan karto muddo fog in dib loo howl geliyo markale, maxaa yeelay waxaa burburay oo isku dhex dumay aasaaskii iyo dhismihii ceelasha oo waxay noqoneysaa shaqa ka gelistoodu mid hadda iyo billow ah, taas ayaana ah mid ku sii hayn doonta dadka reer Mandheera halis dhanka biyaha ah, haddii aanu meel hadda daahsoon il uga soo burqan bulshada halkaas.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo ah maamulaha mid ka mid ah ceelasha ku kharribmay fatahaadda wabiga ayaa Ergo u sheegay iney hadda degmada Mandheera haysato biyo la`aan baahsan oo laga dareemay guud ahaan magaalada, taasoo iney sii waarto ku keeni karta buu yiri bulshada halkaas dhibaato aad u daran.

“Ceelashii biyaha fiican laga dhaansanayay hal ceel ayaa hadda inoo fiican, intii kale waa duugmeen, oo afar ceel ayaa hadda sidaan ku duugan oo dhinacaan aan anigu hadda joogo ku yaallay marka fatahaaduhu meel ay reebeen malahan oo wixii ceel iyo beer ahaa ee aniga iga hooseeyay waa ka-kac, waxaana marka leysku dar-daro ceelasha baaba`day ay gaarayaan illaa iyo labo iyo toban.” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh.

Dadka dhibaatada ugu darran kala kulma marka ay xaaladaha caynkaan oo kale ah dhacaan waa kuwa dadka guryahooda iyo goobahooda ganacsiga ugu geeya biyaha gaari-dameerrada, waxaana qaarkood oo la hadlay raadiyo Ergo ay ku cataabeen in xitaa haddii ay ku samri lahaayeen xaaladda soo wajahday ay la dhibaatoonayaan biyaha iyo dhiiqada dhex tuban waddooyinka ay mari lahaayeen, kuwaasoo ku keenta dameerrada iney jiidi waayaan kareetada.

Aadan Macallin Cabdullaahi, oo ka mid ah gaari-dameerraleyda kasoo dhaamisa biyaha ceelasha magaalada qaar si ay uga ganacsadaan, ayaa sheegay inay dhibaatadan ka kaalmo weydiisanayaan.

“Ceelasha biyo ayaa soo galay, meel la maro malahan oo waddo ma jirto, habeenkii 12-ka ayaa la soo kacayaa, illaa 12-ka maalintii ayaa la shaqeynayaa marka dameerihii waa rafaadeen oo waddo la maro majirto, marka dameerraleydu waxay u baahan yihiin in gargaar la siiyo oo waddada loo furo oo dhankaas laga taageero ayay ubaahan yihiin.” ayuu yiri Aadan.

Ceelasha ku soo haray magaalada ayaa qudhooda waxaa la soo darsay oo soo fuulay culeys ay markii hore ka hayeen ceelasha aasmay, kaasoo ay muuqaneyso inay xaddidnaan doonto xilliga ay sii xamili karaan, maxaa yeelay waxay haystaan oo ay ku shaqeeyaan min hal matoor oo kaliya, maantoo idilna ma shidnaan karaan, haddana haddii la damiyo si ay xoogaa uyara qaboobaan waxaa laga dareemayaa magaalada oo dhan oo madaxa isla galeysa biyo la`aan darteed.

Sida ay arrimaahaas u saameeyeen ayaan wiidiinnay Cabdi Cabdullaahi oo maamula mid ka mid ah ceelasha fara ku tiriska ah ee hadda ka howlgala magaaladaas, waxaana uu caddeeyay iney xaaladdu qatar tahay oo aaney sahlaneen.

“Arrintan culeys weyn ayay nagu keentay taasoo ah in matoorka xitaa uu dhib weyn kasoo gaari karo maaddaama ceelashu ay noqdeen kan mid kale, maxaa yeelay matoorku haddii 24-saac uu shaqeeyo waa uu kululaanayaa, inuu is damiyo ayaana laga yaabaa, arrintaasna khatar bey keeni kartaa.” ayuu yiri Cabdi Cabdullaahi oo ah maamulaha ceelka lagu magcaabo Ceel-Garas ee magaalada Mandheera.

Mas`uuliyiinta ceelasha guud ahaan ayaa sheegay inaysan sahashan xaaladdan oo waxay tilmaameen iney gaarsiiyeen cabashadooda guddoomiyaha degmada, halka wasaaradda biyahana ay soo indho indheysay heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada meesha taalla, sida uu markale sheegayo Cabdullaahi Sheekh Xassan.

“Xitaa guddoomiyaha degmada warkan waan gaarsiinnay, xafiiska taliyaha xaafadda waan gaarsiinnay, iyagana waxay inoo sheegeen inay wax ka qabanayaan, haddii aysan iyaga waxba qaban meeshaan dhibaato weyn ayaa taalla, wasaaradda biyaha arrinta waa masuuliyaddeeda, maantoo dhan ayaan wada joognay, xaaladdana khatar caafimaad ayay xitaa keeni kartaa, marka waxaa loo baahan yahay matoorro, qalab iyo in ceelashiioo la dhiso illeyn waa hadda iyo howl kow ehee.” ayuu Cabdulaahi hadalkiisii ku sii daray.

Mandheera aalaaba wey ka dhcdaa iney ceelashu ku burburaan fatahaadda uu sameeyo wabiga Daawo oo ka mara magaaladaas dhanka waqooyi, waxaana arrintaas inta badan sabab u ah ceelasha oo badi ku yaalla dhanka wabiga xiga, waliba goobo si aad ah ugu dhow halka uu maro, taasoo ay dadka magaaladaasna u arkaan inaan laga fursan karin, waxaase wax waliba uga sii daraya inaysan ceelashu lahayn difaac wanaagsan oo ka celin kara daadadka wabiga iyo roobabka intaba, taasoo haddii aan helin ay muuqaneyso iney dhibaatadani soo noqnoqon doonto.

Nuur Cali/MH/FM

Previous Post

GANACSATADA DABKII BOOSAASO KU HANTI BEELAY OO DHIBAATO AY LA SOO DARISTAY

Next Post

SHUBAN IYO NAFAQO DARRO HALIS KU HAYA CARRUURTA KU JIRA XERYAHA BARAKACAYAASHA KISMAAYO

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Hooyooyinka ku sugan xeryaha barakaca oo murugo xun ay ku reebtay macaluusha ka muuqata carruurtoodda

SHUBAN IYO NAFAQO DARRO HALIS KU HAYA CARRUURTA KU JIRA XERYAHA BARAKACAYAASHA KISMAAYO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo