Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Askari barakacayaal ku rasaaseeyay xerada Rajo ee magaalada Muqdisho

admin by admin
November 1, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Askari barakacayaal ku rasaaseeyay xerada Rajo ee magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHaweeney ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayaa geeriyootay labo kale oo iyana haween ahaana wey dhaawacmeen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku furay dad u badan haween safaf dhaadheer ugu jiray deeq gargaar ah oo laga bixinayay xerada Rajo oo ku taalla duleedka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan maamulka xerada oo aan la xiriirnay, ayaa dhacdadani waxay ku tilmaameen mid si aan ku talogal ahayn u dhacday ka dib markii qaar ka mid ah barakacayaasha ay ku soo xoomeen raashiinka gargaarka ah ee ka yimid dhinaca dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. laakiin dadka barakacayaasha ee la dhibaateeyay ayaa arrinta ku tilmaamay mid sidaa ka duwan.

haweeney ka mid ah dadkii goob joogga ahaa markii uu falka dhacayay ayaa waxay leedahay “Walaalow xeradii aan joognay ayaa raashiin laga bixinayay nin qori wata ayaa meesha yimid, ka dib wuxuu rabay inuu wax xoogo laakiin xabad ayuu furay anagana waan kala orodnay”.

Cabdullaahi Maxamed Shirwac, oo ah guddoomiyaha ha’yadda maarreynta musiibooyinka Soomaaliya oo aan arrintan wax ka weydiinnay ayaa sheegay in dhacdadaasi aanu goob joog u ahayn balse ay tahay wax laga xumaado wuxuuna ugu baaqay hay’adaha ammaanka dowladda in arrimaha noocan ah ay ka hortagaan.

“ aniga meesha ma joogin laakiin dhacdada waa la ii sheegay, waana ka xumahay hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa dhaawac ayaa la igu yiri. waan u tacsiyeynayaa dadkii ay dhibaatadu gaartay, marka sidan oo kale ay dhacdo wuxuu waajib ka saaranyahay inay ka hortagaan waxna ka qabtaan hay’adaha amniga marka iyagaa howshan iska leh”

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho tan iyo intii ay soo galeen barakacayaasha abaaraha ka soo carary, mana jirto cid weli faldambiyeedyadani loo soo qabtay ama loo maxkamadeeyay taasi oo dhiirri gelineysa inay sii socdaan falalkani.

Yusuf Keynaan/MG/FM

Previous Post

Carruur shuban ugu geeriyootay Baardheere

Next Post

Goobaha lagu kariyo cunnada bisil ee magaalada Muqdisho oo soo badanaya

Related Posts

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
Goobaha lagu kariyo cunnada bisil ee magaalada Muqdisho oo soo badanaya

Goobaha lagu kariyo cunnada bisil ee magaalada Muqdisho oo soo badanaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-JUN-2026

IDAACADDA 12-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUN-2026
June 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo