Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Howlgallada ciidanka Kenya iyo afduubka shaqaalaha gargaarka oo saamayn ku yeeshay qaxootiga Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
October 28, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Howlgallada ciidanka Kenya iyo afduubka shaqaalaha gargaarka oo saamayn ku yeeshay qaxootiga Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSaddex toddobaad oo hadda ay ku jiraan ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya iyo afduubkii bishaan horraanteedii loo geystay shaqaalihii MSF, ayaa waxay saamayn nololeed iyo mid ammaanba ku yeesheen dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab Kenya.

Xeryahaan ayaa ciidamada ammaanku ku sameeyaan hawlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyagoo gebi ahaanba xannibey dhaqdhaqaaqa dadka xilliga habeenkii. waxaana jira dhalinayaro door ah oo ciidamada amaaanku xilliyada hawlgallada la sameynayo habeenkii ay xabsiyada dhigeen, kuwaasoo illaa hadda xiran laguna eedeeyey inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

Dayid Gamaadiid Xanaf , waa mid ka mid ah odayaasha xerada Xagar Dheer wuxuuna Raadiyaha Ergo uga warramay wixii dhacay habeennadii la soo dhaafay “Anigu waxaan iibiyaa Rooti xilliga fiidkii ah, iyadoo aan la gaarin toddobada  fiidnimo ayaa ciidan na hareereeyay kadib waxay noqotay inaan si deg deg ah u galno guryaheenna, wax uun baa is daba yaacaya mana naqaan si ay wax u socdaan annagu habeenkii ayaan shaqaysan jirney haddase wax kasta waa istaageen”.

Sidoo kale dhalinyarada ku nool qaxootiga oo badi fiirsada ciyaaraha kala geddisan ee ka dhaca adduunka, ayaa sheegaya inay xaaladahan saamayn ku yeesheen.“waxaan ahay nin dhalinaro ah oo deggan xagardheer, waxaan xiiseeyaa ciyaaraha aadna waan u daawadaa, iska daa inaan hadda ciyaar daawadee guryahaa la baaraa xitaa haddii mindi laga helo gurigaaga waa lagu qabanayaa” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dhallintaasi.

Cabdi Aadan oo isna dhalinyarada Xagardheer ka tirsan ayaa yiri “Waxaan daawadaa ciyaaraha waxaana ina saameeyey hawl gallada ciidanka, ma haysanno shaqo iyo nolol kale waxaan isaga madadaalanayney ciyaaraha iyagiina waa nalaga xiray. ma jirto Hooyo bannaanka aadi karta oo xaabo doonan karta nin dhalinaro ah oo bannaanka lagu arki karo ma jirto taasina waa dhibaato”.

Maxamed Maxamuud, oo isaguna ka ganacsada qaadka ayaa ka cabanaya arrintaasi “anigoo mehradaydii qaad ku iibinaya ayaa ciidan inoo yimid, waxaana nalagu billaabay garaacis waana la kala cararay, waxayna ciidankii kaxaysteen qaar ka mid ah dadkii joogay goobahaas”.

Ciidamada ammaanka Kenya, ayaa ku doodaya inay jiraan kooxo hubaysan oo ku dhex qarsoon qaxootiga kuwaasoo aan laga garan karin, taasina ay keentay in ay hawl gallo ku sameeyaan gudaha xeryaha qaxootigu deggan yahay, arrintaasoo Soomaalida qaxootiga ah ay garowshiyo ka bixinayaan. Waxaana xeryaha qaxootiga lagu dilay 12 qof bilihii la soo dhaafay kuwaasoo dhammaantood ahaa qaxooti Soomaaliyeed..

Labadii bilood ee ugu dambaysay ayaa ammaan darrida xeryaha Dhadhaab ay sii xumaanaysay waxaana afduub loogu gaystay shaqaalaha gargaarka iyadoo sidoo kale lagu dhacay gaadiid ay lahaayeen, waxaana xaaladda hadda sii murjinaya ku lug lahaanshaha ciidamada Kenya dagaallada ka socda gobolladda koonfureed ee Soomaaliya.

Laamaha socdaalka iyo ciidanka ammaanka Kenya ayaa culays badan saaray, dhaqdhaqaaqa dadka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Dhammaad.

Farxaan/MH

Previous Post

Bay: gaadiid sida shixnado ganacsi oo ay xannibeen colaadaha iyo roobabka ka da’aya gedo iyo jubooyinka.

Next Post

Xarun lagu daryeelo carruurta darbijiifka ah oo laga furay magaalada Muqdisho

Related Posts

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
Xarun lagu daryeelo carruurta darbijiifka ah oo laga furay magaalada Muqdisho

Xarun lagu daryeelo carruurta darbijiifka ah oo laga furay magaalada Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo