Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hay’adihii gargaarka oo hakiyey hawlihii samafal ay ka wadeen xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
October 14, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dad ka soo barakacay Taabto oo gaaray degmada Dhoobley
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankAmaanka xeryaha qaxootiga ee ku yaal Dhadhaab waqoyi bari Kenya oo sii xumaanaya ayaa keenay inay kordhaan fal denbiyaadka lagu afduubanayo shaqaalaha gargaarka caalamiga ah iyo gaadiidkooda, iyadoo weli aan meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la hayn laba haween ah oo u shaqaynayey hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, siduu ku soo waramayo weriyaheenna xeryaha qaxootigu Farxaan Lafoole waxaan maanta shaqaynayn dhamaan shaqaalihii hay’addaha gargaarka ee ka hawl galayey sedexda xero ee Dhadhaab iyagoona baqdin ka qaba arrimaha amaankooda, Maxamed Aadan oo ka mid ah shaqaalaha UNHCR ayaa Radio Ergo u sheegay in hawlaha shaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqooda loo hakiyey sababaha dhinaca amaanka ah.

Maxamed Axmed Cawke oo isna u shaqeeya hay’adda Hand cup oo iyana ka mid ah hay’addaha ka hawl gala xeryahaas ayaa Radio Ergo u sheegay in gebi ahaanba ay joojiyeen adeegyadii ay ka hayeen xeryahaas.

Hawl joojinta shaqaalaha hay’addaha gargaarka ee xeryaha Dhadhaab waxay saamayn ku yeelatay adegyadii dhinaca nolosha oo ay ku jiraan kuwa caaifmaadka ee loo fidinayey dadka qaxootiga ah oo wakhtigaan ay haystaan dhibaatooyin badani, waxaanan gebi ahaanba shaqaynayn goobihii caafimaadka ee ku yaalay saddexdaas xero.

Dhanka kale roobab lixaad leh oo 24 saac ee la soo dhaafay ka da’ayey deegaanka Dhahaab ayaa hakad geliyey baadi goobkii loogu jiray in la soo helo labadii gabdhood ee u shaqaynayey MSF lana afduubtay shalay, iyadoo dhaawicii darawalkii gaariga u waday lana yiraahdo Maxamed Boorle iyo intii ku hartay shaqaalihii MSF xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab shalay galabnimadii loo soo qaaday Nairobi, dhaawaca darawalka ayaa laga helay isaga iyo gaarigiiba duleedka tuulada Madax Gisi oo qiyaastii 15km xeradda IFO u jirta, waxaana la cadeeyey in kooxda afduubka gaysatay ay lugahooda maalayaan kuna baxsadeen dhulka miyiga ah.

Amaan xumidda ku soo korortay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa samayn ku yeelatay isu socodka ganacsiaga iyo alaabooyinka ka imaan jirey Soomaaliya oo badi ay ku tiirsanaayeen nolosha dadka qaxootiga ahi, waxaana hadda sare u kacay qiimaha maciishadda quutal daruuriga ah oo ay ugu horayso sonkorta oo maanta ka maraysa xeryaha qaxootiga 11000 (koob iyo toban kun oo lacagta Kenya ah) una dhiganta 110 dollarka Maraykanka, arimahaan oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka danyarta ah, iyadoo ay jiraan roobab mahiigaan ah oo xiligaanna da’aya.
Dhamaad

Lafoole/MH

Previous Post

Carruur ku dhimatay roobabka ka da’aya Muqdisho.

Next Post

AFAR QOF OO CUDURKA SHUBANKA UGU GEERIYOODAY DEGMADA DHOOBLEY

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
AFAR QOF OO CUDURKA SHUBANKA UGU GEERIYOODAY DEGMADA DHOOBLEY

AFAR QOF OO CUDURKA SHUBANKA UGU GEERIYOODAY DEGMADA DHOOBLEY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo