Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Carruur ku dhimatay roobabka ka da’aya Muqdisho.

Radio Ergo by Radio Ergo
October 13, 2011
in Masiibooyinka
0
Carruur ku dhimatay roobabka ka da’aya Muqdisho.
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank

MUQDISHO: Maalmahan waxa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya, si rasmi ah uga curtay roobabka xilliga dayrta oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo muddo sanado ah u oomanaa.

Roobabkan oo ahaa kuwo xooggan ayaa waxay saameyn adag ku yeesheen dadka barkacayaasha ah, oo iyaga aan haysan guryo hagaagsan kuna hoyda baco, ulo iyo baakado leysku xirxiray kuwaasi oo celin Karin kulka qorraxda iyo dhibicda roobka.

Kasokow saameynta adag ee roobabka xilligan ay ku yeesheen kumanaanka kun ee soo barkacay, ayaa waxa meelo kala duwan laga soo sheegayaa in carruur ay u geeriyoodeen qabowga oo xanuun ama gaajo ay u wehelisay.

Kaamamka ku yaalla xaafadda Soona-key ee degmada Hodan, ayaa aqallada ay dadka degganaayeen qaarna ay biyaha la tageen halka qaarka kalana istaag mooyee jiif iyo fadhiba gudihiisa aanu saamaxeynin. waxa isla kaamamka ay dadka ka dhex sameysteen qubuuro ay ku aasaan dadka ka dhinta, labo qabri oo isxiga ayaa xilligaasi lagu kala aasayay labo carruur ah oo walaalo ahaa.

Aabbaha Carruurtan geeriyootay ayaa raadiyaha ERGO u sheegay:

“Aniga waxaan halkan joogaa Afartan cisho, carruurteydii labadaan hadda geeriyooday ayaa iiga dambeeyay, hore waxaa iiga dhintay shan kale waxayna u dhinteen gaajo iyo qabow”

Siidow Xaaji oo isna gabar 9 jir ah ay ka geeriyootay, ayaa codsanaya in dadka barakacayaasha ah laga gargaaro dhanka hoyga oo ay aad ugu dhibban yihiin.

Xaafadda Xamar-Bile ee degmada Wardhiigley ayaa iyana waxaa ku sugan barakacayaal dhibaateysan, kuwaasi oo qabowga jira awgii goosaha iyo ilkaha isku garaacayay iyagoo aan heysan jaakado, bustooyin ama dharka kale ee dhaxanta laga galo.

Sahra Xaaji Saciid oo ah guddoomiyaha kaamkan ku yaalla Wardhiigley, ayaa ku baaqday in xaaladda dadkan dib loo eego oo aan lagu fiirsan dhibaatada haysata.

“warbixin haddii aan idinka siiyo xaaladda Xamar-Bile oo illaa lix boqol oo ruux oo barakacayaal ah ay ku jiraan, dadku way dhibaateysan yihiin waxaan codsan lahaa in loo gargaaro oo sidan loo dhaamo” ayay Sahra Tiri.

Roobabka ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada, oo ay ku adkaatay gaadiidka inay soo maraan.

Yussuf Keynaan/FM

Previous Post

MUQDISHO: WAA SIDEE XAALADDA CAAFIMAAD EE DADKA QABA CUDURADA DHIMIRKA

Next Post

Hay’adihii gargaarka oo hakiyey hawlihii samafal ay ka wadeen xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Related Posts

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
blank
Cunto-Yaraanta

Somaliland: Roobab mahiigaan ah oo sababay dhamashada saddex qof iyo boqollaal xoolo ah

May 10, 2024
Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen

March 7, 2024
Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay
Beeraha Iyo Xoolaha

Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay

March 1, 2024
Next Post
Dad ka soo barakacay Taabto oo gaaray degmada Dhoobley

Hay’adihii gargaarka oo hakiyey hawlihii samafal ay ka wadeen xeryaha qaxootiga Dhadhaab

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2025

IDAACADDA 07-JUL-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2025
July 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2025
July 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2025
July 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2025
July 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2025
July 3, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo