Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Geedka keligii noolaha ama cali garoobka oo ku faafay beerihi gobolka hiiraan

Radio Ergo by Radio Ergo
October 24, 2011
in Cunto-Yaraanta
0
Geedka keligii noolaha ama cali garoobka oo ku faafay beerihi gobolka hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBoqolaal ka tirsan beeralayda gobolka Hiiraan ayaa isaga hayaamay beerahoodii kadib markii geedka Cali Garoobka ama Keligii Noolaha loo yaqaan uu si daran ugu fiday dhul beereedka gobolka Hiiraan.

Iyadoo laguda galay xilli roobeedkii Deyrta, islamarkaana beeraleeyda Gobolka Hiiraan qaarkood ay isu diyaariyeen tabcashada beerahooda iyo sideey uga faa’iideysan lahaayeen sano roobeedkan, ayaa waxaa kaloo jira qaar kale oo badan oo kamid ah beeraleeyda oon isu diyaarin tabcashada beerahooda, kuwaas oo sheeganayo dhaqaalo darro iyo geedka Cali Garoobka oo gebi ahaanba qabsaday dhulbeeroodkoodii.

Beeraleeyda awoodi kariwaayey tabcashada beerahooda ayaa badankood ah kuwa ku nool tuulooyinka leh dhul beereedka ku yaala webiga Shabeelle labadiisa dacal ee gobolka Hiiraan.
Xasan Gaab, oo kamid ah beeraleeydan tabaaleeysan ee ku dhaqan deegaanada dhinaca koonfureed ee magaalada Beledweyne, oo Idaacadda ERGO u waramay ayaa yiri sidan:

“ Beer ma diyaarin xilligan, Beerteeydi Garasdheere waatan, intaani boqol tacab ayeey dhantahay, muddo afar bilood ah  ayaan geedqaadayey qadarkan yar ee geedahan gumar gaalka ah, iskuma keeni karo inaan beertii tabco, iyo inaan carruurteeydi magaalada uga soo xoogsado, dhaqaalo xuma i haysata darteed, magaaladaas ayaan mar mar u xoogsi tagaa, waxaan kasoo helo galabtii ayaan kula soo noqdaa gurigeeyga, galabtii markaan beertii tago hal geed ayaan gooyaa amaba waaba goyn kari waayaa oo gurigaan isaga soo noqdaa,

Wuxuu kaloo yiri “Cagaf ayeey beerteeydu ubaahantahay, hadda xilli roob ayaa lagalay, maba ka gaaro, dhaqaale uma haysto, waxaan u tari karo maleh, halkeeda ayeey isaga aaleeysaa, oo  haddaan dhaqaale haysto waxbaan sii diyaarsan lahaa mar hore, qof ilmo ka baahanyihiin beer waxba kama awoodo, waxna kama qaban karo, boqol tacab oo beer ah hal nin waxba kama qaban karo, Cagaftii markeey shaqada beerta kuu gasho waxay kaa rabtaa shidaal in loogu shubo, oo haddana markeey beerta kuu fashana lacag ayeey kaa rabtaa, intaas maba awoodo, saacadii cagaftu waxay kaa qaadani  480,000 sh.so marna 460,000 sh.so, waxaan ahay xoogsade , maalinkii shaqada xoogsiga ee magaalada waxaa iga soo gala 50,000 sh.so ama 30,000 sh.so, nolosha ilmahayga kama badno, marka nin cagaf awooda waa nin dhaqaale haysta, beer aan dhaqaale loo haysan wax tabci karo maleh, nin xoogsada ah beertii tacab iyo nolosha ilmahaaga raadi iskuma keeni karo, geed jiniyaa qabsaday beerti waakan, geed jiniyaa sidaan u qabsaday, oo afar bilood ayaan qadarkaan oon tacab dhameeyn aan geed qaadayey,waxaan ka awoodi karo maleh oon ka qaban karo, abuurna waan isaga baahnaa, waa beer 100 tacab ah , marka 100 tacabna tabar waan u waayey, sidaaseey iiga fakatay ooy iiga dayacantay, oon wax uga qabsanwaayey ,Haa, caawa roob ayaa noo muuqda haddii ilaaheey nasiiyo uu da’o ma haysto waxaan ku abuurto”,

MarKii xilliyo badan da’madii roobeed lawaayey sanadihii ina dhaafay ayaa waxaa is xig-xigsaday abaaro ba’an kuwaas oo beeraleeyda ka idleeyey keydkii abuureed iyo kii lacageed ee ay u adeegsan jireen ugu diyaargaroowga  xilli roobeedka markaa kusoo wajahan, waxaana iminka beeraleeydan tabaaleeysan beerahoodu noqdeen kuwo xidh ah oo si ba’an u qabsaday geedka loo yaqaan “Kaligii noolaha ama Cali garoobka”

Duruufaha adaga ee haysta beeralayda Hiiraan ayaa loo aanaynayaa sanaddo badan oo is xig xigay oo abaaro jireen, collaado daba dheeraaday oo xasilooni u diiday dadka, iyadoo aysan jirin hanaan toosan oo kala taliya ama ka caawiya beeristooda ayaa geedkaan Cali Garoobka ama Keligii nooluhuna ku sii noqday aafo kale oo dhabarka ka jebisey, waxaana jira hadda boqolaal ka mid ah beeralayda yar yar oo isaga hayaamay kana raadsada magaladda Beledweyne xoogsi ay ku maareeyaan nolol maalmeedkooda kadib markay rajo beel ka noqdeen inay la soo baxan wixii qoysaskoodu cuni lahaayeen.

Cabdullaahi Salad/MH

Previous Post

CUDURKA SHUBANKA OO SI DARAN UGA DILAACAY GOBOLLADA BAY IYO BAKOOL

Next Post

Sicir barar xooggan oo ka jira degmada ceelwaaq

Related Posts

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 17, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
Next Post
Mandheera. abaaraha iyo colaadaha gedo oo saameeyey cuntada iyo ganacsiga

Sicir barar xooggan oo ka jira degmada ceelwaaq

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-AUG-2026

IDAACADDA 17-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo