Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

CUDURKA SHUBANKA OO SI DARAN UGA DILAACAY GOBOLLADA BAY IYO BAKOOL

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 24, 2011
in Caafimaadka
0
Isbitaalka SOS oo ku xirmay dagaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka inkabadan 10 carruur ah oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ayaa saacadihii la soo dhaafay ugu geeriyooday deegaanno hoostaga Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Saraakiil caafimaad oo ka hawlgala cisbitaalka dhexe ee Gobolka ayaa idaacadda Ergo u sheegay in ay sii kordhayaan caruurta la xanuunsanaya Jadeecada iyo shubanka kuwaasi oo laga keenayo tuulooyin hoostaga magaalada.

Dad isugu jira waayeel iyo caruur oo gaaraya 60-ruux ayaa la jiifiyay cisbitaalka gobolka iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka kaddib markii saamayn ay ku yeesheen cudurro ka dilaacay deegaanka markii ay bilowdeen roobabka Deyrta oo ka curtay intabadan gobolada Bay iyo Bakool.

Xaaladaha la xiriira caafimaadka ayaa ku soo beegmaya xilli ay aad u liitaan adeegyada caafimaad ee ka jira goobaha haatan cudurada ay ka dilaaceen halkaasi oo ay ku sii kordhayaan caruurta iyo dadka da’da ah ee u dhimanaya cudurada.
Xafiiska caafimaadka maamulka gobolka ayaa markii ugu horeysay sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay deegaanada qaar ee gobolka Bay.

Sheekh Jaamac madaxa caafimaadka gobolka ee maamulka Al-shabaab ayaa sheegay in ku dhowaad afartan qof oo uu sooritay shubanka ay jiifaan xarumo caafimaad oo ku yaala deegaamada Raamacadey iyo Xawaalbarbaare oo ka tirsan degmada Baydhabo.

Dhibaatadan waxay la xiriirtaa xaalado la xiriira nadaafad darro ka jirta deegaanka. Cuduradan oo soo ritay caruur iyo dad waayeel ah ayaa imaanaya xilli roobab ay ka da’ayaan gobolada Bay iyo Bakool kuwaasi oo la sheegayo in ay keeni karaan cudurro duumada ay kamid tahay haddi aan la samayn olole ballaaran iyo wacyi gelin dadka lagu baraarujinayo iyo taageero caafimaad oo la heli karo.

Marka laga soo tago gobolka Bay degmada Ceelberde oo ka tirsan Bakool ayaa kamid ah goobaha sidoo kale haatan ay kajiraan cuduradaasi kuwaasi todobaadyadii la soo dhaafay ay u dhinteen ku dhowaad 100 caruur ah.

Cabdicasiis Koronto/MH

Previous Post

CARRUURTA DERBI JIIFKA MUQDISHO OO WACYI GELIN LOO SAMEEYEY

Next Post

Geedka keligii noolaha ama cali garoobka oo ku faafay beerihi gobolka hiiraan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Geedka keligii noolaha ama cali garoobka oo ku faafay beerihi gobolka hiiraan

Geedka keligii noolaha ama cali garoobka oo ku faafay beerihi gobolka hiiraan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-FEB-2026

IDAACADDA 11-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo