Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

UNICEF: “Xaalada macaluusha wax badan iskama beddelin”

Radio Ergo by Radio Ergo
September 26, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay’adda UNICEF iyo la howlgalayaasheeda gudaha ayaa ku dadaalaya sidii ay u gaari lahaayeen carruurta iyo qoysaska ay saamaysay macaluusha iyo abaaraha ku dhuftay koonfurta Soomaaliya , iyagoo ku beegsanaya barnaamij cusub oo waraaqaha cuntada lagu qaato iyo lacago caddaan ah lagu siinayo qoysaskaasi.

UNICEF waxay sheegaysaa in lacagahaas caddaanka ah iyo waraaqaha cuntada ay durbaba wax ka tartay heerka nolosha qoysaskii la siiyay iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah ee laga helo suuqyada.

Mowliid Warfaa oo ah xiriiriyaha howlaha bani’aadannimo ee hay’adda  UNICEF Somalia ayaa ka warramaya xaalada macaluusha Soomaaliya, sida loo gargaaray dadka ay abaaruhu barakiciyeen iyo caqabadaha ka soo wajaha gargaar la doonayo in dadka la gaarsiiyo.

“ Macaluusha wax badan iskama beddelin, hay’addo badan ayaa jira oo ku dadaalaya in wax ka qabtaan, 340,000 carruur ku dhaw ayaa  qarka u saran xaalad bina’aadanimo, dadkuna waxa ay soo buuxdhaafinayaan magaalooyinka”

Mowliid oo ka hadlayay sida macaluushu ay u saamaysay gobolada koonfurta Soomaaliya ayaa Radio Ergo u sheegay

“ Guud ahaan xaalada koonfurta soomaaliya waxa ay maraysaa meel aad iyo aad looga naxo, haddii ay sida ay hadda tahay ay ku sii jirto mabba loogu tagi doono wax dad ah”

Mar uu ka hadlayay taageerada UNICEF ee xaalada abaaraha taagan ayuu yiri

“ UNICEF waxay taageertaa ilaa 500 xarumood oo quudin ah , barnaamijka quudinta waxaa dadka tabaalaysan lagu gaarsiinayaa 5000 oo mitrik tone cunnooyin ah bishii,  UNICEF waxa ay awooda saaraysaa waxbarashada, kaarar cuntadda ayaa ka wadnaa 212 xarumood oo ay joogaan carruurta iskuulada dhigata ilaa iminka 30 kun oo cunug ayaa ka faa’iidaystay, barnaamijka “Cash transfer” lacagaha caddaanka ah ayaan isna wadnaa, inagoo u sii marsiinayna bah-wadaagteenna gudaha aan kala shaqeyno, dadkuna waxa ay  ka lacago caddaan ah ku helayaan” .

Ugu dambeyntii Mowliid Warfaa ayaa tilmaamay in tallaalka jadeecada ay ka wadaan qeybo kamid ah gobolada ay abaartu ku dhufatay balse waxa uu sheegay in ay jiraan goobo ay gaari waayeen balse ay wadahadal kula jiraan maamulada deegaanadaas.

Previous Post

CAAFIMAAD DARRO KA TAAGAN DEEGAANKA DEG-ILLIMA

Next Post

WARBIXIN CAAFIMAAD – MUHIIMADDA NAAS NUUJINTA IYO KHATARTA CAANAHA GACANTA LAGU SAMEEYO

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
WARBIXIN CAAFIMAAD – MUHIIMADDA NAAS NUUJINTA IYO KHATARTA CAANAHA GACANTA LAGU SAMEEYO

WARBIXIN CAAFIMAAD – MUHIIMADDA NAAS NUUJINTA IYO KHATARTA CAANAHA GACANTA LAGU SAMEEYO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo