Naasuujinta oo carruurta loo sameeyo lixda bilood ee ugu horraysa, ayaa noqotay fursadda ugu wanaagsan ee ka baajinaysa ilmaha iyo hooyadaba cudurro khatar gelin kara noloshooda, warbixinteenna caafimaad ee maanta ayaan arrintaan ku soo qaadanaynaa oo aan ku eegayno gobollada dhexe.
Dr. Cabdullaahi Cabdicasiis Faarax, oo ah madaxa qaybta carruurta cisbitaalka degmada Dhuusamareeb oo ka warramaya muhiimadda naas nuujinta wuxuu leeyahay:
“Nuujinta hooyadu ee ilmaha yar waxay ka qayb qaadanaysaa caafimaadka hooyada, haddii marka ugu horraysa ee uu dhasho ilmuhu naaska hooyada afka loo geliyo, ilma galeenka hooyadu wuxuu soo daynayaa hormoon la dhaho Oxtycin oo ka qayb qaata in uu ururo minka hooyadu, naasnuujint horay loo sameeyo waxaa kale oo ay caawisaa kana qayb qaadataa joojinta dhiig baxa ku yimaada hooyada foosha ka dib, waxaana ku adkaynayaa hooyada umushay inaysan sugin inta ibta ama mandheertu ka soo baxayso ee marka ugu horraysa ee ilmuhu bannaanka yimaado naaska laga nadiifiyo ibtiisa afkana loo geliyo ilmaha dhashay”.
Hooyada aan samayn naas nuujin dhammaystiran waxaa la soo gudboonaanaya dhibaatooyn kala geddisan, tan ugu horraysa markaan caanaha laga nuugin naaska wuxuu noqonayaa inuu bararo, guduudo, kadib ay malaxi gasho, hadhowna ama u baahato qalliin ama isu beddelo cudurka kansarka.
Caanaha naasku, waa kuwo diyaarsan umana baahan kharash dheeraad ah iyo hawl kale toona. Dr. Cabdullaahi Cabdicasiis wuxuu kaloo sheegay in hooyada joogtaysa nuujinta ilmaheeda inuusan cudurka Kansarka ku dhicin.
Inta badan hooyooyinka carruurta siiya caanaha la soo macmalay (Booraha) oo si baahsan looga isticmaalo wadanka Soomaaliya ayey dhakhaatiirtu ku taliyeen in caanahaas la joojiyo isticmaalkooda, madaama ay ku jiraan maadooyin kiimiko ah oo sababa cudurrada ay ka midka yihiin kansarka khatarna ku ah caafimaadka ilmaha..
Dr. C/qaadir Ciise Diiriye waa agaasimaha qaybta hay’adda Gisb ay maamusho ee cisbitaalka degmada Dhuusamareeb ee Galgaduud “Caana booraha markii lagu sameeyey cilmi baaris waxaa lagu ogaaday 14% inay uga cudur badan yihiin carruurta la siiyo kuwa xoolaha, sababtoo ah maadooyinka ku jira caana booraha oo keenaya in ilmaha yar ay nugleeyaan difaaciisa iyo dhibaatooyin kale oo dhinaca dheefshiidka ahna ku reebaan, qofka aan ku qancinna wuu tijaabin karaa, waxaanan tusaale u soo qaadanaynaa hooyada ilmaheedu jirran yahay ee la keeno cisbitaalka dhib badan ma qabo ilmaheedu daaweyntiisuna way fududdahay, laakiin ilmaha caana booraha la siiyo ee jirradda loo keeno cisbitaalka aad bay u nugul yihin xaaladdiisuna aad bay uga liidataa marka loo eego kuwa naasnuujinta loo sameeyo, waa ilmo tamar daran, daawadu aysan wax ka tarayn horayna aan u soo bogsanayn, waana is bar bar dhig caddaynaya faa’iidada caanaha naaska iyo waxyeellada caanaha la soo farsameeyey”
Luul Xasan Salaad waxay ka mid tahay ururka haweenka ee Iido oo ka dhisan gobolka Galgaduud, waxayna badanaa siiyaan wacyi gelin haweenka sidii ay u samayn lahaayeen naasnuujin dhammaystiran, waxay iyana ka warramaysaa faa’iidada hooyada ugu jirta inay nuujiso ilmaheeda
“qodobka koowaad caafimaad ayey u leedahay hooyada nuujinta ilmaha, tan kale waxay siisaa hooyada qancid iyo ka war qab ilmaheeda, waxay kordhisaa jacaylka hooyada, korisaa garashada iyo dhiifoonnida ilmaha”
Dhinaca kale baaritaanno la sameeyey ayaa lagu ogaaday dhinaca koritaanka maskaxda in ilmaha naasnuujinta loo sameeyo ay ka fiican yihiin kuwa aan nuugin.
Dhibaatooyinka hor taagan hooyooyinka kuna kalliftay inaysan nuujin waxaa ka mid ah, dood hooyooyinku leeyihiin in caanaha naasku aysan ku filnayn ilmaha ama hooyada oo wakhti badan ka maqan guriga sida kuwa shaqeeya.
Dr. C/laahi oo markale arrintaas ka warramaya ayaa sheegaya in lixda bilood ee ugu horraysa ilmuhu uu u baahan yahay naas keliya oo aan wax kale loo baahnayn, ilmuhuna uusan cunto badan qaadan karin lixdaas bilood.
Guud ahaan waxay xaqiijiyeen hooyooyinka iyo dhakhaatiirtuba in ay wakhtigaan yaraatay hannaanka naas nuujinta ilmaha loo sameeyo gudaha Soomaaliya taasoo loo sababaynayo dhawr arrimood, dagaallada oo keenay in hooyooyinku noqdaan kuwa isku qabta hawlihii guriga iyo soo dhicinta nolol maalmeedka qoyska oo ay raggii wax badan yihiin kuwo aan shaqo lahayn ama ka maqan hawlihii guud ee qoyska taasoo yaraysa fursadda hooyadu kula joogi lahayd ilmaheeda iyo welwelka hooyada ka haysta raadinta nolosha qoyska oo iyana ku noqotay dhibaato maskaxeed oo yaraysay in hooyadu yeelato caano ku filan, waxaa kaloo qayb ka ah aqoon darrida bulshadu ka qabaan faa’iidada caanaha naaska iyo khatarta caanaha gacanta lagu sameeyey.
Mohamed Hassan/AJ