Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato kireeya geelooda si ay cunno ugu helaan qoysaskooda

Jibril Osman by Jibril Osman
September 19, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

Mid ka mid ragga geela sida casriga u dhaqda/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saleymaan Yaasiin Nuur waxaa u suura gashay inuu qoyskiisa 13 qof ah u helo cunno saddex waqti ah ah iyo arrad bax. Waxaa ka caawiyay 150 doollar oo uu bille uga helo shan hallaad oo uu ka kiraystay ganacsato geel ku dhaqda xero ku taalla deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug.

Qoyskiisa wuxuu ka mid ah yahay ilaa soddon qoys oo ku baraarugay inay jirto iskaashatada Barqo-maal oo macaash  ka raadisa caanaha geela. Xoolo dhaqatada ayaa neefafka u irmaan u dhiibta inta ay ka gurayaan iyaga oo ku helaya dhaqaale, kaas u horseeday inay qoysaskooda uga saaraan nolol xumo.

Suleymaan ayaa sheegtay in aragtidan oo uu go’aansaday markii uu arkay dad nacfi ka helay geel ay ka kiraysteen. Ninkan ayaa xusay inuusan wax welwel ah ka qabin quudka iyo marashada qoyskiisa.

“Noloshii hore iyo nolosha maanta ku jirno, nolosha maanta ku jirnaa fiican, saddexda wakhti caadibaan u helnaa. xisaabaa (lacag) bishii meel nooga soo dhacda, dad lacag sugahaya oo waxaanahay wax qaadanaya. Noloshii wax iska cakiran (dhib) bay ahayd. Illaahay barq maal buu noo soo diray, hadda waan ku ladannahay.”

Saleybaan ayaa sheegay in labadii sano ee u dambeeyey deegaankooda uu roobku aad ugu yaraa, taas oo sababtay inuu waayo 170 ari ah iyo 41 neef oo geel ah. Wuxuu ka fursan waayay inuu eheladiisa caawinaad waydiiso.

Wuxuu intaas ku daray in markii uu dadka deegaanka ah uu ka ogaaday inay jiraan dad xeryo ku haya geela inay fursad siinayaan xoolo dhaqatada inuu go’aansay inuu tijaabiyo, taas oo uu xusay inay u shaqaysay.

Wuxuu tilmaamay in hadda xoolaha loo hayo aysan calaf uga baahnayn isla markaanna daryeelka ay heleen darteed sidii hore ay ka caano badan yihiin. Wuxuu qabaa in haddii uusan go’aankan ku dhiiran ay kaga bixi lahaayeen baad xumo deegaan ka jirta.

Fursaddan ayuu sheegay inay u soo aaday iyadoo 30 neef oo ari ah iyo saddex geel ah oo uu weli hayo ay abaar nacfi tirtay oo uu waayay wax u gadma, taas oo ku qasabtay inuu qaato dayn gaaraysa $700 oo uu hadda qorshaynayo inuu iska gudo.

Ninkan ayaa sheegay in hannaanka kiraynta daqliga ka soo gala ka sokow inuu ku qabo faa’iidooyin kale sida inuu ka baaqsaday inuu caano maalinle ugu soo teelo Xarfo oo ku jirta 15 km, iyadoo ay u dheerayn marka uu keeno inaysan horay uga gadmin iyo qarash ku gala safar.

“Caanahii oo marna lagaa gadanayo marna aan lagaa gadanayn mar qiimo yar waxba ahayn lagaa siisanayo, waad garanaysaa qof baadiyo jooga maalin kasta fursad ma u hayo, maalin kasta socodkaas, duruufahaas baa iska jiray barqa-maal baan ka kireeyey ayadaana ku ladany hadana kuu fiicanahay.”

Saleebaan oo ah 50 jir noloshiisa oo idil miyi ku qaatay ayaa hadda u dhaqaale aruursanaya inuu shan ka mid ah carruurtiisa waxbarasho ugu diro magaalada Xarfo. Wuxuu doonayaa hal lixaad oo u dhalaysa inuu ku kordhiyo daqligiisa.

Ganacsatada caanaha geela ka macaasha ayaa fursad ka dhex arkay xoolaha  irmaan oo ay sanad ama labo sano kaddib ay dib u celiyaan dadka leh. Arrintan ayaa kor u qaaday nolosha dad reer guuraa ah oo uu saamayn ku yeeshay isbeddelka cimilada, waxaa ka mid ah Guuleed Maxamed Cali oo habka ka biila qoys ka kooban 9 qof.

Ninkan ayaa qoyskiisa u helay il dhaqaale oo ku filnaatay inay saddex waqti quutaan cunno deeqda. Waxay ka baxeen hubanti la’aan ay ku wajahayeen miyiga deegaanka Balli-busle ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku dhaqdaan 40 neef ari ah.

Guuleed ayaa iskaashatada Barqo-maal qeybteeda Gaalkacyo lix halaad oo irmaan middiiba bishii uga hela $25 doollar tan bishii May. Wuxuu sheegay in dhaqaalahan uu ka caawiyey qoyskiisa inay ka maarmaan dayn iyo dewersi.

“Caqabadihii jiray hadda xaalku aad buu u wanaagsan yahay in saddex wakhtiba reerka dabkii shidanayo oo ciriiriyo badan laga baxay, runtii raashinkii walwalkiisa iyo ariga cabidiisii waxyaalo badan baanan ka walwalayn.”

Guuleed ayaa fursaddan ka faa’’iidaystay xilli uu la daalaadhacayay dhaqaalaynta 30 ari ah oo uga haray 150 neef iyo 11 geel ah oo uga danbeeya 45 neef iyo masruufka reerka. Wuxuu xusay inay sanadba sanadka ka danbeeya ay sii yaraanaysay tiradooda iyo wax soo saarkooda.

Ninkan ayaa kiraynta oo deegaanka ku cusub ka ogaaday nin saaxiibkiis ah oo isna horay geeliisa dhowr neef u kireeyey, kaas qoyskiisa iyo isaga ay ka baxeen culayso dhaqaale oo ku haystay tuuladiisa.

Guuleed ayaa sheegay in abaar soo laalaabatay ay galisay qoyskiisa hubanti la’aan nololeed oo ay iyagoo xoolo leh ay hal wakhti wax karsan waayeen. Wuxuu tilaamay in xoolahiisa ilaa hadda aysan ku jirin neef u iibsami kara.

Ninkan ayaa intaas raaciyay in duruufaha soo maray ay badeen qaadashada daymo badan wallow uu hadda billaabay inuu lacag aan badnay u qorsheeyey bixinteeda bil kasta.

“Deymo waa iska bad, $600 bay gaadhay, hadana waxaa moodaa in la jarjari karo deyntii wixii loo jari karo bilba aan xoogaa siinayo.”

Ninkan ayaa sheegay in dhaqaalaha joogtada ah uu u sahlay sidoo kale in xoolaha u jooga uu u gadan karo dawo, biyo iyo calaf xilliyada  jilaalka uu dabo dheeraado.

Ganacsatada fekraddan la yimid ayaa xeryo geela lagu hayo ku leh magaalooyinka Gaalkacyo, Bacaadweyn iyo Xarfo. Waxay samaynayaan koritaan iyadoo ay soo jiidanayaan xoolo dhaqatada oo ay abaar ku adkaysay hab dhaqashadii hore.

Cabdimaalik Xasan Jimcaale oo maamulo xero ka mid ka mid ah kuwa iskaashatada oo ku taaada duleedka Gaalkacyo ayaa sheegay in xeradaas ay ku hayaan 40 neef oo ay inta  badan leeyihiin xoolo dhaqatada miyiga degan.

Wuxuuu xusay in fikradan ay timid markii geelii ay lahaayeen uu guray loona baahday in miyiga loo raro si sanad ama labo halkaas ay ugu soo rimaan, taas oo uu sheegay inay keentay caano yaraan kaddibna sidan xal u arkeen.

Waxay ka baaqdaan inay dhaqaale badan ku bixiyaan inay geel irmaan soo gataan, wuxuu xusay sidoo kale inaysan  iyaga keliya aysan isku danayn balse ay arkeen inay xoolo dhaqatada uga faa’iideeyaan.

Cabdimaalik waxa uu sheegay in qorshan uu caawiyey qoysas badan oo ay ka soo xusheen qoysaska danyarta ee saamaynta adag ka soo gaartay abaarahii dalka soo maray kuwaas oo ay qaybsadeen ilaa 8 xero oo lagu hayo geelooda.

“Waxaan xulanaa dadkii ay abaarahu saameeyeen oo tabar ahaan liita. Dhaqaale ahaan waa ka faa’iideen, neefkii waa u badbaaday, awoodbuu yeeshay waa loo nafaqeeyey, caano badan buu yeelanayaa, saasuu iyagana dhaqaale ahaan ugu bedelaynaa anaga saas buu noo anfacayaa.”

Qoysaska ayaa horay xoolaha waxaa kaga bixi jiray xoog badan sida inay u helaan dad raaaca, waraabiya iyaga oo aan ku qabin faa’iido badan hadda habka wuxuu ku hoggaamiyay inay abaaraha uga badbaadaan isla markaanna ay helaan dhaqaale ay uga soo kabteen hubanti la’aan haysatay.

Previous Post

Haween ku jira xerayaha Cadaado oo laga caawiyay ganacsiyo il-dhaqaale u noqday

Next Post

Qoysas barakac ah oo Baydhabo ka hirgaliyay beero nolol xumada ka saaray

Related Posts

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

October 17, 2025
Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

October 17, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Next Post
Qoysas barakac ah oo Baydhabo ka hirgaliyay beero nolol xumada ka saaray

Qoysas barakac ah oo Baydhabo ka hirgaliyay beero nolol xumada ka saaray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-OCT-2025

IDAACADDA 17-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-OCT-2025
October 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo