(ERGO) – In ka badan 200 oo qoys oo ah xoolo dhaqato hore oo beeraha u weecday ayaa faa’ido dhaqaale oo joogto ah ka helaya dalagyo raashin iyo khudaar isugu jira oo 2 bil ee la soo dhaafay ay suuqa u iib-geeyeen. Tallaabadan waxay ka caawisay inay ka baxaan nolol xumo iyo rajo beel isku-biirsaday
Abaaro ku soo lalaabta gobolka Galgaduud oo saamayn taban ku yeeshay xoolaha ayaa sababay in dad badan oo horay ugu tiirsanaa dhaqashada ariga iyo geela ay fursad u arkaan tacbashada beeraha oo u noqotay il badbaado leh.
Fartuun Axmed Xalane oo ka mid ah iskaashatada beeralayda Wadajir ee degmada Caabudwaaq waxay afartii Ogoosto iibsatay qare, basbaas, batiiq, yaanyo, barbarooni iyo digir ay ka heshay faa’iido dhan $100. Waxay xustay in ilaa bishii Juun ay dhowr mar sidaan oo kale uga heshay.
“Awal noloshu cariiri ayay ahayd, haddase way noo fiican tahay. Dhulkeena wax ayaa nooga soo baxaya, qoyskeyguna cunno ku filan ayuu helaa. Noloshayada isbeddel weyn ayaa ku yimid, waana shaqeysaneynaa.”
Dalagyadaas ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee ay suuq geyso tan iyo Janaayo, markii ay bilowday wax-soo-saarka. Aqoonteeda beeraha oo hore u hooseysay ayaa ka hor istaagtay guulo badan, balse bishii afraad waxay ka faa’iideysatay agab iyo tababar ay iskaashatadu siisay, taas oo ka caawisay in ay ka gudubto caqabado ku hor gudbanaa.
Dhamaadkii sanadkii hore ayay iibisay 30 ari iyo 5 geel ah oo ka haray 250 neef oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Lacagta ka soo baxday oo ahayd ($3,300) ayay ku bilowday beer saddex hektar ah oo ku taalla dhul aabbaheed leeyahay oo 5 km dhanka waqooyi kaga began magaalada Caabudwaaq.
Haweeneydaan ayaa tilmaantay in xirfaddaan cusub ee beeraha ay wax badan oo horumar ah ku soo kordhisay noloshooda, marka loo fiiriyo xoolo-dhaqashada.
‘’Xoolo dhaqashada iyo beerta farqi weyn ayaa u dhexeeya. Markan xoolaha haysta iyo beerta hadda beertaa ii fiican, waayo waxayagaas ayaan isticmaalaa, dhaqaale xoogaa fiican ah ayaan ka helnaa, xitaa digirta nooga soo baxda waa karsanaa. Habeen walba hawo hor leh ayaa I soo galaysa oo ah in aan sii waynaysto oo sii shaqaysto Ilaahay nala garab galo anaguna aan sii dadaalno.”
Fartuun iyo ninkeeda ayaa si wadajir ah uga shaqeeya beerta, iyagoo qayb ka mid ah dalagga isticmaala qaybna iibsada. Arintaa waxay ka saartay welwelkii biilka qoyska oo 7 qof ah. waxay iska bixisay $300 oo deyn ah, iyadoo iskuul hoose ku dartay afar ka mid ah carruurteeda oo $30 bishii ku dhigta.
Qoysas reer guuraa ah oo xoolihii ay ku tiirsanaayeen inta badan abaaraha ku waayay ayaa billaabay in ay ka caynsadaan neefafka uga danbeeya oo ay iibiyaan, kadibna ku maalgashadaan ganacsi kale oo ka mustaqbal roon.
Cabdullaahi Axmed Daaahir oo isna ka mid ah xoolo-dhaqatadii beeraha u wareegay ayaa sheegay in beertiisa oo 5 hiktar ah ay bishii uga soo xarooto $400 ilaa $500, taas oo u deeqday masruufka qoyskiisa oo 16 qof ah.
Wuxuu ku bilaabay $4,500 oo isugu jiray $3,000 oo uu ka helay 72 neef oo arigiisii ugu dambeeyay oo iibiyay bishii tobnaad 2024 iyo $1,500 oo deyn ah. Bishii Luulyo ayuu markii labaad goostay dalaggiisa ugu badnaa oo ahaa khudaarta cagaaran iyo raashinka baalka leh ah.
“Abaaraha markii ay nagu dhaceen arigii waa naga dhammaaday. Intii noo hartay ayaan beero ku maalgelinnay. Wax-soo-saarka ka yimid ayaa nolosheena wax weyn ka beddelay in awoodii nololeed ay sii baa’bado ayaan ka cabsanay sidaas ayaan u gadnay.”
Cabdullaahi ayaa sheegay in faa’iidada uu helo ay ku xirnaan karto badnaanta dalagga, balse ay noloshooda si weyn u soo kabatay. Lacagtaas ayuu qayb dib ugu celiyaa beerta, qayb ku bixiyaa baahiyaha reerka, halka qaybna uu kaydsado.
Wuxuu xusay in beertiisa oo toddobaadka oo dhan la waraabiyo ay ku tiirsan tahay ceel riig ah oo dowladda hoose ay u ogolaaday in uu iska bixiyo shidaalka matoorka biyaha ka soo saaraya. Wax soo saarkiisa waxaa joogto uga iibsada ganacsato macaamiil u ah oo kaga maarmay khudaartii ay gobollada koonfurta ka dalban jireen.
Ninkaan oo beerashada soo bilaabay bishii November ee sanadkii hore, waxaa markii hore saameeyay aqoon darro, balse tababaro uu helay ayuu sheegay inuu ka caawiyay fahamka wax tacbashada.
“Dadka nala shaqeeya oo aan waxbarnay oo iyaguna qutul-yoonkooda si fiican uga hela. Qarashka naga soo gala waxna raashinka ayaa lagu bixiyaa waxna iskuulka ayaa lagu bixiyaa, marka waxaan ka faa’iidanay in nolosheenii ay soo kabato oo ay isa soo badasho.’’
Hay’adda HIRDO oo kaashaneysa WFP ayaa siisay agab, abuur iyo tababar, taas oo u suurtagelisay in uu si fiican uga faa’iideysto. Cabdullaahi wuxuu qorsheynayaa in uu bilaabo ka ganacsiga calafka xoolaha iyo digaagga, isla markaana uu ballaariyo beertiisa si uu uga mid noqdo ganacsatada waaweyn ee deegaanka.
Fu’aad Maxamuud Warsame, guddoomiyaha iskaashatada Wadajir ayaa sheegay in lixdii bil ee ugu dambeeyay ay kordheen xoolo-dhaqatada beeraha u wareegaya, sababtoo ah xoolihii ay ku tiirsanaayeen oo yaraaday ama dhammaaday.
Iskaashatadu waxay beeraleyda cusub siisaa badeello, yaanbooyin iyo farageetooyin, si ay u helaan agabka aasaasiga ah ee ay ku bilaabi karaan tacbashada. Tani waxay sababtay in suuqa Caabudwaaq laga helo khudaar kala duwan oo qiimo jaban, taas oo hoos u dhigtay baahida loo qabo khudaarta laga keeno Itoobiya iyo gobollada kale.
“Waxaa sababtay in xoolahoodii baadiyaha ay baaba’een ama ka yaraadeen oo ay ka door-bideen in ay dhulkooda ka soo saartaan wixii ay ku noolaan lahayeen iyo haddii ay jirto in xoolaha wax uga hareen in ay u samaystaan calafkii oo noloshooda ay halkaas ka soo dhacsadaan. Ilo dhaqaale oo kalena ma haynin xoolihii ay garanayeen markay ka dhamadeen waxa ugu dhow beeraha ayay noqdeen, taas oo iskaashatadu ay ka caawinayso tababarrada.”
Biyo yari iyo dhul la’aan ayaa ka mid ah caqabadaha weli hortaagan beeraleydaan, balse kororka dadka ku soo biiraya beeraha ayaa badbaadiyay qoysas badan oo ku qasbanaan lahaa barakac iyo nolol xumo.
Gacmaha ay ciiddu ku dheggan tahay iyo wejiyada uu dhididku ka qubanayo ayaa maanta astaan u ah nolol cusub oo ka hirgaleysa Caabudwaaq, taas oo beera-falashada ay suuragelisay sannado badan oo hubanti la’aan ah kaddib.