Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Haweenay ku dhibaatoonaysa korinta carruur badan dhaqaale xumo awgeed

Jibril Osman by Jibril Osman
August 8, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Maryan oo kaligeed korisa 28 carruur ah oo la kulantay barakicin iyo shaqo la'aan/Maxamed Khadar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hal waqti ayay dabka u saartaa cunno aysan joogto u helin carruurteeda 28 ah Maryan Muuse Magooye. Waa kaalmo ay ku caawiyaan dad ay daris yihiin. Waxay ku haysataa hubanti la’aantan cunno xumo xerada lagu barakacay Koris ee dagmada Dayniile.

Lambar lagala xiriiri karo ayay ku faafisay baraha bulshada. Halkaas waxay ka heshaa kaalmada ugu badan ee ay ku tiirsan yihiin, balse maaha mid ka saartay xaaladda cunno yarida. Waxay tilmaantay in carruurta oo badan darteed ay maalinkii isticmaalaan ugu yaraan shan kiilo oo raashiin ah.

 “Dhanka nolosha qoyska aad ayay u liidataa. Ma jirto hal waqti isku toosan, halka waqti sida lagu helo ayaa adag. Carruurta mararka qaar dukaan ayaan deyn uga soo qaadaa. Dukaanka waxaan arkaa mar lay yiraahdo lacagtii aad shalay qaaday ayaad weli qabtaa maanta ma laguugu dari karo.?

“Haddaan iska dan-sheegto oo aan dhaho agoontaas ayaa iga baahan. Adeegga Ilaahey dartiis way igu soo siiyaan. Inaan Soomaaliyey aan dhaho agoontaas dartood ayaa ii keentay. Baraha bulshada ayaan ku ooyay. Ilmahaas wax la’aanta ah dartood.”

Carruurta ay koriso Maryan waxay iskugu jiraan agoon, rajo iyo kuwo ay kala tageen waalidkood oo ay u tahay ayeeyo, habaryar iyo eeddo. Toban iyada ayaa dhashay inta kale oo gurigeeda ku soo biiray bishii Feberaayo ee sanadkan waxaa dhalay gabadheeda oo la soo furay, walaasheed oo geeriyootay, ninkeediina la dilay iyo walaalkeed oo xaaska ay kala tageen.

Waxay xustay in culeyskan uu soo fuulay iyadoo kuwa ay dhashay u la’ waxay ku maareyso, qoyskana aysan jirin cid u shaqo tagta, balse ay tahay masuuliyad ay ku qasbanaatay inay qaaddo.

“Aniga inaan isla hadlo ayaan ku dhowahay, sokorna way ii dheertahay oo waan qabaa, xaaladeena maalin kasta way ka sii dareysaa. Hoy ha ahaato ama dukaan ha ahaato ama nolol maal meedkooda inay igu taakuleeyaan ayaan ka codsanayaa.”

Maryan ayaa sheegtay in xaaladan ay ku soo beegantay iyadoo ay ka joogsatay bishii Maarso ee sanadkan shaqo xoogsi ah oo ay qaban jirtay, taas oo ah sameynta burjikooyinka dhoobada ah oo aheyd xirfad ay ku shaqeysan jirtay in ka badan 20 sano.

Suuq xumo darteed ayay u joojisay, markii dadku ay badi u guureen isticmaalka gaaska iyo burjikooyin adkeysi leh oo ka sameysan bir, islamarkaana beeqaminaya dhuxusha iyo xaabada.

Waxay sheegtay in bishii ay ka heli jirtay illaa $200 oo ay ku dabari jirtay noloshooda. Shaqadan ayay tilmaantay inay ka quusatay, markii ay wax soo saar yeelan weyday, ayna deyn $300 ah ku yeesheen dad ay ka soo qaadan jirtay dhoobada ay ka sameyn jirtay burjikada oo laga soo qodo meel Muqdisho u jirta 100 km. 

“Shaqadan boqolkiiba boqol way joogsatay wax daneeya malahan. Ma jirto wax u baahan. Dadkii oo dhan SOMGAS ayay u badan yihiin. Burjikooyinkan markay fiicneyd nolol maalmeedka ilmaheyga okay ayay aheyd $8. Toddobo waan ka qabsan jiray markaan suuqa tago. Ilmiha bariiskooda, calooley iyo hilib kale iyo cajiinkooda waan uga heli jiray, ilmaha noloshooda ok ayay aheyd.”

Seyga Maryan waa guri joog aan shaqo tagin tan iyo bishii Jannaayo. Xanuun haleelay ayaa howlgab ka dhigay. Wuxuu daryeel ka sugayaa xaaskiisa oo aan u heli karin nafaqo ku filan, isbitaalna aan geyn karin.

“Wuxuu qodi jiray ceelasha. Sidoo kale ninkeyga waxaa ku dhacay cudurka dhiig-karka loo yaqaano. Siduu u jiraday anigana culeys faro badan ayaa i koray. Inaan isla hadlo ayaan ku dhowahay. Aad iyo aad ayay inooga liidataa.”

Maryan oo 40 jir ah carruurta ay koriso ma aadaan iskuul. Badi way gaareen da’da waxbarashada, balse dhaqaale yari ayaa ka hor taagan inay billaabaan waxbarashada maadiga ah.

Waxay hadda la tacaashaa 12 ka mid ah carruurta oo barta Qur’aanka, kuwaas oo bishii ay ka dhiibto $36 oo aysan joogto u helin.

 “Waa u jeeddaa waqtigii ay waxbaran laheyd waaye iyada iyo wixii lamid ah oo aad arkeysid ilmahan. Iskuulkii calaa cunug waxaa lagu leeyahay waa shan Doollar anigana ma awoodi.”

Qoyska Maryan waxay ku nool yihiin xerada Koris ee degmada Deyniile. Bishii Jannaayo ayay soo degeen halkan, markii dad lahaa dhulka ay ka soo barakiciyeen xerada iga horkeen, degmada Garasbaalay ee magaalada Muqdisho.

Halkan ay soo maciin biday oo ay ku nool yihiin ku dhowaad saddex boqol oo qoys waa dhul aan dammaanad laheyn oo ay lee yihiin dad deegaan ah. Bilaash ayay ku deggan tahay, balse malahan adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.

 “Dhulkan qof uun baa yiri iska dega inta aan uga soo baahanayo, naxariis bani’aadamnimo ayaa ku jirta, iyagana xilligii ay u soo baahdaan ka kaca nala yiraah waan kaceynaa. Geedigan Ilaahey un baa qadaray, laakiin mar unbaa ka bixi doonaa. Mar walba inta ka kaca oo guura way igu soo noq noqotay. Dhul malehi, qarash aan ku gato si aan agoontan ugu maareeyana ma haysto.”

Qoyska Maryan waxaa laga soo barakiciyay illaa afar xero oo ku kala yaalla degmooyinka Kaxda iyo Garasbaaley muddo shan sano guda hood ah, waxay taasi u keentay deggenaan la’aan iyo walwal joogto ah.

Haweeneydan iyo qoyskeeda ayaa sanadkii 2020 ka soo barakacay degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Amni xumo ayaa ka soo fogeysay tacabka beeraha oo ay ku tiirsanaayeen.

Qoysas badan ayaa ka soo kaban la’ nolol xumada ay ka dhaxleen barakicinta. Badi ma helaan dib u dajin iyo adeegyada muhiimka u ah noloshooda.

Previous Post

Galgaduud: Dhaqaale xumo sababtay inay waxbarasho la’aan noqdaan arday danyar ah

Next Post

Guurka qasabka ah oo nolol xumo biday gabadho da’yar oo ku nool Baydhabo

Related Posts

Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida

October 30, 2025
Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka

October 29, 2025
Muqdisho: Dhallinyaro la shaqaalaysiiyay oo nolol xumo ka saaray qoysaskooda
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro la shaqaalaysiiyay oo nolol xumo ka saaray qoysaskooda

October 28, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Hiiraan oo daryeel caafimaad iyo mid daaq u helay geela abaarta u nugul

October 24, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Colaadda Soomaalida iyo Oromada oo nolol xumo galisay beeraley iyo xoolo-dhaqato

October 23, 2025
Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

October 22, 2025
Next Post
blank

Guurka qasabka ah oo nolol xumo biday gabadho da’yar oo ku nool Baydhabo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Idaacadda 30-OCT-2025

Idaacadda 30-OCT-2025 by Radio Ergo

Idaacadda 30-OCT-2025
Episode play icon
Idaacadda 30-OCT-2025
October 30, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 29-OCT-2025
October 29, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2025
October 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2025
October 27, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2025
October 26, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo